Sign in to follow this  
General Duke

After 17 years the parks of Mogadishu re-open

Recommended Posts

http://www.gobolkabanaadir.com/admin/pictures/333.jpg

 

Mudane Dhagaxtuur “Jardiinooyinka la dayactiray waxay astaan cad u yihiin in Muqdisho ay gashay jawi nolol iyo nabad ah” { 25 Sep 2007}

 

waxaa la daabacay Tue 25 Sep 2007 14: 03: 55

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Mudane Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu dhammaystiray dhismaha lix jardiino oo Muqdisho kaga yaal meelo muhiim u ah bilicda caasimadda.

 

Mudane Dhagaxtuur wuxuu sheegay in jardiinooyinka la dhammaystiray dayactirkooda ay ka mid yihiin laba jardiino oo ku yaal FIAT, laba kale oo ku yaal Cabdulcasiis iyo jardiinka weyn ee aargada lambar afar, kuwaas oo uu tilmaamay in maalmaha soo socda la arki doono iyagoo dhireysan oo indhaha u roon.

 

“Dhismaha iyo qurxinta bilicda caasimadda Muqdisho cidna ku halleyn mayno, maxaa yeelay caasimad kasta muuqaalka ay leedahay waxaa lagu qiimeeyaa bulshada deggan, taas ayaana nagu kallifaysa inaan dhabarka u xiranno hawlaha Gobolka Banaadir” ayuu yiri Mudane Dhagaxtuur.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyey agaasimaha waaxda beeraha iyo xoolaha ee Gobolka Banaadir, shaqaalaha waaxdaas iyo dadweynaha ku nool degmooyinka ay ka socdaan hawlahaas, kuwaas oo uu sheegay inay si geesinimo ah uga qayb qaatay shaqooyinkaas waxtarka leh.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this