Sign in to follow this  
Meiji

Alshabab vs Xisbi Islam: Disagreements mounting

Recommended Posts

Meiji   

Sheekh Xasan Daahir iyo saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab oo kulan xasaasi ah ku yeeshay beerta Sayed ku leeyahay degmada Afgooye

 

 

Mogadishu Sunday, 17 May 2009 SM

 

Beerta aadka u weyn ee Sheekh Sayed Bin Suldan Al-Nahyan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Dowladda Imaaraadka Midoobay ku leeyahay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana shalay halkaasi ka dhacay kulan ballaaran oo albaabadana ay u xirnaayeen, iyadoo sida ka muuqatay abaabulka iyo isku duba ridka kulankaasi ay Al-Shabaab ka dambeysay ayaa waxaa wadahadalo aan waxba la isula harin halkaasi ku dhex maray Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xoogagga Al-Shabaab.

 

Madaxda ka tirsan ururka Al-Shabaab ee kulanka la yeeshay Xasan Daahir waxaa ka mid ahaa: Sheekh Xasan C/llaahi Xersi (Xasan Turki) iyo madax ka tirsan Al-Shabaab, iyadoona ammaanka goobta uu kulanka ka dhacayay ee magaalada Afgooye ciidamada Al-Shabaab si weyn ilaalo uga hayeen.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay madasha kulankaasi ayaa la sheegayaa inuu ku dhammaaday is afgaran waa, kaddib markii Al-Shabaab ay Xasan Daahir u soo bandhigtay qodobo aanu awood u lahayn inuu fuliyo, iyadoo waxyaabaha ay soo bandhigeen Al-Shabaab ay ka mid yihiin inuu hubka soo wareejiyo ku soo wareejiyo Taliska maamulka Al-Shabaab.

 

Sidoo kale qodobada loo soo bandhigay Sheekh Xasan Daahir waxaa ka mid ah: inuu ka tanaasulo ururka Xisbul Islaam kuna soo biiro Al-Shabaab si toos ahna ula shaqeeyo iyo qodobo kale oo aad u fara badan.

 

Dhinaca kale inkasta oo kulanka shalay ka dhacay Afgooye aan laga soo saarin wax war ah, ayaa u muuqda inuu ku soo gabagaboobay fashil, inkasta oo Sheekh Xasan Daahir uu madasha kulanka ka sheegay hadalo siyaasadeed iyo isagoo Al-Shabaab u ballanqaaday inuu fulinayo inta badan qodobada loo soo jeediyay.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Religious warlords will go the same path as those before them: division and never-ending conflict.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this