Liibaan Posted September 10, 2009 SAYLAC.COM: Dawlada Rayaale Waxay Somaliland Keentay Meel HoreLooga Socon Karo,Yaan Dib Loo Celin Sida aniga ii muuqata ama xaqiidu iila egtahay kama jirto Masiibo Siyaasadeed iyo Xaalad qalafsan ee Xuquuqda Insaanka Magaaladda Hargeisa (Somaliland), waxaase hubaal ah in Doorashadda Madaxtooyadu dhawr jeer mudo dhaaftay, Sababta siday doonto ha noqoto. Xadhigjiidka Xisbiyadda ee Walaalnimo ayaa Hayado shisheeye sida interpeis iyo Ahmed Waladu Abdalla oo Dhaqaale iyo Maamul ku haysta Xaaladda Somalia u arkeen daaqad laga soo gali karo Masiirka Shacabka Somaliland iyo Hanaqaadka Nidaamka Axsaabta baddan ee Somaliland oo uu aabo u haa Marxuum Mohamed Ebraheim Egal, isla markaan uu hirgeshay oo kuna guulaystay Madaxwayne Daahir Rayaalle Kaahir. Si loo kala fur- furo Shacabka, Xisbiyada iyo Beelaha Somaliland waa in lagu dhex darsadaa Dhalinyaro u ooman Qabyaalad iyo Qalalaase ama Siyaasiyiin qurbojoog ah oo Dibada uga diwaan gashantahay Jaaliyado ama Hayado lagu sheegay NGO markii hore lagu Sheegay, kuwo ka madax banaan Siyaasadda Xisbiyadda ee Gudaha Dalka Somaliland. Ururadaas Qaarkood waxay hada u xuub siibtay Xisbiyo iyo Xarakooyin Siyaasadeed, waxaana jira tuhun xoogan oo caddaynaya inay Ragaasi dhex fadhiyaan Golaha Wakiiladda, waana kuwii uu Abdulahi Suldaan Sheegay:-Minasa laguma diirdade Qalbigu waa dirkii Karal, iyo waliba has Hasan Xaaji Abdulahi (Xasan Ganay) Haday Belo dayaanto Duulimaad u Go,anyahay. Xildhibaanadaas Halhayskooda waxa ka mid ah:- Beesha Caalamka, Hayada interpies, Diwaangalin, Dimoqraadiyo, waxaana hada la xasuustay Xidhiidhka interbeis iyo Xisbiyadda Mucaaridka siduu ku bilawday, waxayna Ilaaween Muddaneyaashaasi in Beesha caalamku Marnaba Raali ka noqon Horumarka iyo Talaabooyinka aan afrikanka hore loogu aqoon ee aynu si wada jir ah ugu Talaabsnay. Ahmed walad Abdala waxuu mooday inuu ku guulaystay Qorshihii ahaa Maxaakiinta waan inan ku dhex darsanaa qaar inoo adeega!. Isticmalka Mobilka, Internetka iyo Hotlineka, SMSka ayaa Dhawaan lagau Tijaabiyay inay Khal-khal galiyaan Doorashadii Dalkaas Iran, Qorshahaasi wuu Dhiciyay, waxuuna ku danbeeyay Fashilaad iyo Waji Cusub oo Dalalka reer Galbeedku u adeegsan lahayeen Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Waddamada Dihin (Dunidda Sadexaad).in la isticmaalo Koox tiro yar oo Muwadiniin ah oo aan marnaba ogolayn waxa layidhaa Cealalyo Heshiiso ayaa Geelu Cabaa ayaa noqotay Daaqad labaad ee lagu furo Marka Shacab isku dayo inuu Cagihiisa isku taago kana maarmo Fulinta Shuruudo huwan dano shisheeye. Ururadan Qurbajooga ah ee Weerarka ku haya Dhismaha Madaxtooydda Somaliland sidii kuwii Maxaakiinka isku sheegay (Mogadischu) ee ka kala yimi London iyo Kanada, si buuxda ayaa looga war qabaa, waxaana dhowaan la Calaamadiyay Shaqsiyaad aan lagu ogayn inay ka mid yihiin Xisbiyadda Siyaasadda ee hada uun lagu arkay iyagoo ku dhex dhuumanaya Xisbiyadda Mucaaridka siiba Kulmiye. Xisbiga kulmiye waa inuu ku hanuuno in Dooshada la qaban doono (Insha alahu) kadib marka Ceelalyadu Heshiiso, si geelu u cabo, waana inuu Ogaado Rayaale iyo Scheikh Ahmed Yaasiin waa Aabaha iyo Hooyada Dimoqraadiyada Somaliland waana kuwii ku dhaartay ee ku dhiiraday inay Fuliyaan Ujeeda iyo Iraadada Shacabka kuna dhqaaqay waxaanu maanta ugu faano Qaarada Afrika. Waxaan filyaa inany wali Duugoobin taariikh la soo maray lagana doodi karin Baalka ay kaga qoran