Gabbal Posted December 6, 2007 Beladxaawo Oo Maanta Si Weyn Looga Soo Dhaweeyay Socdaalka Nabadda, Dadweyne Iyo Masuuliyiin Ka Soo Qeybgalay Munaasabadaasi Dec 06,2007 by B/Xaawo-GEDO-NN Munaasabadani maanta oo lagu qabtay Beerta Timacade ee kutaal duleedka koonfur bari ee magaalada B/xaawo ayaa waxaa maanta ka soo qeyb galay qaar kamid ah xildhibaanada DFKG ka ah ee Soomaaliya, gudoomiye ku xigeenka G/Gedo Aadan Dhaqane Kaalmoy, Gudoomiyaha dagmada B/xaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) iyo sidoo kale marti sharaf kale. Furitaankii munaasabadan oo uu ka hadlay gudoomiyaha degmada B/xaawo, Mudane Burkuus ayaan ku amaanay hayadda NCA Barnaamijkan loogu magacdaray Socdaalka Nabadda oo ay ku soo mareen degmooyinka G/Gedo oo dhan, isagoo xusay in abadd la aanteed aysan nolol jirin. Waxaa sidoo kale goobjoogayaalka ahaa madax ka tirsan hayadda (NCA) oo isugujiro Soomaali iyo Ajanabi, waxaana kamid ahaa madaxa hay dada (NCA) ee Gobolka Gedo C/laahi Maxamed (Qorax) oo sheegay in Barnaamijkan uu ahaa mid aad u ballaaran oo lagu nabadaynayay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo. Wuxuuna hadalkiisu xanbaarsanaa fariimo isugu jiro kuwa ka hadlayo nabadda ka hortaga HIVga iyo wacyigalinta gudniinka fircooniga ah. Wuxuuna intaa ku daray in barnaamijkan uu ka dhacayo 171 dal oo caalamka ah hayadan NCA waxay ka hirgalisay Barnaamijkan 8-Dal oo Afrika ah ayna ku jirto dalka Soomaaliya. Munaasabadan Socdaalka nabadda oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa halkaasi ku soo bandhigay Ruwaayad ka turjimayso fariimaha uu xanbaarsanaa narnaamijkaas,fannaaniin Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen Bashiir Ibraahin, Nimco nabaddaa naaslanuuga leh, Faadumo Daljir, Xasan gabay iyo fannaaniin kale oo caan ka ah fanka Soomaaliyeed. Barnaamijkan Socdaal ka nabadda ayaa la filayaa in uu wax weyn ka badali doono hannaanka maamul u sameynta gobolka Gedo oo la filayo in lagu guulaysan doono maalmaha fooda nagu soo hayo. Wali Sh Cabdi Gurxan-Gedo-NN-B/Xaawo-Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites