Cumar Posted October 22, 2006 Bu'aale (AllPuntland)- Xalaada magaalada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubadda Dhexe ayaa ah caawa mid dagan ka dib markii ay maanta halkaasi ka dhaceen dagaalo khasaare gaystay, oo dhexmaray xoogagga DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo ciidamada maxkamadaha Muqdisho. Magaalada Bu'aale ayaa lagu soo waramayaa inuu gacanta ku hayo wasiirka gaashaandhiga ee dawlada Soomaaliya Md. Barre Aaden Shire (Hiiraare) sida ay AllPuntland u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow wasaarada gaashaandhiga ee Soomaaliya. Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidamada uu hogaaminayo wasiirku ay ka qabsadeen kuwa maxkamadaha sideed gaari oo ah nooca dagaalka ee looyaqaan tiknikada. Dhanka wasiirka ayaa lagu soo waramayaa in ay laba nin ka dhinteen afar kalena ka dhaawacmeen, halka ilaa iyo hadda aan lahayn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray maxkamadaha Muqdisho, isgaarsiin la'aan gobolkaasi ka jirta awgeed. Labada dagaalka ee maanta ay iskaga horyimaadeen ciidamada labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in markii hore ay is haleeleen ciidamada sahanka ee DFMKG ah ee Soomaaliya iyo kuwa maxkamadaha, halka maanta galinkii danbena ay si ka fool ka fool ah halkaasi isku hardiyeen ciidamada labada dhinac. wixii war ah ee ka soo cusbaanaada dagaalkaas ha ka dheeraan AllPuntland A.A.A. Gentleman AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 22, 2006 ^^^any conformation to this claim? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 22, 2006 Ciidamadda Barre Hiiraale iyo kuwa Maxaakiimta oo gaadiid dagaal iyo maleeshiyooyin iska qabsaday{khasaarahii ugu badnaa oo ka dhacay} Bu'aale, Axad, Oct. 22, 2006 Waagacusub.com 21 qof ayaa ku geeriyootay 33 kalana way ku dhaawacmeen Dagaalo qaraar oo u dhaxeeya Ciidamadda Korneyl Barre Hiiraale iyo kuwa Maxaakiimta kadib markii ay isku hardiyeen degaanka bu’aale. Dagaalka u dhaxeeya Barre Hiiraale iyo Maxaakiimta ayaa ku sii fidaya tuulooyinka ku xeeran bu’aale,waxayna labada dhinac iska gubeen todobo gawaaridda dagaalka,iyagoo iska qabsaday Maleeshiyooyin hubeeysan. Dagaalka ka soconayo bu’aalo oo labada garab dhinac ka mida la soo weriyay inay si wayn ugu jabeen oo hubkii looga furtay,waxaa ka qaybqaadanaya taangiyaal,beebeyaal,Bm iyo gaadiid dagaal oo mootaro kala duwan saaran yahiin. Korneyl Barre Hiiraale ayaa haatan ku sugan tuulo lagu magacaabo Gubato oo 30 Km u jirta Bu’aale isagoo halkaas kula hadlay dadweyne isu soo baxay. Korneyl Barre Hiiraale wuxuu sheegtay inuu la wareegay gacan ku heeynta Bu’aale hasse yeeshee wali wax wara kama soo bixin dhinaca Maxaakiimta. Warar goor dhaweeyd ka soo baxay dhinaca buurhakaba ayaa sheegaya in Ciidamadda dowladda iyo kuwa Maxaakiimta uu goordhawayd dagaal ka dhex qarxay ,iyadoo buurhakaba laga maqlayo gurxanka madaafiicda. Guud ahaan goboladda Somaliya ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Ciidan,waxaana xiisado colaadeed ka aloosan tahay goboladda Galgaduud iyo Mudug. Ciidamadda Cabdi Qaybdiid ayaa ku soo dhawaaday Tuuladda Gelinsoor,iyadoo labada ciidan ee Maxaakiimta iyo kuwa Qaybdii Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted October 22, 2006 Can we trust AllPuntland website, the mouthpiece of Yeey to be telling the truth when that same website reported bu'ale capture one week ago.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 22, 2006 The Allpuntland report is exactly as I had heard this morning after calls with Africa. One should always keep in mind that the man from the other side, Abdullahi Ahmed Warsame, who announced they had defeated Barre Hiriaale and captured numerous teknikos is the same one to have denied Barre was near Bu'aale few days ago and gave contradicting reports on Beerxaani two weeks ago. If you remember Duke, he told Shabelle there were no militias loyal to Barre in Beerxaani while telling HornAfrik/Qaadisiya and others that they had found and "disarmed" them, both of which were far from the truth as less then two days later the Beerxaani boys striked within the city of Kismaayo itself. Inshallah waa la ogaan indhawaalba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted October 22, 2006 Maybe Gedonet.com will benefit from your "sources in Africa". This is what the mouthpiece of warlord Barre had to say about the situation in Bu'ale. http://www.gedonet.com/index.php?news=522 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 22, 2006 ^Gedonet is a responsible site. They are waiting for the dust to settle rather then indulging in propaganda. p.s. That was on earlier this morning; let's wait for the next update. If Barre lost, I am sure it will not be kept a secret and the same if he has won. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted October 22, 2006 Gedonet is a responsible site. :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 22, 2006 ^What's your problem? Ninyaho cadifad qabaa'il ee aad xun baa kugu jirtee iska dawee. Teer iyo markaan magacaagu arkay, 95% of your posts have to do with but one thing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted October 22, 2006 Adeer haddii la waayay ma Gedonet baan ka fiirinaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 22, 2006 ^Adeer ma helitaan ayuu kaa rabay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haashim Posted October 22, 2006 Maya anigu waxaan rabay intuu dagaal iyo dhibaato cusub dadweynaha reer Jubba u horseedi lahaa inuu SAAXIBADIISA HOOSE ku soo biiro oo isagana nasto ummadana dhibka iyo qaxa iyo dagaalka ka daayo. Saaxibadiisa hoose iyagoo guryohoodaii jooga sida Dayniile, Madiino wim ayay isaga carareen oo turub iska ciyaaraan, barrana isagoo dad kale gurigiis joogay ayuu rabaa inuu dagaal iyo dhibaato cusub abaabulo, war yaa ILAAHAY yaqaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 22, 2006 Helitaan hadii lagaa rabin maxaad la calaacalaysaa marka? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 22, 2006 Horn is correct, Gedonet is waiting for more news, but I am starting to think that the courts claim is not sound. For example. Simbanews.com a Mogadishu radio states that the fighting is still ongoing. Waagacusub.com, Allpuntland.com, Mudugonline.com and others are reporting that Hiiraale has the uperhand. Shabble, goobjoog and Hornafrik all pro courts are reporting that Hiiraale lost but with some hesitation. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted October 22, 2006 Wax walba waa la ogaan inshallah. Quote Share this post Link to post Share on other sites