Cowke Posted June 23, 2010 Khilaafkii Sheekh Shariif iyo Sharmaarke oo weli taagan 23 Jun 23, 2010 - 7:30:04 AM Muran cusub ayaa soo dhexgalay Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Ra'iisul wasaare Sharma'arke, kaasoo ka dhashay isbadal lagu sameynayo dowlada, waxaana labada ma'suul ay gaashaanka ku dhufteen dhexdhexaadin uu waday Shariif Xasan. Sh. Shariif ayaa la sheegay inuu diiday go'aan uu soo jeediyay Ra'iisul wasaare Sharma'arke, kaasoo ku saabsanaa in la yareeyo tirada wasiirada DF laguna soo daro xubno ka socday Ururka Ahlusuna oo ay heshiis ku gaareen Addis Ababa. Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Sh. Shariif uu diiday xubno ku jira golahaas, iyadoo Ra'iisul wasaaruhu uu ku adkeystay inuusan ka saarayn isagoo sheegay inuu u arko inay awoodi karaan wax ka qabashada dalka. Il wareed ka tirsan Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa u sheegay GO in labada mas'uul ay ku kala kaceen kulan uu dhexdhexaadiye ka ahaa Shariif Xasan kaasoo dhashay markii ay labada mas'uul isku khilaafeen golaha wasiirada ee cusub. "Ra'iisul wasaaruhu wuxuu u gudbiyay Madaxweynaha qoraal ku saabsan gole wasiiro oo cusub, kuwaasoo badalaya kuwa hada shaqeeya ayna ka mid tahay Ahlusuna, balse wuu diiday markii uu ku arkay xubno uu diidan yahay" ayuu yiri sarkaal ka tirsan xafiiska Sharma'arke oo magaciisa qariyay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu dhowr jeer isku dayay tan iyo markii loo doortay xilka cusub ee Baarlamaanka inuu isku keeno labada mas'uul, wuuse ku guuldareystay. Madaxweyne Sh. Shariif ayaa la sheegay inuu qorsheynayo magacaabida Ra'iisul wasaare cusub oo badala Sharma'arke, iyadoo sidoo kalena warar hoose ay sheegayaan inuu socdo olole ka dhan ah Ra'iisul waasaraha oo ay wadaan labada Shariif. Khilaafka u dhexeeya Madaxda DF ayaa soo bilowday markii la isku afgaran waayay xil ka qaadis aan sharciga waafaqsanayn oo uu ku dhawaaqay Sh. Shariif bishii hore isagoo doonayay inuu ku qanciyo Gudoomiyihii hore ee Baarlaaanka Sh. Aadan Madoobe. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites