Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Axmed Siilaanyo: Siyaasi Ku Dulfadhiya Bam Saacadduu Rabo Qarxi Kara

Recommended Posts

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ugu weyn ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah siyaasi ruug caddaa ah, ayaa dadka qaarkii ku tilmaamaan hoggaamiye ayaan darran, waxa uu ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee ururkii xorraynta SNM.

 

Haddana waxa uu nasiibkiisu ka qadiyay inuu noqdo hoggaamiyihii SNM ee dalka xoreeyay siddeed bilood oo qudha, markii laga joogay xil-wareejintiisii ayaa dalka Somaliland la xorreeyay marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), ayaana noqday hoggaamiyihii ayaanka u yeeshay xorrayntii dalka, isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland.

 

Inkasta oo Siilaanyo uu ahaa madaxdii u ololaysay doorashadii Cabdiraxmaan ee Bali-gubadle, haddana labadii sanadood ee SNM xukunka haysey waxa uu markiiba noqday mucaarid waxa halku-dhigyadii xilligas hadallada Siilaanyo ku badnaa ereyada "Dawladdi ma jirto," kuwaas oo wax badan ku soo baxay bogga hore ee saxaafadda xilligaas, manuu calfan inuu noqdo madaxweynihii bedelay Cabdiraxmaan Axmed Cali.

 

Axmed mar kale waxa uu soo galay siyaasadda, isagoo hore u sheegay inuu ka baxay siyaasadda markii la furay Axsaabta siyaasadda, waxaanu ka qayb galay baratankii doorashada Madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii, nasiib daro waxa kaga adkaaday Daahir Rayaale oo isagu taariikh halgameed iyo khibrad siyaasadeed toona aan lahayn. Doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada oday Siilaanyo wuxuu xisbiga Kulmiye dhexdiisa faq iyo fagaaraba ku ballan qaaday da’ahaan iyo caafimaad ahaanba in aanu isu soo taagi doonin doorashada dambe, basle odaygu ma quusan haddana waxa mar kale la isla soo qaaday in lagula quusto sidii kursigaas loo fadhiisin lahaa, inkastoo rag xisbiga ahi u arkayeen in dhiig cusub lagu shubo xisbiga si guul kama dambays ah loo gaadho.

 

Ma aha wax ku cusub siyaasiyiinta Somalida marka ay damacooga siyaasadeed la doog dhabanayaan inay sameeyaan heshiisyo iyo ballanqaadyo, balse qofka siyaasiga ah waxa lagu qiimeeyo sida uu isu cunsiiyo, una fadhiisiyo hab-farshaxnimo ah oo aanay isu hirdiyin damacyada siyaasadeed.

 

Haddaba akhristow anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah kana mid ah taageeraayasha Kulmiye ay isugu tageen haldoorkii ummadda oo aan rajaynayay inuu xisbigii talada hoggaamin lahaa, waxa marag ma doon ah in loolanka adag ee xisbiga dhexdiisa ka taagani uu wiiqay isku xidhnaanshihii iyo taladii adkayd iyo sumcaddii guud xisbiga. Waxaan la dafiri Karin dib-u-dhaca ku yimid shirweynihii xisbiga oo ay ahayd inuu qabsoomo sanad iyo afar bilood ka hor, waxaan jirin hoggaan xisbi oo sharci ah, marka laga reebo Guddoomiyaha xisbiga oo muddadii xil-hayntiisa loo doortay ay ku eekeyd 13-kii Augost 2007-dii, ma jiraan ku-xigeenno xisbi Fagadhe oo ahaa Gudddoomiye ku-xigeenkii xisbiga wuu is-casilay, xoghayihii guudna wuu dhintay Alla ha u naxariiste Marxuum Daa’uud Maxamed Geelle.

 

Waxa muuqata in Axmed Siilaanyo maanta uu ku dulfadhiyo bam saacadduu rabo qarxi kara, sidaa darteed Axmed ha noqdo oday kala haga mashaqooyinkan docdiisa yaala, hana ka hadho musharaxnimada si uu u badbaadiyo sharafta iyo mustaqlbalka Somaliland, haddiise uu ku adkaysto ma muuqdo guul iyo mustaqbal micno leh oo ka soo bixi karta.

 

 

Axmed M. Cige (Beebsi)

Taageerayaasha Kulmiye, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The writer is talking about Siilaanyo and his glories during the SNM period. He is mentioning that although he has been into the politics since long time, he is not lucky when it comes to the politics. He is suggesting that Siilaanyo should resign from Kulmiye and let fresh blood take the lead to win the elections.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this