Sign in to follow this  
General Duke

Source war from the 1st of November...

Recommended Posts

aamiyaasha Maxaakiimta Muqdisho oo ku heshiiyey in ay la wareegaan gobalka Bay

Last Updated::2006-10-24 15:02:38

 

Muqdisho:- Waxaa shalay kulan gaar ah magaalada Muqdisho ku yeeshay Mas'uuliyinta sare ee Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho.

 

Kulankan oo ay ku sugnaayeen Sh.Xassan Daahir Aweys iyo Sh.Shariif Axmed iyo mas'uuliyiin kale oo kamid ah Maxaakiimta Muqdisho ayaa looga hadlay dhaqaqaaqa hada ka socda deegaanka Buurhakaba iyo koonfurta Somaliya.

 

Kulankan ayaa looga dooday tilaabadii ay qaadi lahaayeen Maxaakiimta Muqdisho oo ayagu shalay markale gacanta ku dhigay magaalada Buurhakaba.

 

Kulankan ayaa waxaa dood dheer kamid ah lagu soo gabo gabeeyey in Maxaakiimta Muqdisho ay la wareegaan dhamaan deegaanada ay gacanta ku dhigi karaan, isla markaana weerar lagu qaado magaalada Baydhabo hadii laga fursan waayo.

 

Wararkan oo ay HorseedNet kasoo xigatay xubno xog ogaal ah kana mid ah Maxaakiimta Muqdisho ayaa intaa ku daray in lama huraan ay tahay in uu dhawaan dagaal culus uu dhexmaro DFKMG iyo Maxaakiimta.

 

Mas'uul kamid ah Maxaakiimta Muqdisho oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa Wariyaha HorseedNet ee magaalada Muqdisho Maxamed Cabdi u sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ay mara kan ku kalsoon yihiin in ay gacanta ku dhigi karaan magaalda Baydhabo ee xarunta DFKMG.

 

Wuxuuna mas'uulkani sheegay in kulama Muqdisho ka dhacay ay jireen xubno maxaakiimta kamid ah oo doonayey in aan wax dagaal ah lagu qaadin dhinaca DFKMG, balse ay arrintaasi ka horyimaadeen inta badan mas'uuliyiinta sar sare ee Maxaakiimta.

 

Dhinaca kale waxaa kulamadan looga hadlay sidii loo hawl gelin lahaa maleeshiyooyinka Maxaakiimta ku tababareen xerada Hiilweyne ee degmada Balcad, maleeshiyooyinkaasi oo la qorsheenayo in maxaakiimta ku adkeeyaan deegaanada ay hada gacanta ku hayaan ee dhinaca Gobalka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com - Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Ciidammada Dowladda Federaalka oo la geliyay heegan buuxa, isla markaana lagu wado inay gaaraan...

Posted to the Web Oct 24, 14:43

 

 

Baydhabo (PP) - Wararkii ugu dambeeyay ee Puntlandpost ka soo gaara Degmada Baydhabo ee Xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamamda dowladda ee ku sugan Degmada Baydhabo la geliyay heegan buuxa.

 

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo ay Puntlandpost xiriir toos ah la yeelatay ayaa sheegay in heeganka la geliyay ciidammada dowladda ay tahay sidii loo adkeyn lahaa nabadda Degmada Baydhabo oo ay dowladdu daggan tahay kuna sugan yihiin madaxda dowladda ugu sarreeya.

 

Warkaan ayaa wuxuu sheegayaan in lagu wado in ciidammada dowladda ay gaaraan saacadaha soo socda Degmada Buur-hakaba oo ay habeen hore dib uga baxeen, waxaana ay sheegeen saraakiishaan in halkaas ay ka abuureen Maxkamadaha deggenaasho la'aan isla markaana ay ka jeediyeen hadallo aan munaasab ahayn oo liddi ku ah Dowladda.

 

Ka hor intii aanay ka soo bixin ciidammada dowladda Degmada Buur-hakaba ayaa waxaa lagu waday inuu booqdo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi, waxayna sheegeen saraakiishaan in lagu wado inuu halkaas booqdo Geeddi isla markaana uu u jeediyo hadal uu ugu sharraxayo howlaha dowladdu ay ka waddo gudaha dalka.

 

Xalay ayaa waxaa isaga soo baxay degmada Buur-hakaba saraakiil ka tirsan Maxkamadaha iyo Malleeshiyooyin ay wateen, waxaana la sheegay inay ku sugan yihiin hadda Baydhabo iyo agagaarkeeda Malleeshiyooyin ka tirsan kuwa deegaanka oo gacan saar la leh Maxkamadaha.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogdishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this