Sign in to follow this  
General Duke

Reer Minnesota Vs Sharif Hotel: Demo's against the man, why?

Recommended Posts

Sheikh Shariif oo Minneapolis imanaya October 4 iyo Reer Minnesota “oo u diyaar garoobaya” Mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan: waraysiDaabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com | Saturday, September 26, 2009

 

osmanahmed.jpg&cat=1&pid=2329&cache=fals

 

 

Sheikh Shariif oo Minneapolis imanaya October 4 iyo Reer Minnesota "oo u diyaar garoobaya" Mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan: waraysi | Akhri Qoraalkan

Qoraallo La Xiriira

Farriinta Abuubakar as-saddiq ee Munaasabada Ciidul Fidriga sanadkan 1430 H

Sidii looga ciidey Minneapolis & UK .. iyo Fariin Sheikh C/raxmaan u jeediyey Soomaalida

Af Soomaaliga oo lagu daray Xarunta Minnesota, USA

Wiilkii 5aad oo ka tagay Minnesota oo Lagu Dilay Muqdisho

Minneapolis Man Killed in Somalia

(Shiekh Shariif waxaa u qorshaysan Minneapolis in uu yimaado October 4, 2009 oo Axad ah)

 

“Shariifka iyo ragga la socda Shacbiga Soomaaliyeed waa arkaan waxay samaynayaan, waana u diyaar garoobayaan sidii ay uga hor tegi lahaayeen oo mudaharaad ugu samayn lahaayeen, adduunkana u tusi lahaayeen in aysan ahayn niman dawlad ah ee ay yihiin niman burcad ah…. ” Waraysi Cusmaan Axmed Sheikh…

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cusmaan Axmed Sheikh oo ah madaxa Riveside Plaza ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in reer Minneapolis aysan jirin wax wanaag ah oo ay ku abaal marin karaan Sheikh Shariif oo lagu soo dhaweyn karo, balse la qaban qaabinayo in mudaharaad lagaga hor yimaado, gaar ahaan ayadoo laga soo hor jeedo heshiiskii Is-afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa badda Soomaaliya.

 

Cusmaan waxa uu ku celceliyey in xukuumadda Sheikh Shariif ay bixisay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay siisay Kenya, gaar ahaan badda Soomaaliya.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay warqaddii Cumar C/rashiid loo saxiixay ee loo gudbiyey Qarammada Midoobay.

 

Cusmaan Axmed Sheikh waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dadweynuhu ay muujiyaan wadaniyaddooda.

 

Cusmaan oo ka hadlayey sida ay ugu diyaar garoobayaan mudaharaad lagaga hor imanayo imaatinka waftiga Sheikh Shariif ee Minneapolis waxa uu yiri “annagu waa abaabulay dadkii aan isku fikirka ahayn, badaanaa dadka magaaladuna waxaan og-nahay in ay Shariifka ka hor imaanayaan, oo mudaharaad kagala hor imanayaan…”

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia

 

UN: Go’aankii Baarlamaanku waa go’aan Soomaaliyeed

UN: Go’aanada ka soo baxa guddiga xadaynta badaha waa go’aana aan rafcaan laga qaadan Karin

Warbaahinta: Norway waxay Kenya siisay $200 million si uu u hirgalo heshiiska isfaham ee Somalia-Kenya

Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka, Xilli laga yaabo in Qarammada Midoobay go’aan ka gaaraan Dukumiintihii ay Kenya u gudbsatey UN ee la xiriirta heshiiskii Is-fahamka…

 

Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya…

COLUMBUS, Ohio: Cilmi Ducaale, oo ah safiirka Soomaalida u fadhiya Qarammada Midoobay, ayaa hay’adda wararka ee AP waxa uu Arbacadii (Sept 9, 2009) u sheegay in Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu doonayo in uu booqasho ugu tago Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minneapolis, Columbus iyo cirifka Washington DC. Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweynaha DFKMG uu ka qayb geli doono shirka Qarammada Midoobay dhammaadka bisha September 2009. Sidaas waxaa werisey jariidadda StarTribune ee ka soo baxda Minneapolis.

