Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Attack on port causes death injuries

Recommended Posts

Muqdisho:War deg deg ah Xoogsatada dekeda Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac u qeybsamay kadib markii uu madfac ku habsaday bakhaar ay raashin ka daabulayeen

9. september 2009

 

Muqdisho(Allpuntland )Qof xamaali ka ahaa Mid ka mid ah Bakhaarada dekeda Muqdisho ayaa goor dhaw waxaa ku soo dhacay Madfac nooca loo yaqaan B-10, kaasi oo ku dhaacay gaar ahaan Bakhaarka No.3.

 

Todoba kale ayaa madfacaas ku dhawacmay ,waxaana uu ka yimid dhinaac wadada Dabka oo uu ka socda dagaal xoogan .

 

Dhaawacyadii ka dhashay madfacan lagu soo riday Dekedda Muqdisho ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa shaqaalaha dekedda, kaasi oo soo gaaray dhaawac fudud.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho uu ku soo dhaco madfac, waxaana dagaalada ka socda Muqdisho ay ku yeesheen saameynta ugu ballaaran, hase yeeshee ma jirto wax howl joojin ah oo dagaaladaasi ay ku keeneen Dekedda Muqdisho.

 

Xafiiska wararka Muqdisho Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madfac ku soo dhacay Dekedda Muqdisho oo sababay dhimashada iyo dhaawaca xamaaliga ka howlgala

September 9, 2009 Radiofreesomalia.com

 

Mid ka mid ah Bakhaarada Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ku soo dhacay Madfac nooca loo yaqaan B-10, kaasi oo ku dhaacay gaar ahaan Bakhaarka No.3.

 

Qasaaraha uu geystay Madfacaasi oo ka yimid jihada wadada Dabka, ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, waxaana ku dhaawacmay ilaa toddobo qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa xamaaliga ka howlgala dekeda.

 

Dhaawacyadii ka dhashay madfaca saakay lagu soo riday Dekedda Muqdisho ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa shaqaalaha dekedda, kaasi oo soo gaaray dhaawac fudud.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho uu ku soo dhaco madfac, waxaana dagaalada ka socda Muqdisho ay ku yeesheen saameynta ugu ballaaran, hase yeeshee ma jirto wax howl joojin ah oo dagaaladaasi ay ku keeneen Dekedda Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this