Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: President Yusuf pardons prisoners

Recommended Posts

Yusuf oo maxaabiis cafiyay

31 Mar 31, 2008 - 6:46:20 AM

 

Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta cafis u fidiyay maxaabiis ku xirnayd xabsiga dhexe ee Muqdisho, waxaana sii daynta maxaabiistaan ay ku timid kulan dhexmaray Madaxweyne Yusuf Xildihibaanno ka tirsan Baarlamaanka DF.

 

Maxaabiista la sii daayay ayaa waxaa la sheegay inay gaarayeen 7-maxbuus oo loo haystay inay gacansaar la lahaayeen xoogagga ka horjeeda Dowladda Somalia, balse Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in cafiskaan uu qayb ka yahay dadaallada ay DF ku doonayso inay nabadda kusoo celiso.

 

Afhayeenka DF Cabdi Xaaji Goobdoon oo saxaafadda u sharraxay sababta keentay in maxaabiista uu cafis u fidiyo Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay inay sii dayntaan timid kaddib Markii Yuusuf uu kulan gaar ah la qaatay xildhibaanno ay ka mid yihiin: Xildhibaan Max'ed Max'ud Guuleed [Gacmodheere], Xildhibaan Cali Calas Qaareey, Xildhibaan Max'ed Jaamac Furux iyo Madaxa Dekedda weyn ee Muqdisho Siciid Siyaad Shirwac.

 

Goobdoon, wuxuu sheegay in maxaabiista la cafiyay isla maanta oodda laga qaaday, isla markaana uu Madaxweyne Yuusuf u sheegay xildhibaanada in tallaabadaan ay tahay mid uu ku horumarinayo nabad ka dhalata dalka.

 

Madaxa Dekedda Muqdisho Siciid Siyaad Shirwac oo wax laga weydiiyay sii dayntaan ayaa isaguna sheegay inay ka codsaden iyagu Madaxweyne Yuusuf in maxaabiistaan uu u ogolaado inuu cafis u fidiyo uuna Madaxweynuhu aqbalay.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu Madxweynaha Dowladda Federaalka Somalia uu ku dhawaaqo inuu cafis u fidiyay maxaabiis ku xiran xabsiyada ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin dagaallada looga horjeedo DF.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo cafis u fidiyay Maxaabiis ku jirtay Xabsiga Dhexe.

31. marts 2008

 

Muqdisho (AllPuntland) - Madaxweynaha Jamhuuriyada soomaaliya cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta cafis u fidiyay maxaabiis ku jirtay xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa cafiska tiro ka mid ah Maxaabiista ku xiran xasiga dhexe ku sheegay mid qeyb ka ah dadaalada dib u heshiisiinta ee Dowladda soomaaliya wado.

 

Munaasabad Maxaabiistaasi lagu sii deynayay oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay maxaabiistaas in ay ka shaqeeyaan nabad gelyada iyo dib u heshiisiinta.

 

Afhayeenka Xukuumada Cabdi Goobdoon oo saxaafada uga waramay sii deynta Maxaabiistaas ayaa sheegay in cafiska maxaabiista uu u fidiyay madaxweynaha ay ku timid kulamo ay ka yeesheen Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha.

 

Waxaa uu sheegay in maxaabiista la daayay ay ahaayeen kuwo fal dambiyeedyo kala duwan lagu soo qabtay, hase ahaatee iminka la cafiyay.

 

Tirada Maxaabiista ayuu ku sheegay in ay gaarayaan ilaa 7maxbuus oo aanu cadeyn waxyaabihii loo soo xiray.

 

Tallaabada lagu sii daayay maxaabiista ayuu ku sheegay in ay qeyb ka tahay howlaha dib u heshiisiinta ee ay Xukuumada garwadeenka ka tahay.

 

Ma ahan markii u horeysay ee uu Madaxweynaha cafis u fidiyo maxaabiis, waxaana ay aheyd sanadkii hore markii madaxweynuhu sidan oo kale uu cafis u fidiyay maxaabiis laga soo qabtay dagaaladii dhex maray dowladda iyo maxkamadihii islaamiga.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: QM & Midowga Yurub oo soo dhaweeyey Talaabadii uu qaaday Madaxweyne Yuusuf.

1. april 2008

 

Nayroobi(AllPuntland)- Wakiilka Ban Ki Moon ujooga Dalka Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa ku sheegay talaabadii uu shalay qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed,midwanaagsan markaasna waxka badaleysa Jawiga Soomaaliya.

 

Axmed Walad Cabdalla oo ka hadlayay waxyar ka dib markii uu go'aankaasi ka soo baxay Xaafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sheegay in talaabadii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku amray Saraakiisha Xabsiyada Muqdisho in ay siidaayaan dadka uxiran ayuu ku sheegay mid wanaagsan.

 

Axmed ayaa sidoo kale ku tilmaamay go'aanka Madaxweyne Yuusuf mid qeyb kaqaadanaya wada hadalo & Heshiis dhexmara dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda ,wuxuuna ugu baaqay Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay sii daayaan maxaabiis fara badan oowali xabsiyada Soomaaliya kujira.

 

Dhinaca kale Sarkaalka Midowga Yurub uqaabilsan arimaha Soomaaliya oo isnaka hadlayey Magaalada Nayroobi ayaa Go'aanka Madaxweyne Yuusuf ku sheegay horumar lasameeyey ,wuxuuna sheegay in uu Midowga Yurub arimahan Maxaabiista horey ugala hadlay Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay talaabadan qeyn ka qaadaneyso wada hadal & Isku soo dhawaansho dhexmara Kooxaha isku haya Siyaasada dalka Soomaaliya ,isagoo uga mahadceliyey talaabadan ay qaadeen Madaxda dawladda Soomaaliya.

 

Go'aankii uu shalay Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ku sii daayey Maxaabiis fara badan ayaa noqotey mid wanaagsan lana kulantey soo dhaweyn balaaran oo kaga timid dhinaca Beesha Caalamka oo u aragta in ay noqoneyso talaabo lugu dhiiran karo.

 

F.C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this