Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ABSHIR BACADLE ALIVE AND NOT FIGHTING IN THE FRONTLINE ,,, WHY ??

Recommended Posts

Abshir Bacadle “Markii cadowgi loo jabay, Culimadina yaaceen..” Gabay Xaaladda Muqdisho. 22-02-2007

 

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle), ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii ay Muqdisho isaga baxeen Golaha Maxaakimta si aanan shacabka loo xasuuqin Soo saaray gabay uu ka tiriyay xaaladdaha dalka uu marayo, gaar ahaana mida ay ku sugan tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Abwaanka ayaa sheegay in gabaygan uu bil cagsi u yahay, gabaygii kol hore uu ka tiriyay xaaladda ammaan ee caasimadda, kaasoo hal ku dhigiisu ahaa (Dheg dheer dhimatoo dhulkii waa nabad), sidoo kalena erayadiisii ay ka mid ahayeen (Beledkaanu waa nabad balaayo iyo baas maleh).

 

Gabeygan cusub ayuu ugu magac daray Abwaan Bacadle, (Markii cadowgi loo jabay, Culimadina yaaceen), wuxuuna u dhacaya sidatan:-

 

Markii cadowgi loo jabay, Culimadina yaaceen, Meydku waa cashara dhaaf

 

Cishiriin hadow sigin, ama caga cageyneyn cawiyo beriba waa toban

 

Cayayaanka hoosiyo cadad ma leh isbaaradu, Waa ceer yaamo tuugadu, Dadkii waa cuburiyeen

 

Calaladey ka siibtaan, casirkiibaan xaroonaa, caruurta iyo dumarkana cilalowga fiidnimo cajiin looma diri karo, waa loo cabsanayaa

 

Albaabkaan ku celinaa, cishaha looma bixi karo, maqribkaa ciriiriya, cidima gadato Mobile, cadowgiisiibaa badan oo waa loo cabsnayaa, ciribtaanse leenahay

 

Nabadi waa cakiran tahay, nin iyo cududi mooyee, cadli iyo garsoor ma leh, ciribtaanse leenahay

 

Cizigi iyo sharaf ma leh, xugunkii cadaa maleh, amnigii caam ahaa maleh, nabadii cukaneyd maleh, cosobki iyo ubax maleh, cagaar iyo udgoon maleh, saxan saxo cosoba maleh

 

Culumadu nufuud ma leh, codkii Sheekh Shariif maleh, oo iimaanka culi jiray, caqiidadana sixi jiray, asleynkana ku caanbaxay, shacabkana u ciil tiray, ciribtaanse leenahay

 

Haddii cadowgi loo jabay culimaduna yaaceen, raggii waa cazilan yahay carcar iyo nashaad ma leh gabdhihibaa cirkaa mari cawiyo barriba aan hoyan dhaawicina caawiyay, cuniyo daawaba u sida

 

Gabdhaheenu waa calan, cafiyo caafimaad iyo, ciziyo sharaf allow sii, ninkii calaf u geeyana, saxan saxo cosoba iyo, caraf iyo udgoon iyo, ILLAAHOW cishqi u saar reerka isku celin kara, caruurtana u barakee, caqiiqada saxaa iyo cilmi naaficana sii

 

ALLOW cadaawo how cidleyn

Cafiyo caafimaadna sii

 

Markii caodwgi loo jabay, culimadina yaaceen, cunadi waa bedelan tahay, carabku guustadii maleh, caanuhu labeen maleh, ciirtayadu subag maleh, cambuuladu saliid maleh, cusbo malahan suugadu, hilib noo cuntama maleh, waa caato iyo weyd, cayil iyo baruur maleh, maraqiisu cabid maleh, cusbaa lagu dhanaanshaa, khudradu waa canyaayaas, caraf iyo udgoon maleh, reexaan cosoba maleh, biyeheenu waa callow, qofkaan caafi gadan karin, cudurow u halis yahay, caruurtaa u sii nugul, ciribtaanse leenahay

 

Waxaa kaloo cajaa’iba maxkamadihii cadliga iyo ciziga iyo sharafkiyo nabadii carfooneyd caradaan ku soo rogay, kuwii caayi jirayoo ceeb ka sheegi jirayoo caddowga soo hogaanshaa cabaad koodu baxayaa oo soo calaacalay

 

ALLOW culumadii keen, oo maxkamadii soo celi codkoodaan ku heynaa, waxba hay cabaadina cudur daarna lama rabo, caddowga idinkaa waday, culumadana kaarahay, iska celiya tuugada, isbaaradana cirib tira ama carara fiidkii, waa rag iyo ceebtiiye

 

Dhinaca kale, Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, wuxuu intaasi raaciyay tix shirib ah

 

Cudur ku doors caafimaad

Calaqya biirna caana mood

 

Shiribkana wuxuu u raaciyay gabdhaha

 

ALLOW cadaawa how cildeyn

 

Cafiyo caafimaadna sii

 

 

 

Kala xiriir Abwaanka Mobile: 002521-5858752

 

 

 

 

Abshir Bacadle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this