SOO MAAL Posted May 18, 2005 Aas Aaskii Ururkii Gobanimadoonki Soomaaliyeed ee "Somali Youth League" The 13 Founders Osman Gedi Rage Mohamed Farah Hilowle Mohamed Ali Nur Haji Mohamed Hussein Abdulqadir Saqawadin Dhere Hagi Dhere Hudow Moalim Abdullahi Mohamed Hirsi Nur Dahir Haji Osman Mohamed Osman Bardura Yasin Hagi Osman Ali Hassan Maslax Haji Mohamed Abdullahi 15ka May Maalintii SYL WQ:Cabdullahi Sh.Xusseen Dadka Soomalida ah waxaa lagu tilmaami jiray taariikhda in aay yihiin sinji keenadiid ah oo aan u nuglayn duudsiga shisheeye ,waxaayna iska caabiyeen gumeeystayaasha reer Yurub oo uu ugu soo horreeyey Burtuqiisku muddo qarni ka badan .Geesiyaal badan ayaa naftoodii qaaliga ahayd u huray dhiigoodiina u daadshay difaaca dalka hooyo ,hasayeeshe nasiib darro af-qoran ma lahayn taas oo keentay in halyeeyadaas magacyadoodii aan qaar badan oo kamid ah la diiwaangalin ,hasayeeshe ummaddu illoobimayso ciddii usoo halgantay camuuduna ma diimoona ciddii dhibic dhiig ah u qubtay. Marka laga hadlaayo halganka Soomaaliyeed waxaa ugu caansanaa ,halgamadii uu ugu horreeyey kii Axmad Garaad Ibraahim "Axmad Guray "oo bilowday 1528 dhammaadayna 1543. Axmad Gureey waxaa usuuro gashay in uu jabiyo aabigii boqortooyadii Xabashida oo ka fursanwayday in aay u yeerato ciidamo shisheeye oo daafaca . Halganki Axmad Guray waxaa ku xigay kii daraawiishta oo uu hogaaminayey halyeeygii Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ,waxaana daraawiishtu sutida u haysay ingiriisak muddo ka badan labaatan sano.Markii Ciidamadii badda iyo kuwii berriguba ka huleeleen darawiishta waxaa Ingiriisku goáan ku gaaray sanadkii 1919kii in uu xagga cirka ka weeraro ciidamada Daraawiishta ,qorshahaas oo ingiriisku fuliyey 21kii jannaayo 1920kii maalintaas oo aay xarumihii Sayidka ee Taleex iyo Jiidali aay soo weerareen dayuuradihii dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu ahaa DH9 .Sida taariikhdu qorayso waxaa Sayid Maxamad Cabdille Xassan ku geeriyooday degmada Iimeeyey 23dii Noofember 1921dii. Tix Kamid ah Gabayadii Guubaabaad ee Saydka Anaa diiday dagal in aan la galo daalin ii col ahe Dalka malihid anigaa ku iri dooraweeynaha eh Anaa diiday nabaddiisa aan daacad noqonayne Anaa diiday Deeqdiida aay Naari dabataale Anaa diiday maantuu laha duunyo iga hooye markay duusho Gaaladu anaan daabaddu qabane Kolka aay dareeraan anaan duul xammaal noqone Diintayda anigaan ku gaadn dabakhi Naareede Anaan labada ******* tan hore darajo moodayne Sayidku Wuxuu ka tagay Dardaarankaan: Dabin buu idiin qolayaa waydin dagayaaye Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaane marka hore dabkuu idinka dhigin dumar sidiisiiye Marka xigana dabbakhaada waa idin dareensiine marka xiga dushuu idin kararin sida dameeraha eh Marka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada eh Mar haddaan Dushii Adari iyo Iimey dacal dhaafay waxaad iga dambaysaanba waa deyrta maanta ahe maxaad igaga digataan berribuu siin lasoo degiye Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL oo dhidibada loo aasay 15kii May 1943 .Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa ayaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya. Halgankii SYL Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin **************** Halgankii Siyaasiga ahaa oo ugu caansanaa dalka Soomaaliya wuxuu ahaa kicitaankii SYL oo asaaskiisa aay lahaayeen 13 dhalinyaro ah oo aay kulmisay qiiro waddaninimo iyo ficilo soomaalinnimo .13kaas dalinyaro waxaay awood u yeesheen in aay dumaan midnimada Soomaaliyeed majarahana u qabtaan halgankii Gobannimadoonka .Sadexdaas dhalinyaro waxaay asaaseen 1943dii naadigii dhalinyarada oo la oran jiray SYC"Somali youth Club",naadigaas oo u xuubsiibtay xisbi Siyaasi ah sanadku markuu