General Duke Posted August 28, 2007 nrc website Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 28, 2007 Guddoomiyaha shirka Dib u heshiisiinta oo ku soo laabtay Muqdisho Muqdisho 28 August, 2007. -NRC-Guddoomiyaha Shirweynaha dib u heshiisiinta Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu socdaal howleed oo qaatay muddo laba maalmood ah ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Md. Cali Mahdi wuxuu magaalada Nairobi kulamo kula soo yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Hay'adaha Qaramada Midoobay oo ay ka wada hadleen xaaladda Shirka Dib u heshiisiinta iyo halka ay marayaan howlaha ay hayaan guddiga Qaran ee Dib u heshiisiinta. Waxaa Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdiga Guddoomiyaha xoghayaha Warfaafinta shirka Dib u heshiisiinta C/qaadir Maxamud Walayo iyo xubno ka mida xogheynta iyo la-taliyeyaasha Guddoomiyaha. Waxaa la filayaa inuu dhowaan Cali Mahdi faahfaahin ka bixiyo socdaalkiisa iyo xaaladda shirka dib u heshiisiinta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 28, 2007 Ergooyinka shirweynaha Qaran oo weli ka doodaya qodobka dhowrida xuquuqda haweenka Muqdisho 26 Ogost, 2007 -- NRC-- Ergooyinka Shirweyanaha dib u heshiisiinta Qaran ayaa weli ka doodaya qodobka Xuquuqda Haweenka, kaasoo ka hadalkiisu uu marayo maalintiisa Saddexaad oo ay ergooyinku ka doodayaan. Qodobkan waxaa inta badan fikirkooda ka dhiibtay Culimaa’udiin iyo Haweenka shirka ka qeyb qaadanaya, waxayna ku nuuxnuuxsadeen xuquuqda hgaweenka inay tahay kuwa uu Alle siiyay. Hadal ay halkaasi maanta ka soo jeediyeen culimaa’udiinka kala ah: Shiikh Cabdullaahi Cali Aadan Shiikh Calu Nuur Maalin Shiikh Axmed Cabdi Xuseen Waxayna ku dheeraadeen sida ay diinta Islaamku u dhowrto xuquuqda haweenka waxeyna sheegeen in haweenku ay yihiin laf-dhabarka bulsho walba, sidaasi daraadeedna aaney marnaba la duudsiin karin Haweenka Soomaaliyeed xaqa ay leeyihiin, hase yeeshee waxey culumaadaasi ku celceliyeen inay haweenku ku ekaadaan xuquuqdooda, isla markaana aaney raadin wax aaney diinta islaamku baneynin. Marwo Xaawo Ugaas, Maryan Aadan Maxamed iyo Caasho oo iyaguna madasha maanta ka hadley ayaa sheegey inaanay dooneynin wax aaney diinta u baneynin, waxeyna tilmaameen ay soo dhoweynayaan wacdiyadda diinta ay culimadu ka yiraahdeen xuquuqda Haweenka, iyagoo codsaday in haweenka la siiyo fursado ay kaga qeyb qaadan karaan howlaha socda ee dalka. Guddoomiye ku xigeenka shir guddoonka shirweynaha Qaran C/raxmaan Nuur Xuseen oo gunaanadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu ku bogaadinayo xubnihii maanta ka hadlay Madasha Shirka ee soo bandhigay waxay diinta Islaamka ka qabto Xuquuqda haweenka, wuxuuna soo jeediyey in shirka Berito dib la isugu soo laabto si ajendayaasha dhiman halkoodii looga sii ambaqaado. Dhinaca Kale Waxaa madasha shirka maanta aan ka soo xaadirin Guddoomiyaha Gudigga shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran Md. Cali Mahdi Maxamed oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay u ambabaxeen Magaaladda Nairobi si ay halkaasi kulamo ugula soo yeeshaan qaar ka mid ah Madaxda beesha caalamka ee hore u soo booqatey shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran ee ka socda Muqdisho. QEYBTA WARFAAFINTA EE SHIRKA Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 28, 2007 Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ka dooday Ajendihii Midnimadda Soomaaliya Muqdisho 22 August, 2007. --NRC-- Waxaa Maanta qeybihii ka harsanaa Qabaa'ilka Digil iyo Mirifle ay saxiixeen qodobadii shirku ku heshiiyay halka Ergooyinka shirweynaha ka qeyb qaadanaya ay ka sii doodayaan qodobkii Midnimadda Soomaaliya. Maxamed Axmed Guuleed oo ah Oday ku hadlayay Magaca Ergada Beelaha Soomaliyeed ee shirka ayaa sheegay in Midnimadda Ummadda Soomaliyeed ay tahay muqadas ah Lama taabtaan ah, loona baahan yahay inay oday dhaqameedyadu u guntadaan sidii looga mira dhalin lahaa midnimada. Isla qodobkan Midnimada waxaa isna fekerkiisa ku biiriyay Ugaas Cabdi Cali oo yiri: "Kolkii aanu joognay Embaghati nalooma ogoleyn haddaanu nahay Ugaasyadii iyo Isimadiii halkaa isugu tagay inaan xitaa Shir gooni aah aan yeelano, Waase Illaahey mahadiis hadda oon ku kulmeyno wadankeenii hooyo ee inaanu ka faa'iideysano, tani waa fursad ummada Soomaaliyeed ay heysato". Waxaa madasha Maanta ee shirka ka hadashea Marwo Faadumo Sheekh Cumar iyadoo ku hadleysey Magaca Ergadda Haweenka Soomaliyeed waxayna sheegtay in Soomaalidu ku midoobaan Soomaalinimo iy oMuslinimo, waxay kaloo carrabka ku dhufatey Faadumo in laga hadlo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Gudaha wadanka ku bara kacey iyo kuwa dibadaha ku dhibaateysan. Waxaa isla madasha maanta shirka qoddobo Saddex ah ka soo jeediyey Dr. Ibraahim Maxamed Duqow qoddobadaas oo ka hadlaayey: = In la helo Nabad, = Cadaalad, = Iyo Ubadka Soomaalyeed oo loo helo Waxbarasho aasaasi ah si mustaqbalka loogu aayo ileyn waa madaxdii berito. C/raxmaan Waldiire oo ka mida Ergadii maanta hadalka soo jeediyey waxaa wuxuu sheegay in dagaaladda ka socda Goboladda Dhexe ay saameeyeen Shirka loona baahan yahay in wax laga yiraahdo . Waxaa ugu dambeyn shirkii maanta soo gunaanaday Shir guddoonka Shirka Cali Mahdi Maxamed isagoo sheegay in Berito shirka dib la isugu soo noqon doono. Quote Share this post Link to post Share on other sites