Jabarjaan Posted January 7, 2007 Taliyihii Ciidanka Dowlada KMG Ah Ee Gobolada Hiiraan Iyo Sh/Dhexe Oo Xabsiga La Dhigay Baledweyne, 1/7/2007 - Sargaalkii hogaaminayey ciidanka dowlada KMG ah ee gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, Col. Muqtaar Xuseen Afrax, ayey ciidan Itoobiya xabsiga u taxaabeen. Col. Muqtaar ayaa lagu heystaa inuu ciidanka Itoobiya u soo gudbin waayey gudoomiyihii hore ee Maxkamadii Islaamiga aheyd ee gobolka Hiiraan, Farax Macalin, oo dhawaan ciidanka dowlada KMG ah ay qabteen dabadeedna ay sii daayeen. Ilaaladiisii ayaa sheegtay in Col. Muqtaar ay ciidanka Itoobiyanku xabsi u taxaabeen, iyadoonan garaneyn meel lala aaday. Quote Share this post Link to post Share on other sites