ahaa 1947dii ,xisbigaas oo loo baxshay SYL"Somali Youth league " Saddex iyo Tobankaas Dhalinyaro waxaay kala ahaayeen: 1.Yaasiin Xaaji Cusmaan 2.Cabdulqaadir Sakhaawuddiin 3.Cusmaan Geddi Raage 4.Maxamad Faarax Hilowle 5.Maxamad Cusmaan 6.Maxamad Xirsi Nuur 7.Daahir Xaaji Cusmaan 8.Xaaji Maxamad Xusseen 9.Cali Xassan Maslax 10.Maxamad Cabdulle Xassan 11.Maxamad Cali Nuur 12.Dheere Xaaji Dheere 13.Khaliif Hudda macalin Saddexdaas dhalinyaro fikraddii waddaninmo oo aay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed ,waxaana halgankii SYL mirihiisii la gurtay 1960kii markii 1dii Julay aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya aayna al midowday waqooyiga Soomaaliya oo iyana ka xorowday Ingiriiska 26dii Juun 1960kii waxaana dhalatay markii taariikhda ugu horreysay jamhuuriyadda Soomaaliya . SANADGUURO NASIIB DARAN Maantay waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiil iyo tacab beelay aay farahayaga si hawlyari ah uga baxday ,dalkii Soomaaliyana uu galay marxlad adag oo aay majaraha u hayaan taliyayaal baas oo gacmahooda dhiig iyo godobi ku dhabooqantahay kuwaa oo u hagaya soomaaliya booraantii halaaga iyo aaytiinxumida .Soomaaliya oo ku jirtay dhawr iyo toban sano fawdo iyo majarahabow ma jirto rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celinayo qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya.Hasa ahaate Somaliya sida aay u Indho la´dahay uma Alla-laá,lagamana quusan in maalin maalmaha kamid ah la arko soomaaliya oo ah dawlad madax banaan oo diimooqaraadi ah ,dawlad abadgalyo iyo xasiloonaan aay dadkeedu ku naaloonayaan . XUSKA 15ka MAY EE MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED (Waxtar La’aanta dhalinta Maanta & Hufnaanta Dhalintii Hore..) Member of the Central Committee of S.Y.L Standing from Right o Left: Ahmed Addaw, Vice President, Ahmed Shirreh Lawaha, Member: Abduullahi Isse Mohamed, Secretary General and Osman Sheikh Ma’ow Member:- Sitting:- Sheikh Isse Mohamed Treasurer Officer and General Cashier Sanad walba waxaa dalka looga dabaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15ka May taasoo ka soo bilaabatay sanadkii 1943kii markii dhidibada loo taagay ururkii dhalinyarada ee SYL, kaasoo ay aasaaseen 13 dhalinyaro Soomaali ah, iyadoo isla markiiba ay kuwada biireen dhalintii dalka gaar ahaan goboladii uu gumeysan jiray Talyaniga. Dhalinyradaas oo aqoontooda ay aad uga hooseysay tan ay heystaan dhalinta maanta, isla markaasna ku shaqeeynayeen xaalad cakiran oo gumeysi hoostiisa ah, ayaa waxeey ku guuleeysteen, in ay xaqiijiyaan hadafkoodii ahaa in ay waddanka ka xoreeyaan gumeystah isla markaasna ay dhisaan dowlad madax banaan oo dunida laga aqoonsanyahay, iyagoo aan dan ka laheyn in ay ka mid noqdaan dowladaas ay asaaseen iyo in aysan ka mid noqon. Ururkaas SYL ee ay aasaaseen dhalinyaradaas oo markii dambana noqday xisbigii siyaaseed ee waddanka u weynaa intii aysan xukunka la wareegin ciidamadii Melateriga ayaa wuxuu ahaa mid kasbaday dadweynihii Soomaalida ee waqtigaasi joogay ayagoo intii ay ku jireen halggankii gobanimo doonka ahaa lala garab taagnaa taageero hiil iyo hooba isugu jirto. Waxaa si gaar ah loo xusaa dhaqaalahii ay ku shaqeynayeen oo ahaa mid ka yimaada dadweynaha Soomaaliyeed, in haweenkii xiligaas ay gaareen heer ay sameeyaan ilo dhaqaale oo iyaga si gaar ah ugu taakuleeyaan SYL kaasoo gaaray in gabar kasta oo Soomaali ah ay ka qeyb gasho,kuwo ayaa waxeey lacagaha ay bixiyaan ka keeni jireen tinaar muufo lacag ay ka shaqeeyeen iyadoo kuwana ay iibiyin jireen dahabkooda. Kasbashada kalsoonida shacabka aya inta badan ku timada hadba sida hoggaamiyayaasha ay ugu soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo qorshe howleedkooda ay ku howlgelayaan iyo