Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: EU envoy visits Puntland after completing trip to North West Somalia: pics

Recommended Posts

Wefti uu hogaaminaayo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya oo booqasho ku yimi magaada Garoowe

 

Boosaaso, Talaado, July 24, 2007 SMC .

 

Wefti uu hoggaaminayo u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa maanta soo gaaray Caasimada maamul Goboleedka Puntland ee Garowe.

 

Weftigan ayaa waxa uu kulan la qaatay Madaxweynaha DGPl iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah,wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga,khayraadka Badda iyo Gaadiidka Badda,wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Gobolada,wasiirka warfaafinta,dhaqanka,isgaarsiinta iyo dalxiiska,wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska,wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha,isportiga iyo dhalinyarada,wasiirudowlaha arrimaha Nabadgelyada,wasiir ku xigeeno,agaasimaha Guud ee madaxtooyada,agaasimaha Macdanta iyo shidaalka.

Madaxa Weftigan oo ahaa ergayga arrimaha Somaliya ee Midowga Yurub ayaa waxa uu warbixin ka siiyey Madaxda Puntland ujeedada Socdaalkooda oo ku saabsanaa waxqabadkooda sanadaha soo socda iyo kuwii hore waxa ay ka qabteen,waxayna aad ugu mahadnaqee sidaa fiican ee loogu soo dhoweeyey caasimada Puntland ee Garowe.

 

Intaasi ka dib ayaa waxa hadal kooban ka jeediyey kulankaasi Madaxweynaha DGPL mudane Maxamuud Muuse Xirsi wuxuuna ugu horrayntiiba u mahadnaqay weftiga Euda imaanshaha ay yimaadeen Puntland iyo sida ay igu faraxsan yihiin,waxaan idin leenahay ku soo dhowaada Puntland,intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi qoraal ka akhriyey agaasimaha Guud ee Madaxtooyada DGPl Eng Caydaruus Cismaan Yuusuf,qoraalkaasi ayaa waxa ku qornaa qorshaha u degsan Puntland iyo waxyaabaha Horumarinta ah ee ay Dowladdu qabatay iyo gobolada ay ka kooban tahay Puntland iyo weliba degmooyinkeeda,sidoo kale waxa ku qornaa waxyaabaha ka dhiman ee ay Dowladdu doonayso in laga caawiyo.

 

Ugu dambayntii kulankaasi ayaa waxa uu ku dhamaaday isla falaqayn ka dib is afgarasho iyo jawi wanaagsan.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Boosaaso Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this