Jacaylbaro Posted February 2, 2010 Waxaa uu sheegay Faroole in 17-kii bisha January ee sanadkaan 2010-ka ay odayaal u direen gobolka Sool si dhex dhexaadin ay uga dhex bilaabeen labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland Now that is a desperate call ...... very desperate indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 2, 2010 Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay odayaal dhaqameedyada dhex dhexaadinta ka dhex wada iyaga iyo Somaliland in ay isaga baxaan dhex dhaxeedintaasi hadii ay ku cuslaato. Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo isagoo ku sugan Magaalada Dubai ee isugu taga Imaaraadka Carabka la hadlayay Saxaafadda ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladda gobolka Sool oo ay hadda ka arimiyaan Maamul hoostaga Somaliland kuwaasi oo horay dagaal uga qabsaday Maamulka Puntland. Waxaa uu sheegay Faroole in 17-kii bisha January ee sanadkaan 2010-ka ay odayaal u direen gobolka Sool si dhex dhexaadin ay uga dhex bilaabeen labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland isagoo haatan ugu baaqay odayaashaasi hadii ay ku adkaatay dhex dhexaadinta Labada Maamul in ay isaga dhexbaxaan. “Dowaladu diyaar bay u tahay in ay qabato wixii nabad galyo ah ha ahaato mid guud ama mid gaar ah oo ay ku sugeyso amaanka deegaanadeeda si wixii wax dhibaya loo soo qabto”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa Somaliland iyo Puntland waxaa ay isku heysteen gacan ku heynta gobolka Sool iyadoo dhowr jeer oo horana halkaasi ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo Puntland taasoo markii dambe ka dhigtay in halkaasi ay la wareegeen kuwa Somaliland. Marka laga soo tago is qab qabsida dhinacyada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay xarunta gobolkaasi ee laascaanood ku soo kordhay falal amaan dari ah oo ay qeyb ka yihiin qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaasi oo lala eeganyo saraakiisha iyo Masuuliyiinta Maamulka gobolkaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites