Jacaylbaro Posted May 23, 2010 Qarax ayaa saacad ka hor waxa uu gilgilay Xerada Ciidamada Federaalka Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha Buuhoodle halkaasoo la sheegay inuu ka dhacay khasaare xun oo ay ku dhinteen 4 askari & haweeney rayidka deegaanka ka mid ahayd, lamana hubo ilaa iyo hada waxa sababay qaraxaas oo laga maqlayey magaalada oo dhan. Qaraxaas ayaa sida la sheegayo waxaan loo badinayaa in qaraxaasi uu ka kacay Bumbooyinka gacanta laga tuuro oo ay xidhnaayeen askarta dhimatay qaarkeed, qaraxuna waxa uu xerada ka dhacay saaka iyadoo uu ka socdo shir u dhexeeyey odayaasha deegaanka & saraakiisha Ciidamada Bariga Itoobiya oo halkan ku sugan hadda. Xiisaddu waxa ay deegaanka ka sii socotaa Xilli uu habeenimadii xalay (Axad) agagaarkaasi ka da' ay roob balaadhan, kaasoo saaka hakiyey in dagaaaladii shalay ee dhexmaray Ciidanka SL & Kooxo hubaysan ay ka sii socdaan degmada Widhwidh. Quote Share this post Link to post Share on other sites