ANTARA Posted July 29, 2010 Dawlada uu Madaxweynuhu soo dhisay waa dawlad tayo ka muuqato oo aqoon iyo xilkasnimadi ku dheehan tahay. Badankoodu beel ku faanta iyo beel ay ku faanaan midna ma jirto. Dawladu waxay ka kooban tahay qaadhaan diidka beelaha oo lagu yara dhex badhxay Qaadhaan ururiyaashii iyo calan sidayaashii Kulmiye ee qurba joogta. Waxaa kale oo uu M/weynuhu u sed kordhiyey Haweenka oo saamigoodii hogaaminta dalka wuxuu gaadhsiiyey sedex jago. Taasina waxay muujinaysaa isbedelka bulsho ee soconaya in uu la jaanqaadaayo. Haddii beelaha cid soo dirta la yidhaa ma jirto beel gabadh soo dirsanaysaa, beel waliba waxay keeni lahayd laba xiniinyoodle wax boobi yaqaan. Ragga iyo haweenka la doonayo in ay isbedelkii loo baholyoobey hirgaliyaan waa kuwan qaadhaan diidyadii iyo Maasiyada loo kala diray. 1. Meesiga Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Qaadhaan diid Maxamed C/laahi Cumar. Iskii iyo kartidiisa 2. Meesiga Arimaha Gudaha Qaadhaan diid. Maxamed Cabdi gaboose waa qaadhaan diid heer qaran ah oo doonaya in aan beesha la adeegsan ee loo adeego. 3. Meesiga Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Qaadhaan diid. Sacad Ali Shire. Shaqo iyo qaran mooyee beeshiisu hore duco iyo habaarba ugala quusatay 4. Meesiga Maaliyada Qaadhaandiid Maxamed Xaashi Cilmi Qaadhaan diid No. 1 shaqo iyo qalin aan agoonta lagu xadin oo aan dhiig qabiil lagu khadayn ayuu sitaa oo uu la godgelayaa. 5. Meesiga Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Qaadhaandiid Xuseen Axmed Caydiid. Waa safka hore ma innagaa aragnaba beel magaciisa ku tasbiixsanaysa 6. Meesiga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan dhaqan ahaan waa qaadhaandiid oo sidoodaba haweenka qaadhaan lama weydiin jirin , xilna looma dhiiban jirin. 7. Meesiga Caafimaadka Qaadhaan diid Xuseen Muxumed Maxamed Ma hayno beel ku tasbiixsata amma uu ku tasbiixsado 8. Meesiga Gaashaandhiga qaadhaandiid Axmed Xaaji Cali Cadami Waa hore ayuu kud iyo cadhaba reebay oo ay beelnimo kala quusteen beel tirsanaysa iyo beel uu tirsanayaa midna ma jirto. 9. Meesiga Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska C/risaaq Khaliif Axmed 10. Meesiga Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga qaadhaandiid Axmed Xaashi Oday beel uu u dudayu iyo beel ka dudaysaa midna ma jirto 11.Meesiga Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Ibraahin Maxamed 12. Wasiikra Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Prof Ismaaciil Muumin Aare 13.Meesiga Diinta iyo awqaafka Sheekh Khaliil C/laahi Axmed 14. Meesiga Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac 15. Meesiga Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan 16. Wasiikra Wasaarada Macdanta Biyaha iyo Tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale 17. Wasiikra Wasaarada Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar 18. Meesiga Beeraha Qaadhaan diid Faarax Cilmi Maxamuud 19. Meesiga Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabd 20. Meesiga Warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan (Geel jire) By: Xaamud Ducaale Quote Share this post Link to post Share on other sites