yihiin Daahir iyo Scheikh Ahmed Yaasiin Taariikhda Cusub ee Geeska afrika ama Guusha Siyaasadeed ee Somaliland, waa Ragii Dhigay Kuraasta maanta ay ku fadhyaan Mudanayaasha la soo doortay ee Dawladaha hoose iyo Golaha wakiiladda , oo u badan kuwo aan waligood ku riyoon inay maalin ka mid noqn doonaan Golle Sharci dejin, waxaase jirta (Inna Sawraata Ta,kulu Abnaa ahaa) Kacaankasta waa inuu marka hore Ragii dhasahay Cuno) maxsuulkuna waa inuu Qofkastaa hal mar Codkiisa dhiibto, hal xisbina Kalsoonida Dadwaynaha helo, midkuu doono ha noqdee, Xaaladda Doorashadu waa Dhari oo Dhadhanka ayaa ka maxsuul ah, dib u dhac ayaa ku yimi Geedigii Hawsha Dawladda iyo Hawlmalmeedkii Wasaaradaha, Dawladu waxay ku mashquushay wax Iska caabi. Dhamaan Somalilanderka waxaa waajib ku ah inay Garbaha iyo Gamcaha is gashadaan una Saftaan sidii loo rari lahaa Geediga Qudha oo inooga dhiman Guri Barwaaqo. Sidda uu Dhawaanta Sheegay Mujaahid Muuse Biixi horena uga dhawaaqay Eng Faisal Ali Waraabe (Gudoomiyha Xisbiga ucid) Dawlada Rayaale waxay Somaliland keentay Meel hore looga socon karo, yaan dib loo celin!!!.Ramadaan Kariim. Wadajir baynu wax ku nahay Omar A/karim Hersi (Xaaxi) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted September 10, 2009 SAYLAC.COM: Liiska Labaatanka Nin ee Raba Burburka Somaliland iyo Saylici oo Dabada Kaga Dhagan Kaalinta Labaatanaad. Somaliland waa dal curdin ah oo xoriyadiisii kala soo laabtey dalkii la isu odhan jirey jamhuuriyada soomaaliya, hadaba dib ula soo noqoshadaa xoriyada waxaa ku baxdey sidaan wada ogsoonahay dhiig iyo dhaqaale badan, balse midhihii laga dhaxley waa kuwaas maanta la wada manaafacaadsanayo, dalku wuxuu leeyahay madaxweyne iyo maamul dawladeed, wuxuu leeyahay dastuur iyo kala dambeyn, wuxuu leeyahay heerka axsaabta qaranka iyo komishan doorashooyinka waxaas oo dhan waxaa lagu heley waa kala dambeyn iyo shacabka reer somaliland oo u bislaadey nidaamka dawladnimo taas oo hadii ay wanaagaas ku sii socoto aan caalamka aduunka wax kula qeybsan karno, hadaba marka aad eegto muranada dhinaca siyaasadeed ee sanadahan u dambeeyey soo ifbaxey waxey sababeen dib u dhac ku yimaada yoolkii ay somaliland hiigsan jirtey arimahaas waxaa sabab u ah rag dantooda ka hormarinaya danaha qaranka somaliland kuwaas oo uu adeegsanayo cadaw wakhti xaadirkan lagu jiro qarsoon balse muuqan doona wakhti dhow, inkasta oo ay badan yihiin ragaas lagu shaqeysanayaa hadana waxaan jira labaatan nin oo weysada u biyeystey sidii ay somaliland u dumi laheyd, labaatankaa nin waxey kala yihiin 1- Axmed maxamed maxamuud siiraanyo 2- Faysal cali waraabe 3- Cabdiraxmaan maxamed cabdillaahi cirro 4- Samoora ina interpeace 5- Saleebaan maxamuud aadan Gaal 6- Axmed cabdi godane al-shabaab 7- Maxamuud raage qeyte 8- Cabdicasiis maxamed samaale 9- Muuse biixi cabdi 10- Baashe maxamed faarax 11- Abiib diiriye nuur timo cade 12- Maxamed xaashi cilmi 13- Sheekh aadan maxamuud xiirey siiro 14- Maxamed cabdi gaboose 15- Nuux ismaaciil taani 16- Maxamed maxamuud diiriye 17- Maxamed kaahin axmed 18- Jamaal caydiid ibraahim 19- Fu,aad aadan cade 20- Cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici Cabdinuur Xasan Ismaaciil cadinuur73@hotmail.c om Quote Share this post Link to post Share on other sites
GAAROODI Posted September 11, 2009 DALMAR.... LAS CANOD....REPUBLIC OF SOMALILAND...SAXIB !!! Quote Share this post Link to post Share on other sites