 

Waxaa in dhoweyd xarunta UN-ta ee New York ka socdey kulan kale oo lagu falanqaynayo dukumiintiyadii iyo akhbaartii ay dalalka xeebaha leh u gudbiyeen guddiga xadaynta badaha ee Qarammada Midoobay. Kulankaas oo soo bilowday August 10 ilaa September 11, 2009. Shirkaas oo albaabadu u xiran yihiin.

 

Sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay oo wax laga weydiiyey kulanka guddiga xadaynta badaha ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxa ay noqon doonaan “go’aan aan rafcaan laga qaadan Karin.” Arrintaas oo walaac ku abuureysa shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale Afhayeen u hadashay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ayaa tibaaxday in go’aankii baarlamaanka DFKMG ay ku diideen heshiiskii is-fahamku uu yahay “go’aanka Soomaaliya” oo arrimaha gudaha ee Soomaaliya aysan faragashanayn.

 

Dhanka kale shabakad xarunteedu tahay Maraykanka ayaa sheegtay in Dalka Norway ay lacag dhan laba boqol oo million ($200 million oo doolar) siisay Kenya si uu u hirgalo heshiiska isfahamka ee ay la gashay Soomaaliya (hoos ka akhri warkaas).

 

Agoosto 1, 2009 ayey ahayd markii 334 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG ay u codeeyeen diidmaha heshiiska is-faham ee Soomaaliya-Kenya.

 

Warar SomaliTalk heshay waxay tibaaxayaan in Afhayeenka golaha Barlamanka DFKMG Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Aaden Madoobe) uu xeerkii ay baarlamaanku ku diidey heshiiskaas si rasmi ah ugu gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Sidaasna uu ku noqonayo Qaanuur ama Xeer rasmi ah. Laakiin ilaa hadda (September 10, 2009) ma jiraan wax muujinaya in xukuumaddu ay xeerkaas u gudbisay Qarammada Midoobay, ugu yaraan arrintaas weli laguma daabacin shabakada UN-ta.

 

Akhristuhu si uu u fahmo sidii degdegga ahayd ee xukuumadda Sheikh Shariif ay ku fulisay heshiiska is-faham: Febraayo 22, 2009 ayaa la dhaariyey xukuumadda FKMG. March 10 waxaa Nairobi ka dhacay kulan dhex maray xubno xukuumadda ah, UN iyo Norway, kulankaas ayaa xukuumadda loogu soo bandhigay qorshaha heshiiska. March 12 ayaa la sheegay in xubno ka tirsan golaha wasiiradda DFKMG ay ansixiyeen heshiiskaas. March 18 waxaa Nairobi heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, heshiiskaas oo kusaabsan in cashuurta alaabta aadeysa Soomaaliya in ay Kenya cashuurta uga qaado DFKMG. April 5-6 ayaa wafti reer Norway ay yimaadeen Muqdisho safarkooduna uu la xiriirey arrinta badda. April 7 ayaa Nairobi lagu saxiixay heshiiska Is-fahamka. April 8 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu warqad lifaaq ah ku daray heshiiska una diray UN-ta. April 14 ayaa si rasmi ah heshiiskaas lagu daabacay shabakada Qarammada Midoobay.

 

Taas barbardhig in Baarlamaanka DFKMG ay diideen heshiiskaas August 1, 2009 ilaa haddana aysan xukuumaddu ficil ka qaadan, ama muujin ficilka ay qaadatay. Lama sheegin sababta ay taasi ku dhacday.

 

Waa jawaabaha ay Jaaliyadda Minneapolis, Columbus iyo Washington DC ka sugayaan Sheikh Shariif marka uu booqashada ku tago Maraykanka.

 

***

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this