me Posted December 26, 2006 “Duulaanka Itoobiya wuxuu mideeyay Soomaalida haddey ahaan lahaayeen kuwa Puntland, Somaliland iyo meel walba” Maxamed Guure Somaliya ha israacdo Maxamed Guure ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu saakay siiyay Idaacadda BBC-da in dagaallada ay ku qaaday Soomaalida xukuumadda Meles Zenawi ay saameyn xoog leh ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed, waxayna soo dedejiyeen in ay midoobaan oo ay meel uga soo wada jeestaan cadowga ku soo duulay, xitaa marka lagu daro ayuu yiri maamulada dalka ka jira. “Soomaalida Inteeda badan si wadajir ah ayay u garab taagan yihiin Maxkamadaha Islaamka, haddey ahaan lahaayeen kuwa Puntland, Somaliland iyo meel walba” ayuu yiri Agaasimaha Barnaamijka Nabadda Soomaaliya Maxamed Guure. “Maxkamadaha meel kasta ayay ciidamada ka qeyb galaysa dagaalka ay ka qorayaan, iyadoo dadka intooda badana ay ku leeyihiin dagaalka ayaan galaynaa” ayuu yiri Maxamed Guure oo intaas sii daba dhigay “Haddii Itoobiya ay wadanka oo idil soo gashay waxay mideysan dadka oo dhan, waxaana meesha ka baxaya cudurkii kansarka ahaa ee qabiilka oo in muddo ah horseeday burburka muddada badan dalka Soomaaliya”. Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted December 26, 2006 This war has United Somalis. Quote Share this post Link to post Share on other sites