Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Mafia boss Riyaale Vs the people??

Recommended Posts

Daahir Riyaale Vs Dadweynaha - Faallo - Q. 2aad, By: Dubbad.

July 24th, 2008

 

Hase yeeshee, markasta in Daahir Riyaale iyo Dadweynuhu inay toos isu wajahaan, fagaarahana isku arkaan waxay ahayd mid loo baahnaa iyo xal wakhtigiisa yimi. Sababta oo ah xisbiyada mucaaridka ah oo u taagan inay tilmaamaan dhalliilaha maamul iyo siyaasadeed ee xukuumadda, si aanu hoggaanka u goosan iyo inay u hadlaan dadweynaha marka maamulku ku tacadido ama ay wax tabtaan; iyo Golaha Wakiillada oo uu dadweynuhu soo doortay, si toos ahna uga wakiil ah, isla markaana shaqadoodu tahay inay sharciga ugu ilaaliyaan danaha dadka soo doortay iyo inay duruufahooda gaadhsiiyaan dowladda oo ay u metelaan, iyada oo cidda ay ka ilaalinayaan sharciga iyo shacbiguna ay tahay xukuumadda oo ah waaxda fulinta, kuma baaqan hadal, dedaal iyo isku day, balse, lagama hoos qaadin. Waxaana loo soo taagnaa in haddii xisbiyada mucaaridka ah ama Golaha Wakiilladu u hadlaan ama ka hadlaan askari bil mushaharkeed waayey oo cabanaya ama wax ka yarba uu hadalkoodu sababo in miskiinkaas la duudsido oo ay dhasho cariigsi, cannaad iyo colaad arrintu gasho, maadaama xukuumaddani u abuuran tahay keliya la dagaalanka mucaaridka dastuuriga ah.

 

Daahir Riyaale waxa uu u yaqaannaa Xisbiyada mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada wax ka duwan dadweynaha, waxana uu caadeystey in waxkasta oo ay soo qaadaan labadaasi uu siyaasadeeyo oo uu ka dhigo muran iyo “yooyootan” u dhexeeya isaga oo ah “Madaxweyne” dadku doortay iyo mucaarid kursi doon ah ama kursigiisa ku haysta. Taasina waxay meesha ka saartay toosintii maamul, isu-dheelli-tirkii awoodda iyo isku ixtiraamiddii iyo ku wada-shaqayntii sharciyadda iyo awooddaha dastuuriga ah. Waxa kale oo ay wiiqday awooddii shacbiga oo duruufo dhawr ah oo kala duwan darteed lagu kala qaybiyo mawduuc kasta ama xaalad kasta.

 

Si kastaba ha ahaatee, markii ay dhammaatay shan sannadood oo ay dadku u samrayeen xukuumadda Riyaale, isla markaana ay durugtay doorashadii ay naawilayeen, taas oo ay ka eegayeen isbeddel siyaasadeed oo ku yimaadda si nabadgelyo ah, waxa yaraatay rajadii dadku ku samrayeen, waxana uu nacu saameeyey xitaa xisbiyada mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada, kadib heshiiskii hoggaamiyayaasha saddexda xisbi ku soo afjareen khilaafkii ugu adkaa ee ka dhashay dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha badhtamihii May.

 

Inkasta oo xisbiyada mucaaridka ahina ay ku cabanayaan inay taageero uga waayeen dadweynaha oo qabaa’il loo kala qaybiyey, si ay u horjoogsadaan in Daahir Riyaale sharci darro ku sii fadhiyo xilka, dadku xaqiiqdii waxay ka doonayaan xisbiyada mucaaridka ah iyo Golaha Wakiillada wax ka baxsan awooddooda dastuuriga ah, xaaraanna ku ah nidaamka dimuqraadiyadeed ee ay ku dhisan yihiin, balse, ah waxa keliya ee lagu xakamayn karo, laguna waabin karo Daahir Riyaale iyo xukuumaddiisa xadhkaha goosatay.

 

Nidaamka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland qaadatay waa mid adeegaya Nabadda dadkeedu caashaqay, mana ogola xisbi hubaysan ama xoog isticmaala, taas oo uu xaaraantimeeyey sharciga xisbiyadu ku dhisan yihiin. Hase yeeshee, hubka keliya ee nidaamkani ogol yahay in lagu dagaalamo waa dadweynaha oo sida tiknikada dagaalka loo kala qabsado, sida buntukhana la isugu rido. Dadku ka sokow, awoodda ay codkooda ay ku kala beddeli karaan hoggaanka, waxa kale oo ay leeyihiin awood ay ku diidi karaan wixii khaldan iyo xad-gudubyada, taas oo ay u isticmaali karaan si nabadgelyo ah. Hubka labaad ee nidaamkan lagu dagaalamaa waa sharciga oo lagu xakameeyo xukuumadda, balse, labada awoodood oo siyaalo kala duwan u waabiya damiirka iyo mustaqbalka hoggaanka midna wuu kari waayey Daahir Riyaale, waxana uu kaga kalsoonaaday hubka iyo ciidanka Qaranka, baahida dadka iyo inuu raalligeliyo rabitaankiisa, halkii uu raalli gelin lahaa dadweynaha. Sidaa darteed, waxaa abuurmay kooxo daneed oo aan rajo ka qabin in nidaamkani sidiisa u shaqeeyo iyo abaabullo beeleed oo ka dhashay siyaasaddiisa isticmaalka beelaha, kuwaas oo u badheedhsan in danahooda ay xoog ku gaadhaan, isla markaana u arka in aanu jirin dariiq kale oo Daahir Riyaale fahmi karo.

