Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: Clan courts plane held/released?

Recommended Posts

NAIROBI: Warar dheeaad ah oo ku saabsan Madaxdii Maxkamadaha ee Jubbooyinka oo su'aallo kale la weydiinayo

Posted to the Web Nov 06, 13:43

 

 

Nairobi (PP) - iyadoo lagu waday in saakay la sii daayo xubno ka tirsan Maxkamadaha oo ay diyaarad laga leeyahay dalka Kenya si lama filaan ah u geysay Nairobi ayaa warar cusub oo ka soo baxaya waxay shegayaan in baaritaanno kale lagu celiyay xubnahaas.

 

Wararkan cusub ayaa waxay sheegayaan in kooxdaan ay su'aalo weli waydiinayaan Booliiska dalka Kenya, waxaana la sheegay in ay la socdaan xubnahaas dabley aad hubeysan, taasoo shaki weyn ku dhalisay Dowladda Kenya.

 

Sida ay caddeynayaan wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka socda dadaal ay ku baarayaan Booliiska dalkaas kooxaha la socda diyaarada oo laga shaki qabo inay ku jiraan kuwo ay si weyn u doondoonayaan Mareykanka iyo Reer Galbeedka.

 

Inkastoo ay jiraan dadaallo uu wado Danjire Afey haddana, ma jiraan wax caddeyn ah oo sheegaya inay dhici karto in la sii daayo dadkaas oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Dooxooyinka ee Maxakamadaha Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Islaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Rather call him ICU representative or Jubavalley Govonor.

 

'Clan court' this term is bullshit

Coz every clan is running its own niche.

He has every right just like the Clan Council in Puntland & Somaliland.

 

Diyaaradii illaa iyo shalay kuxanibneed Nayroobi ee ay saareeyaan waftigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay gudoomiyaha maamulka islaamiga goballada jubbooyinka Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Islaam ayaa qiyaastii saacad kahor kasoo duushay garoonka diyaaradha ee Wilson Airport kuna soo jeeda magaalada Muqdisho.

 

Diyaaradan ay saareeyaan waftiga maamulka islaamiga goballada jubbooyinka ayaa iyadoo usocota magaalada muqdisho kudegtay garoonka wilson Airport, kadib markii ay habeen noqotay oo u pilotka diyaarada usurtawbi weyday inuu ku dejiyo garoonka diyaaradaha muqdisho.

 

Waxaa magaalada Muqdisho kasocda diyaar garoow lagu soo dhaweynayo wafdiga maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka ayaa haatan waxa ay ka socotaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,halkaasoo ay soo caga dhigan doonto diyaarada sida wafdigaasi oo xalay ku hoyday hotelka Grand Rigency ee magaalada Nairobi.

 

Muftiga Kenya Sheekh Maxamed Macalim Umal iyo siyaasiyiin kale oo ay kamid yihin Amb Maxamed Cabdi Affey, Faarax Macalim Dawaara iyo Ilyaas Barre Shiil ayaa dadaal weyn u galay sidii degdeg loogu fasaxi lahaa diyaaradda, isla markaasna loogu fudideyn lahaa hawlaha waftigan oo cilad xagga farsamada ah uga soo dagay garoonka Wilson Airport.

 

Godeynews.com,

Nayroobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this