Hadafkooda ay higsanayaan. Taasoo ururkii SYL dadkooda ay ku qanceen sida ay wax u wadaan. Haddaba, haddii aan qiimeyn ku sameyno waxqabadkii dhalinyaradii SYL iyagoo ku shaqeynayey isticmaarka hoostiisa,sida ay ugu guuleysteen ujeeddooyinkooda isla markaasna ay ugu magac yeesheen, iyo dhalinta manta ee nasiibka u yeeshay in ay indhahooda ku arkaan sida sahlan ee ay u bur burtay dowladdii dhismaheeda ay kusoo howshoodeen dhalinyaradii SYL, ma inoo suurta geleysaa in aan aragno heerka uu gaarsiisanyahay waxtar la’aanta dhalinta manta iyo waxgalka iyo hufnaanta dhalintii hore…..? Waxaa Diyaariyey Safiyo Abuukar Karaani Bilan Press Sanad walba waxaa dalka looga dabaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15ka May taasoo ka soo bilaabatay sanadkii 1943kii markii dhidibada loo taagay ururkii dhalinyarada ee SYL, kaasoo ay aasaaseen 13 dhalinyaro Soomaali ah, iyadoo isla markiiba ay kuwada biireen dhalintii dalka gaar ahaan goboladii uu gumeysan jiray Talyaniga. Dhalinyradaas oo aqoontooda ay aad uga hooseysay tan ay heystaan dhalinta maanta, isla markaasna ku shaqeeynayeen xaalad cakiran oo gumeysi hoostiisa ah, ayaa waxeey ku guuleeysteen, in ay xaqiijiyaan hadafkoodii ahaa in ay waddanka ka xoreeyaan gumeystah isla markaasna ay dhisaan dowlad madax banaan oo dunida laga aqoonsanyahay, iyagoo aan dan ka laheyn in ay ka mid noqdaan dowladaas ay asaaseen iyo in aysan ka mid noqon. Ururkaas SYL ee ay aasaaseen dhalinyaradaas oo markii dambana noqday xisbigii siyaaseed ee waddanka u weynaa intii aysan xukunka la wareegin ciidamadii Melateriga ayaa wuxuu ahaa mid kasbaday dadweynihii Soomaalida ee waqtigaasi joogay ayagoo intii ay ku jireen halggankii gobanimo doonka ahaa lala garab taagnaa taageero hiil iyo hooba isugu jirto. Waxaa si gaar ah loo xusaa dhaqaalahii ay ku shaqeynayeen oo ahaa mid ka yimaada dadweynaha Soomaaliyeed, in haweenkii xiligaas ay gaareen heer ay sameeyaan ilo dhaqaale oo iyaga si gaar ah ugu taakuleeyaan SYL kaasoo gaaray in gabar kasta oo Soomaali ah ay ka qeyb gasho,kuwo ayaa waxeey lacagaha ay bixiyaan ka keeni jireen tinaar muufo lacag ay ka shaqeeyeen iyadoo kuwana ay iibiyin jireen dahabkooda. Kasbashada kalsoonida shacabka aya inta badan ku timada hadba sida hoggaamiyayaasha ay ugu soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo qorshe howleedkooda ay ku howlgelayaan iyo Hadafkooda ay higsanayaan. Taasoo ururkii SYL dadkooda ay ku qanceen sida ay wax u wadaan. Haddaba, haddii aan qiimeyn ku sameyno waxqabadkii dhalinyaradii SYL iyagoo ku shaqeynayey isticmaarka hoostiisa,sida ay ugu guuleysteen ujeeddooyinkooda isla markaasna ay ugu magac yeesheen, iyo dhalinta manta ee nasiibka u yeeshay in ay indhahooda ku arkaan sida sahlan ee ay u bur burtay dowladdii dhismaheeda ay kusoo howshoodeen dhalinyaradii SYL, ma inoo suurta geleysaa in aan aragno heerka uu gaarsiisanyahay waxtar la’aanta dhalinta manta iyo waxgalka iyo hufnaanta dhalintii hore…..? Waxaa Diyaariyey Safiyo Abuukar Karaani Bilan Press Quote Share this post Link to post Share on other sites
ADNAAN Posted May 18, 2005 Happy 15th-may brov, Have you ever heard of the old somali lady who said "hooyo, idinkala garan meynee guuleyste" Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted May 18, 2005 Happy 15th-may brov, Have you ever heard of the old somali lady who said "hooyo, idinkala garan meynee guuleyste" Adnaan bro, Thanks for this intelligent saying by the Somali mother, true we are all same. Success for All Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 15, 2018 Aabiyaashii gobonnimodoonka had iyo jeer waxee naga mudan yihiin xusid. Rabi janadiisa fardowso haka waraabiyo halyeeyda - aamiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites