General Duke Posted September 25, 2007 http://www.gobolkabanaadir.com/admin/pictures/333.jpg Mudane Dhagaxtuur “Jardiinooyinka la dayactiray waxay astaan cad u yihiin in Muqdisho ay gashay jawi nolol iyo nabad ah” { 25 Sep 2007} waxaa la daabacay Tue 25 Sep 2007 14: 03: 55 Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Mudane Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu dhammaystiray dhismaha lix jardiino oo Muqdisho kaga yaal meelo muhiim u ah bilicda caasimadda. Mudane Dhagaxtuur wuxuu sheegay in jardiinooyinka la dhammaystiray dayactirkooda ay ka mid yihiin laba jardiino oo ku yaal FIAT, laba kale oo ku yaal Cabdulcasiis iyo jardiinka weyn ee aargada lambar afar, kuwaas oo uu tilmaamay in maalmaha soo socda la arki doono iyagoo dhireysan oo indhaha u roon. “Dhismaha iyo qurxinta bilicda caasimadda Muqdisho cidna ku halleyn mayno, maxaa yeelay caasimad kasta muuqaalka ay leedahay waxaa lagu qiimeeyaa bulshada deggan, taas ayaana nagu kallifaysa inaan dhabarka u xiranno hawlaha Gobolka Banaadir” ayuu yiri Mudane Dhagaxtuur. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyey agaasimaha waaxda beeraha iyo xoolaha ee Gobolka Banaadir, shaqaalaha waaxdaas iyo dadweynaha ku nool degmooyinka ay ka socdaan hawlahaas, kuwaas oo uu sheegay inay si geesinimo ah uga qayb qaatay shaqooyinkaas waxtarka leh. Email: admin@gobolkabanaadir.com Quote Share this post Link to post Share on other sites