Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Somalia: Puntland pres welcomes new PM, cautions on federalism

Recommended Posts

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay inuu soo dhoweynaayo Raysalwasaaraha cusub ee Dawladda Federaalka mar ula hadlaayay la’aanta Afsoomaaliga ee BBC-da,isagoo sheegay in nin kasta oo Soomaaliyeed oo xilkaas loo magacaabo ay si weyn usoo dhoweynayso Puntland.

 

Wuxuu sheegay in waxba kama jiraan tahay war dhowaanahan soo baxaayay oo aan la aqoon halka uu sida rasmiga ah uga soo baxay kaas oo ahaa in Puntland aysan la shaqeyn doonin Dawladda Federaalka hadii aysan Raysalwasaaraha u magacaabin nin kasoo jeeda degaanada Puntland.

 

Dr.Faroole ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Raysalwasaaraha cusub uu ka shaqeeyo xirrirka labada dowladood iyadoo buu yiri lagu dhaqmaayo axdiga KMG ah ee Soomaaliya sanadkii 2004-tii lagu dhisay dalka Kenya.

 

Meel marinta Heshiisyada

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in la meelmariyo heshiisyadii dhexmaray Puntland iyo Federaalka oo ay ku gaareen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Nairobi.

 

Waxaa xusid mudan in Madaxweynuhu uu ka codsaday Dawladda Federaalka in ay xoojiso heshiiskii ay la gashay Ahlu-Sunnah Waljameeca oo ay ku galeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa rajo ka muujiyey in Dawladda Federaalka ay wax badan ka qaban karto xaalada Soomaaliya maadama buu yiri ay muuqanayaan la shaqayn iyo taageero ay ka helayaan beesha caalamka.

 

”…Waxaa loo baahan yahay in Puntland ay hesho wixii Soomaali ka dhaxeeya qaybteeda,Puntland dagaal ayaa ka jira kuwa kalena way imaan karaan…”,ayuu yir.

 

Sidoo kale wuxuu muujiyey sida Puntland ay u taageersan tahay dastuurka qabyada ah ee Federaalka;”…Dastuurka qabyada ah waa in la dhamaystira waxaa taasi ay horsedi kartaa in la dhaxlo awood qaybsi,dakhli dowladeed iyo waxyaabo lamid ah…”,ayuu yiri.

 

Tuhun ay qabto Puntland

 

Madaxweynaha Puntland ayaa codsaday in taageero aan la siin wixii dhibaato keeni kara.

 

”…Tuhuno ayaan qabnaa,qolo ayaa shido kawada xafiisyada qaar.Raysalwasaare wadanka waad ka maqnayd waxaa laga dhaxlaa xilkaas magac keliya ee yaysan ku isticmaalin kooxo daneysteyaal ah…”,ayuu sheegay isagoo aan farta ku fiiqin cida ula jeedo.

 

Si kastaba maanta ayaa waxaa banaanbaxyo ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Buuhoodle oo lagu taageerayay Raysalwasaaraha cusub.

 

Cabdiqani Cabdul

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweeyey Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegey in Puntland soo dhoweyneyso magacaabista Ra'isal wasaaraha cusub isagoo carabka ku dhuftey in aaan lagala tashan xulashada xilkaan.

 

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqey in qof walba oo Somali ah xaq u leeyahay xilkaan hadii uu qaban karo balse sheegey in habkaan xulashada ah ee 4.5 yahay shaqsiyan mid uusan tageersaneyn madaama qaabkii qabaliga ahaa oo leysku laayey salka ku hayo.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa uga digey Ra'isal waasaraha cusub madaama uusan aqoon u laheyn dalka iyo dadka inuu gacanta u galo kooxaha danaha gaarka ah leh islamarkaana diidan nidaamka Federaal kaasoo Puntland qayb ka tahay.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in Ra'isal wasaaraha cusub looga baahan yahay hirgalintii heshiiskii Galkacayo iyo midkii ka dambeeyey ee maamulka Puntland iyo DFKGM ah ku sixiixdeen Magaalada Nairobi.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa xusey in Wasiirka Kowaad kordhiyo xiriirka dowlada Federaalka ah la leedahay ururka Ahlu Sunah Wal-jamaca kuwaasoo sheegey in dagaal kula jiraan al-shabaab.

 

Ra'isal wasaraha cusub ayaa xogaha kasoo baxaya taariikh nololedkiisa tilmaamayan inuusan khibrad u lahyn arrimaha guracan ee Somalia islamarkaana dalka ka maqnaa muddo kor u dhaafeysa 30 sano.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this