 

Ganacsatada xoolaha oo gar naqsi ahaan iyo awood ahaanba xooggan, way tijaabiyeen dariiqan, wayna ku guuleysteen in ay Daahir Riyaale waabiyaan, isla markaana waxay sii wadaan inay Gar iyo Xoog ku diidaan heshiiska kootada loogu xidhay ninka Carabka ah dhoofka Xoolaha Somaliland, taas oo u muuqata mid suuragal ah.

 

Sidoo kale, Beesha Bariga Burco oo shirkeeda xukuumaddu isku dayday inay farageliso ayaa ka tabaabushaystay wax kasta oo kaga iman kara Hargeysa oo uu ku jiro xoog ciidan.

 

Ugu dambayn, Daahir Riyaale waxa uu ka baydhay dariiqii iyo nidaamkii uu ku yimi talada iyo awoodda, waxkasta oo kala kulma waddada hareerteedana waa abaalkii, iyada oo arrimahan xasaasiga ah, gaar ahaan, arrinta xooluhu ay noqon karto masiibo dihin oo gallaafan karta, marka laga eego dhinacyo badan.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Somaliland ee Xoolaha u Hadyeysay Djibouti iyo Muwaadiniinta Sicir-bararku Qarka u Saaray Geerida

Hargeysa: Qoys Danyar ah oo Macaluul looga Daadguriyey Hoygoodii

 

 

Hargeysa (Jam)- Qoys danyar ah oo ka kooban 11 qof, ayaa laga daad-gureeyey gurigii ay ku noolaayeen oo ku yaal xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay soo food saartay macaluul iyo duruuf adag oo qarka u saartay inay qaarkood u geeriyoodaan.

 

 

Wariyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo booqday shalay guriga ay ku noolaayeen qoyska dhibaataysan, waxa dadka dariska la ahi u xaqiijiyeen in markii ay reerkaasi macaluul u bakhtiyi gaadheen dadka naxay oo is-xilqaamay kafaala-qaadeen quudintooda, iyaga oo xubnaha qoyska u qaybsaday sida awoodoodda dhaqaale u kala roon tahay.

 

 

Qoyskan oo ka kooban aabbo, hooyo iyo sagaal carruur ah, ayaa iyaga iyo kuwo kale oo ku kala nool magaalooyinka kala duwan ee Somaliland, waxa macaluulasha halista ah ee la soo daristay ka dhalisay xaalad sicir-bararka maceeshada daruuriga ah ee xilligan cirka isku shareertay, taas oo marka laga yimaaddo shaqo la’aanta baahsan ee dalka iyo qiimaha dhiig-miiradka ah ganacsatadu ku iibinayso raashinka daruuriga ah uu sababteeda qayb ka yahay heshiiska xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha nool ganacsadaha Suduuciga ah ee Saleebaan Al-jaabiri, kaas oo gebi ahaanba ragaadiyey dhaqdhaqaaqii suuqyada iyo sayladaha dalka.

 

 

Aabbaha qoyska oo wariyeyaashu kula kulmeen gurigiisa, ayaa sheegay in aannu lahayn cid garab ka siisa duruuftan iyo baahidan la soo daristay, isla markaana haddii uu ku hawlgali lahaa muruqiisa wuu waayey wax shaqo ah oo uu ka abuuro dhaqaale uu ku noolaado qoyskiisu.

 

 

“Ma buko oo waan caafimaad qabaa, balse waxaan waayey waxaan muruqayga kaga shaqaysto.” Sidaa waxa yidhi aabbaha qoyska oo ka warramayey xaaladooda nololeed iyo shaqo la’aanta haysa.

 

 

Xukuumadda Somaliland oo dhowaan adhi laba kun oo neef ah ugu deeqday dalka Djibouti, ayaan ilaa hadda soo saarin qorshe ay wax kaga beddelayso qiimaha sicirka maceeshada xadhkaha goostay, isla markaana ay ugu danaynayso dadka danyarta ah ee ay masuulka ka tahay ee go’an la’ raashinkii quutal-daruuriga ahaa, sidaa darteedna ku nool xaaladda halista ah ee qarka u saaran inay macaluul bakhtiyaan.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this