Sign in to follow this  
General Duke

PM- Somali government is coming to Mogadishu

Recommended Posts

Ra'iisal wasaaraha iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Muqdisho ku fool leh iyo baaq uu u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed

By Dharbaaxo Posted to the web 15-01-2005, 14:21:16

 

Nairobi:-Golaha Dawladda FKMG ah ayaa waxay maanta ku yeesheen kulan Hotelka HILTON ee magaalada Nairobi ee caasumadda Kenya,iyadoo kulankaas uu guddoominayey Ra'iisal wasaaraha Daladda FKMG ah Cali Maxamed Geedi,waxayna Xubnaha Xukuummaddu kulankooda uga falanqoodeen sidii dalka dib loogu noqon lahaa si Dawladdu uga hawlgasho gudaha.

 

Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah Mudane Cali Maxamed Geedi oo isagu shir jaraa'id qabtay markii uu soo gabagaboobay shirkii Wasiirada ayaa waxa uu xaqiijiyey in kulanka Xukuummadda ahaa sidii dalka loogu laaban lahaa,isagoo sheegay inay dhawaan u kicitimi doonaan magaalada Muqdisho wefti ballaaran oo ka socda Dawladda,kuwaasoo markay gaaraan Muqdisho wafuud u kala diri doona Gobolada,Hiiraan,Shabeellada hoose iyo Shabeeladda Dhexe.

 

Isagoo shaaca ka qaaday inuu hoggaamin doono wafuudda si loo darso xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho,loogana dhaadhiciyo shacabka inay Dawladdda ku soo dhaweeyaan sidii looga dajin lahaa Muqdisho oo ah Caasumadii dalka,isagoo sheegay inay todobaad ka dib tagi doonaan weftiyo socdaal ku aadi doona Gobolada dalka si loogu gogol xaaro Dawladda,waxayna ahaaan doonaan weftiyada kala duwan ee loo dirayo dalka kuwa ku sii sugnaan doona gudaha dalka oo aan dib ugu soo noqon doonin Nairobi .

 

Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu u sheegay Saxaafadda in maanta la sameeyey Guddi farsamo oo isku dubada rida socdaalka wafuudda aadaysa dalka oo uu madax u yahay Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid,Gudi soo diyaarin doona farsamadii Dawladdu dalka dib ugu noqon lahayd oo uu madax u yahay Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow iyo Gudi qaabilsan wada xaajoodka u dhaxeeya Dawladda iyo Beesha caalamka oo uu madax u yahay Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Cabdullaahi Jaamac(Sifir),isagoo tilmaamay inay maalinta Arbacada ah ee socota kulan isugu imaan doonaan Golaha Wasiiradu lagu go.aamin doono wakhtiga wefti Muqdisho aadaya bixi doonaan.

 

Waxa uu Geedi ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay si wada jir ah u soo dhaweeyaan Dawladda,islamarkaasna gacan ku siiyaan sidii ay dalka hubka uga dhigi lahayd,isagoo si gaar ah uga codsaday dadka Reer Muqdisho inay gacmo furan ku soo dhaweeyaan Dawladda ka caga dhigashadeeda Caasumadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this