SOO MAAL

XUSKA 15ka MAY EE MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED

Recommended Posts

SOO MAAL   

Aas Aaskii Ururkii Gobanimadoonki Soomaaliyeed ee "Somali Youth League"

SomSYL2.gif

The 13 Founders

Osman Gedi Rage

Mohamed Farah Hilowle

Mohamed Ali Nur

Haji Mohamed Hussein

Abdulqadir Saqawadin

Dhere Hagi Dhere

Hudow Moalim Abdullahi

Mohamed Hirsi Nur

Dahir Haji Osman

Mohamed Osman Bardura

Yasin Hagi Osman

Ali Hassan Maslax

Haji Mohamed Abdullahi

15ka May Maalintii SYL

WQ:Cabdullahi Sh.Xusseen

Dadka Soomalida ah waxaa lagu tilmaami jiray taariikhda in aay yihiin sinji keenadiid ah oo aan u nuglayn duudsiga shisheeye ,waxaayna iska caabiyeen gumeeystayaasha reer Yurub oo uu ugu soo horreeyey Burtuqiisku muddo qarni ka badan .Geesiyaal badan ayaa naftoodii qaaliga ahayd u huray dhiigoodiina u daadshay difaaca dalka hooyo ,hasayeeshe nasiib darro af-qoran ma lahayn taas oo keentay in halyeeyadaas magacyadoodii aan qaar badan oo kamid ah la diiwaangalin ,hasayeeshe ummaddu illoobimayso ciddii usoo halgantay camuuduna ma diimoona ciddii dhibic dhiig ah u qubtay.

Marka laga hadlaayo halganka Soomaaliyeed waxaa ugu caansanaa ,halgamadii uu ugu horreeyey kii Axmad Garaad Ibraahim "Axmad Guray "oo bilowday 1528 dhammaadayna 1543.

Axmad Gureey waxaa usuuro gashay in uu jabiyo aabigii boqortooyadii Xabashida oo ka fursanwayday in aay u yeerato ciidamo shisheeye oo daafaca .

Halganki Axmad Guray waxaa ku xigay kii daraawiishta oo uu hogaaminayey halyeeygii Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ,waxaana daraawiishtu sutida u haysay ingiriisak muddo ka badan labaatan sano.Markii Ciidamadii badda iyo kuwii berriguba ka huleeleen darawiishta waxaa Ingiriisku goáan ku gaaray sanadkii 1919kii in uu xagga cirka ka weeraro ciidamada Daraawiishta ,qorshahaas oo ingiriisku fuliyey 21kii jannaayo 1920kii maalintaas oo aay xarumihii Sayidka ee Taleex iyo Jiidali aay soo weerareen dayuuradihii dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu ahaa DH9 .Sida taariikhdu qorayso waxaa Sayid Maxamad Cabdille Xassan ku geeriyooday degmada Iimeeyey 23dii Noofember 1921dii.

Tix Kamid ah Gabayadii Guubaabaad ee Saydka

Anaa diiday dagal in aan la galo daalin ii col ahe

Dalka malihid anigaa ku iri dooraweeynaha eh

Anaa diiday nabaddiisa aan daacad noqonayne

Anaa diiday Deeqdiida aay Naari dabataale

Anaa diiday maantuu laha duunyo iga hooye

markay duusho Gaaladu anaan daabaddu qabane

Kolka aay dareeraan anaan duul xammaal noqone

Diintayda anigaan ku gaadn dabakhi Naareede

Anaan labada ******* tan hore darajo moodayne

Sayidku Wuxuu ka tagay Dardaarankaan:

Dabin buu idiin qolayaa waydin dagayaaye

Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaane

marka hore dabkuu idinka dhigin dumar sidiisiiye

Marka xigana dabbakhaada waa idin dareensiine

marka xiga dushuu idin kararin sida dameeraha eh

Marka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada eh

Mar haddaan Dushii Adari iyo Iimey dacal dhaafay

waxaad iga dambaysaanba waa deyrta maanta ahe

maxaad igaga digataan berribuu siin lasoo degiye

Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL oo dhidibada loo aasay 15kii May 1943 .Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa ayaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya.

Halgankii SYL

Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso

Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye

Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada

hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin

****************

Halgankii Siyaasiga ahaa oo ugu caansanaa dalka Soomaaliya wuxuu ahaa kicitaankii SYL oo asaaskiisa aay lahaayeen 13 dhalinyaro ah oo aay kulmisay qiiro waddaninimo iyo ficilo soomaalinnimo .13kaas dalinyaro waxaay awood u yeesheen in aay dumaan midnimada Soomaaliyeed majarahana u qabtaan halgankii Gobannimadoonka .Sadexdaas dhalinyaro waxaay asaaseen 1943dii naadigii dhalinyarada oo la oran jiray SYC"Somali youth Club",naadigaas oo u xuubsiibtay xisbi Siyaasi ah sanadku markuu ahaa 1947dii ,xisbigaas oo loo baxshay SYL"Somali Youth league "

Saddex iyo Tobankaas Dhalinyaro waxaay kala ahaayeen:

1.Yaasiin Xaaji Cusmaan

2.Cabdulqaadir Sakhaawuddiin

3.Cusmaan Geddi Raage

4.Maxamad Faarax Hilowle

5.Maxamad Cusmaan

6.Maxamad Xirsi Nuur

7.Daahir Xaaji Cusmaan

8.Xaaji Maxamad Xusseen

9.Cali Xassan Maslax

10.Maxamad Cabdulle Xassan

11.Maxamad Cali Nuur

12.Dheere Xaaji Dheere

13.Khaliif Hudda macalin

Saddexdaas dhalinyaro fikraddii waddaninmo oo aay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed ,waxaana halgankii SYL mirihiisii la gurtay 1960kii markii 1dii Julay aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya aayna al midowday waqooyiga Soomaaliya oo iyana ka xorowday Ingiriiska 26dii Juun 1960kii waxaana dhalatay markii taariikhda ugu horreysay jamhuuriyadda Soomaaliya .

