Abwaan Posted October 1, 2007 Beerdhiga 01.10.2007 13:07 Guri uu Jeneral Axmed Sahal Cali (Axmed Ciriiri) ku lahaa degmada heliwaa ee magaalada muqdihso ayaa shaley waxaa si xoog ah ku degay Nuur Daqle oo dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya u qaabilsan howgelinta ciidanka Booliska. Guriga jananka oo ku yaaley agagaarka suuqa Heliwaa oo ka kobnaa labo dabaq ayaa waxaa si xooga ah ula wareegay oo degay Nuur Daqle, waxaana ku sugnaa xilligaas qaar ka mid ehelada jananka oo ay kamid tahey xaaska jananka. Gurigan uu hadda sida xooga ah ula wareegay Nuur Daqle waxaa u dhisay jananka dowladii hore ee Siyaad Barre, manna aheyn xilligaas nin hantida dowlada iyo dadweynha midna ku xadgudba. Intii ayna dhicin dowladii hore ee Siyad Barre darajadiisu waxa ay aheyd Sareeyo Gaas wuxuuna ahaa ninka labaad ee ugu sareeya darajo ahaan xagga ciidanka, marna waxa u soo noqdey ku xigeenka Wariiska Gaashaandhiga. Jananku intii ay socdeen dagaalada sokeeyo kama usan qeyb galin dagaaladii ka dhacay wadanka, wuxuuna ahaa nin ahlu salaad ah oo an dhib badneyn dadkuna ay tixgeliyaan. Markii lagu dhawaaqey dowladii Carta ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee la gudoonsiiyo calanka Soomaaliya, sababtuna waxa uu ahaa ninka darajo ahaan ugu sareeya oo markaa joogey madasha shirka. Markii wadanka ay soo galeen ciidanka gumysiga Itoobiya oo kaashanaya kuwa la shaqeeya ee dowlada KMG ah waxaa caafimaad ahaan loogu qaadey dhinaca dalka Imaaraadka iyadoo laga baqayo in uu ku kaco dhiigkar uu qabey. Ilaa haddana uu ku sugan yahey halkaa. Tan iyo markii dowladii hore ee Soomaliya ay dhacdey wax dhib ah kalama kulmin Jananku kooxihii ku hardamayey wadanka oo waxa uu ahaa nin la tixgeliyo, balse arintan hadda la soo gudboonaatey ee ah in gurigiisa si xoog ah loola wareego ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ula kulmo Jananku oo xad gudubna ku ah. Nur Daqle oo hadda si xoog ah ku degay guriga Jananka ayaa waxa uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii soo ifbaxey intii ay socdeen dagaaladii Ashahaado la dirirka ee ka dhacey magaalada Muqdisho sanadkii la soo dhaafey ee 2006 ee u dhaxeeyay hoogaamiye kooxeedyadii iyo MMIS iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dhinac ah oo labaduba ka soo horjeeday dhibatooyinkii iyo tacadiyadii ay ku hayeen ummada Soomaaliyeed 16 sano ee la soo dhaafay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 2, 2007 Markaa ma gurigiisii uun buu la wareegay mise macal xaaskiisiisiina wuu ku darsaday ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites