Sign in to follow this  
Dal Aqoon

Lacagaha ay lunsadeen labada Shariif maxaad kala socotaa?

Recommended Posts

xariifka_shariik.jpg Feb 19, 2010 – Ila wareedyo lagu kalsoonyahay oo aannaan magacooda shaacinayn ayaannu ka xaqiiqsannay inay jirto dhac loo geystey ummadda Soomaaliyeed, dhacaas oo ah mid baahsan. Illaa iyo intii xilka loo magcaabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa ka sii daray ammaankii dalka, iyadoo la barakiciyey malaayiin dad Soomaaliyeed. Hirdanka siyaasadda Soomaaliya oo hadda u dhexeeya kooxaha diinta iyo qabiil is huwan, ayaa dhanka kale wax ku dhinac qarsoon lunsasho maaliyado loogu deeqay ummadda Soomaaliyeed. Waxa kaloo jira in baddii Soomaaliyeed la iibsaday qayb ka mid ah. Xubno ka mid ah baarlammaanka ayaa muddaba ku hawlanaa sidii maalin uun loola xisaabtami lahaa labada kolayle iyo asxaabtooda. Haddaba xogtaas waa sida hoos ku qoran.

 

1. Kenya waxay badda Soomaaliya ku iibsatay maal dhan 9 milyan oo doollar. Lacagtan ayaa waxa qaybsaday Axmed Walad Cabdalla iyo labada Shariif.

2. Dawladda Sucuudiga ayaa dawladdii Cabdullahi Yuusuf ugu deeqday maal dhan 160 milayn oo doollarka Maraykanka ah. Lacagtaas 37 milyan oo ka mida waatii Cali Maxamed Geeddi ka soo qaaday, markii dambena lagu eedeeyey inuu lunsaday lacagtaas. Intii soo hadhay oo ah 123 milayn waxay gacanta u gashay koox maafiya ah oo Sucuudiya kana wakiila labada Shariif, waxayna lacagtan ku qaateen iyagoo sheegay inay Soomaaliya isgaarsiin casriya gelin doonaay. Meeshay martay lacagtaasi ilaa hadda lama oga.

3. Sidoo kale 35 malyan oo dawladda Japan bixisay

4. Liibiya oo bixisay 3.5 malyan

5. Suudaan oo bixisay 2 milyan

6. Ciraaq oo laga helay 4.5 milyan

7. Sucuudiga oo isna bixiyey 10 milyan oo kale

8. Maraykanka oo ku deeqay 3.5 milyan

9. Dawladda Qadar oo iyana bixisay 3.5 milyan

 

Maaliyaddan ayaa waxay jeebka u gashay labada Shariif iyo horboodayaashooda, iyadoo aanay jirin xisaabi xil maleh, ama cid kula xisaabtantay meeshay mariyeen maaliyaddaas.

 

Halka shacabkii Soomaaliyeed noqdeen kuwa dayac iyo gaajo ka dheregtey, labada Shariif iyo tuugada ku wareegsani waxay mashquul ku yihiin sidii ay uga taajiri lahaayeen dhiigga dadka Soomaaliyeed. Dhoof aan micno ku fadhiyin oo lagu macnayn karo nooca maafiyada iyo isbahaysi qabiilaysi ku dhisan oo marba magac loo bixinayo sida kan hadda la wado ee lagu sheegay Ahlusunna iyo KMG wadajirkoodu, ayaa dawladnimo kaga egtahay. Ummadda Soomaaliyeed ilaahbaa u maqan, aayahooda mugdiga ku jira tuug kasti inuu ka faa’iidaysanayo waa muuqataa.

 

Wixii arrimahan ka soo siyaada kala soco shabakadda Laasqoray online. Mahadasanid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Laasqoray online. Warbixintaan qiimaha badan inteey ka timid horta? Waan jeclaan lahaa inaan arko caddaymo arrintaan la xiriira.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this