SANADGUURO NASIIB DARAN

Maantay waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiil iyo tacab beelay aay farahayaga si hawlyari ah uga baxday ,dalkii Soomaaliyana uu galay marxlad adag oo aay majaraha u hayaan taliyayaal baas oo gacmahooda dhiig iyo godobi ku dhabooqantahay kuwaa oo u hagaya soomaaliya booraantii halaaga iyo aaytiinxumida .Soomaaliya oo ku jirtay dhawr iyo toban sano fawdo iyo majarahabow ma jirto rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celinayo qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya.Hasa ahaate Somaliya sida aay u Indho la´dahay uma Alla-laá,lagamana quusan in maalin maalmaha kamid ah la arko soomaaliya oo ah dawlad madax banaan oo diimooqaraadi ah ,dawlad abadgalyo iyo xasiloonaan aay dadkeedu ku naaloonayaan .

XUSKA 15ka MAY EE MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED

(Waxtar La’aanta dhalinta Maanta & Hufnaanta Dhalintii Hore..)

Member of the Central Committee of S.Y.L Standing from Right o Left: Ahmed Addaw, Vice President, Ahmed Shirreh Lawaha, Member: Abduullahi Isse Mohamed, Secretary General and Osman Sheikh Ma’ow Member:- Sitting:- Sheikh Isse Mohamed Treasurer

Officer and General Cashier

Sanad walba waxaa dalka looga dabaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15ka May taasoo ka soo bilaabatay sanadkii 1943kii markii dhidibada loo taagay ururkii dhalinyarada ee SYL, kaasoo ay aasaaseen 13 dhalinyaro Soomaali ah, iyadoo isla markiiba ay kuwada biireen dhalintii dalka gaar ahaan goboladii uu gumeysan jiray Talyaniga.

Dhalinyradaas oo aqoontooda ay aad uga hooseysay tan ay heystaan dhalinta maanta, isla markaasna ku shaqeeynayeen xaalad cakiran oo gumeysi hoostiisa ah, ayaa waxeey ku guuleeysteen, in ay xaqiijiyaan hadafkoodii ahaa in ay waddanka ka xoreeyaan gumeystah isla markaasna ay dhisaan dowlad madax banaan oo dunida laga aqoonsanyahay, iyagoo aan dan ka laheyn in ay ka mid noqdaan dowladaas ay asaaseen iyo in aysan ka mid noqon. Ururkaas SYL ee ay aasaaseen dhalinyaradaas oo markii dambana noqday xisbigii siyaaseed ee waddanka u weynaa intii aysan xukunka la wareegin ciidamadii Melateriga ayaa wuxuu ahaa mid kasbaday dadweynihii Soomaalida ee waqtigaasi joogay ayagoo intii ay ku jireen halggankii gobanimo doonka ahaa lala garab taagnaa taageero hiil iyo hooba isugu jirto.

Waxaa si gaar ah loo xusaa dhaqaalahii ay ku shaqeynayeen oo ahaa mid ka yimaada dadweynaha Soomaaliyeed, in haweenkii xiligaas ay gaareen heer ay sameeyaan ilo dhaqaale oo iyaga si gaar ah ugu taakuleeyaan SYL kaasoo gaaray in gabar kasta oo Soomaali ah ay ka qeyb gasho,kuwo ayaa waxeey lacagaha ay bixiyaan ka keeni jireen tinaar muufo lacag ay ka shaqeeyeen iyadoo kuwana ay iibiyin jireen dahabkooda. Kasbashada kalsoonida shacabka aya inta badan ku timada hadba sida hoggaamiyayaasha ay ugu soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo qorshe howleedkooda ay ku howlgelayaan iyo Hadafkooda ay higsanayaan. Taasoo ururkii SYL dadkooda ay ku qanceen sida ay wax u wadaan.

Haddaba, haddii aan qiimeyn ku sameyno waxqabadkii dhalinyaradii SYL iyagoo ku shaqeynayey isticmaarka hoostiisa,sida ay ugu guuleysteen ujeeddooyinkooda isla markaasna ay ugu magac yeesheen, iyo dhalinta manta ee nasiibka u yeeshay in ay indhahooda ku arkaan sida sahlan ee ay u bur burtay dowladdii dhismaheeda ay kusoo howshoodeen dhalinyaradii SYL, ma inoo suurta geleysaa in aan aragno heerka uu gaarsiisanyahay waxtar la’aanta dhalinta manta iyo waxgalka iyo hufnaanta dhalintii hore…..?

Waxaa Diyaariyey

Safiyo Abuukar Karaani

Bilan Press

Share this post

Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

Happy 15th-may brov,

Have you ever heard of the old somali lady who said "hooyo, idinkala garan meynee guuleyste" ;)

Share this post

Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Happy 15th-may brov,

Have you ever heard of the old somali lady who said "hooyo, idinkala garan meynee guuleyste"

Adnaan bro,

Thanks for this intelligent saying by the Somali mother, true we are all same.

Success for All

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.