Sign in to follow this  
Cowke

Kismayo: Shabab Deny City Is Taken Over

Recommended Posts

Cowke   

Maamulka Kismaayo Oo Beeniyey Isbadalka Amaanka Ee Ku Yimid Magaaladaasi

 

 

C/risaaq C/laahi

 

 

Kismayo (SP) - Afhayeenka Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in ayasan wax isbedel ah ku imaan Maamulka degmadaasi, xilli maalmahii ugu danbeeyey uu ka jiray khilaaf dhinaca Maamulka ah.

 

Afhayeenka walaayada islaamiga Jubooyinka ee hoostagta Xarakatul Shabaab Sh.Xasan Yaaquub Cali ayaa ka hadlay xaalada Magaalada Kismaayo tan iyo markii Maalinnimadii shalay uu magaalada kismaayo soo gaaray Sh Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ciidamo uu wato ayadoo ilaa iyo waqtigaas ay xaalada magaalada ay kacsaneyd.

 

 

Waxaan Sh Yacquub uu beeniyey hadalka ay dadka isla dhexmarayaan ee sheegaya in magalada kismaayo isbedel ka dhacay waxaan uu sheegay in magaalada uusan ka dhicin wax isbedel ah isla markaan ciidamada Amaanka ay sidoodi u holgelayaan cidkasta oo isku daydana in ay magaalada qaska sameysan ay talaabo ka qaadayaan.

 

Sidoo kale Maamulka Islaamiga Magaaalada Kismaayo ayaa si kulu uga jawaabay hadal ka soo yeeray xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka tirsan dowlada KMG Somalia oo ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka kaas oo sheegay Magaalada Kismaayo in uu isbedel ka dhacay.

 

 

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay isbedelkaas oo ay soo dhoweynayaan isla markaan sheegay in magaalada Kismaayo lagala wareegay Maamulkii hore.

 

Sh. Xasan Yaaquub Cali uu si kulul ugu jawaaba xildhibaan xidig oo uu yiri “waan maqlaayey hadalkii uu ku hadlay oo ahaa in maamulkii hore laga saaray kismaayo lagan dhisay maamul cusub hadalkaas idanka ilaahey ma dhacaayo ilaahey kitaabkiisa ayaa halkaan ka taliya asiga ayaan lagu xakumayaa asiga ayeeyna muslimiinta oo dhan ku nasteen waxaan lagu helay cadaalad iyo kala danbeen qabyaaladii iyo waxii la isku cunaayey ilaahey kitabkiisa ayaa lagu tirtiray waxaan kitaabka alle aheyn ma na deeqaayo” sidaana waxaa yiri Sh.Xasan Yaaquub Cali.

 

 

Maalinnimadii shalay ayeey aheyd markii ciidamo uu wato Sh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay dhinac galbeed ka soo galeen Magaalada kismaanyo kuwaas oo dhowr fadhiisin ka degay Magaalada.

 

Sh Axmed Islaam (Amed Madoobe) ayaa waxaa uu ahaa xiligii maxkamadaha gudoomiyaha gobolada jubooyinka waxaan uu noqday Xildhibaan ka tirsan dowlada KMG somalia inkasta oo uu sheegay in uu iska casilay.

 

 

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa xilligan maanta ah degan mana jirto cid ku kala dhex jirta dhinacyada is maandhaafsan oo ku wada sugan Magaalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Cowke:

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa xilligan maanta ah degan mana jirto cid ku kala dhex jirta dhinacyada is maandhaafsan oo ku wada sugan Magaalada Kismaayo.

Magaaladu inay degantahay garaneye laakiin xaa loo waayey cid kala dhex gasha?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Well interestingly enough we know kismayo is not in war-mode (yet), but what is suprising is shabab believes the the administration hasn't changed hands. Or do they mean that the quran is still being used as the policy of the city regardless what faction manages it?

 

It's quite confusing however my understanding of this is shabab see's no change has occured.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this