Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Supreme Sultan Supports Kulmiye

Recommended Posts

Salaadiinta Subeer Awal Oo Go’aamiyay In Beeshu Taageero Buuxda Siiso Xisbiga Kulmiye

 

Hargeysa, June 14, 2010 (Haatuf)-Salaadiinta beelaha Subeer Awal ayaa si buuxda u go’aamiyay in beeshu taageeradeedii isugu geyso xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Kulmiye.

 

Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan C/laahi suldaan C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in kaddib shirar isdaba joog ah oo ay yeelanayeen salaadiinta beelaha Habar Awal ay u arkeen marxalada haatan dalku marayo inuu ka saari karo, isla markaana lagu aamini karo xisbiga Kulmiye ee uu u sharaxan yahay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay ku tilmaameen inuu yahay ruug cadaa siyaasi ah.

 

Suldaan Xasan Suldaan C/laahi suldaan C/raxmaan oo xalay u waramayay idaacada madaxa banaan ee Radio Horyaal ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ imika waxaan kaala hadlayaa daarta beelaha Subeer Awal ee Hargeysa, halkaasoo uu ka socday shir salaadiinta beeshu ku jireen muddo saddex bilood ah oo ay beeshu kaga tashanaysay aayaheeda iyo guud ahaanba aayaha dalka, markaa shirkaasi meel fiican oo qurux badan ayuu biyo dhigay oo axaabta iyo cid waliba ogtahay, markaa waxanu isugu yeedhnay tusmooyinkii beeshu ka koobnayd min bari ilaa galbeed halkaas oo aanu ku raadinaynay xogta dhabta ah ee beesha, go’aamo wanaagsanina way ka soo baxeen, taas oo la isku raacay in maanta dalku isbedel u baahan yahay marxaladana uu inaga saari karayo xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo, islamarkaana uu musharaxa madaxweyne yahay Mujaahidka ruug cadaaga ah ee Axmed Siilaanyo”. Ayuu yidhi Suldaan Xasan. Waxanu intaa ku daray in shirarka socday mudada 3-da bilooda inay u dhamaayeen salaadiinta beelaha Subeer Awal.

 

Ugu dambeyntii waxa uu suldaanku sheegay in beelaha Subeer Awal horena Kulmiye aasaaskii uga qayb qaadatay kana tirsaneyd isla markaana labada xisbi ee kale ku kala jirtay balse haatan go’aan ku gaadhay beeshu inay taageeradeedii isugu geyso xisbiga Kulmiye.

Source haatuf.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this