Sign in to follow this  
General Duke

Burco on the brink of war?

Recommended Posts

DAYMADA WARGEYSKA: Dhaqdhaqaaqyada Millateri ee Xukuumaddu ka Wado Togdheer Halis Bay ku Yihiin Nabadgelyada Dalka

Waxa maalmihii u dambeeyey laga dareemayey gobollada Togdheer iyo Saaxil dhaqdhaqaaqyo milleteri oo xooggan, kana qaybqaadanayeen ciidamo badan oo ku hubaysan gaadiidka tiknikada ah, kuwaas oo xukuumaddu aanay ilaa hadda si rasmi ah u shaacin ujeeddooyinka ka dambeeya ee looga gol-leeyahay hawlgallada milleteri ee ka socda bariga Somaliland.

 

 

Ciidammadan xoogga leh oo sida warbaahintu qortay maalmihii la soo dhaafay la taxay laga bilaabo degmada Dacar-budhuq ilaa magaalada Burco, ayaa la sheegay inay hawlgallo baadhis ah ka samaynayaan deegaanno ka tirsan Gobolka Togdheer, iyada oo isla markaana ciidamo dheeraad ah oo isugu jira kuwa birmadka booliska iyo milleteri culus la dhigay baraha kaantaroollada ee ka baxa ama soo gala Burco, kuwaas oo baadhis ku sameeyey gaadiidka ka soo baxaya ama galeya magaalada.

 

 

Sida oo kale waxa iyaduna jirtay in xukuumaddu ciidamo iyo tikniko hore u geysay magaalada Berbera, halkaas oo ay ku sugan yihiin xool tiro badan oo ay leeyihiin ganacsatada ka soo horjeeda heshiiska sharcinimada jiritaankiisa Wakiilladu xaaraantinimeeyeen ee xukuumaddu kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha nool ganacadaha Carbeed ee Saleebaan Al-jaabiri.

 

 

Inkasta oo ciidammadu muddadii ay joogeen Berbera aanay cid qabqaban, haddana waxay magaalada ku abuureen xiisad iyo dareen cabsiyeed, iyadoo Berbera hore uga dhaceen iska-horimaadyo ka dhashay muran dhul oo dad ku dhinteen iyo weliba wershadda korontada oo koox dablay ahi xoog ku qabsadeen, waxaanay ciidammada cusub sii kordhiyeen xiisadihii kacsanaa iyo cabsidii dadweynuhu hore uga qabeen xaaladda ammaanka.

 

 

Magaalada Burco iyo degaanno ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa iyagana si weyn looga dareemay hawlgallada millateri ee ciidammada dawladdu halkaa ka wadaan, waxana oo intii ay socdeen lagu soo qabtay Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Mr. Xirsi Cali X. Xasan, kaas oo hadda ku xidhan xarunta CID-da ee caasimadda Hargeysa oo isla markii la qabtayba loo soo gudbiyey, sidoo kalena waxay hadda xukuumaddu ku hawlan tahay qorshayaal ay doonayso in ku soo qabqabato saraakiil sarsare iyo odayaal magac leh oo ku sugan Burco.

 

 

Dadka la sheegay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale u maleegayso xadhigga waxa ka mid ah Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne), Muj. Xasan Guure Jaamac iyo oday Dayr Maxamed Cilmi. Iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa qorshaha lagu damacsan yahay in raggaas xabsiga loogu taxaabo, hasayeeshee la sheegay in xubanahani ka mid yihiin ragga ka soo horjeeda heshiiska kootada ah ee xukuumaddu kula jirto Al-jaabiri, balse aanay ku howlneyn wax dhibaato ah oo amniga wax u dhimaya, haddana tibaaxo hordhac ah ayaa sheegay in xukuumaddu xubnahaas ku tuhunsan tahay inay ku lug leeyihiin dhibaatada ka taagan dhoofka xoolaha iyo tuhunno kale oo ah inay hub iyo ciidamo urursanayaan, inkasta oo aan jiritaanka wararkaas si dhab ah loo xaqiijin karin.

 

 

Iyadoo ay haddaba sidaa tahay, ayaa waxa jira walaac weyn oo dadweynaha degaankaasi ka bixiyeen qorshaha xukuumaddu ku damacsan tahay qabqabashadaas raggaas iyo xadhigga Xirsi Cali X. Xasan, sidoo kalena waxa shacbigu dareen cabsi leh ka muujiyeen ciidammada millateriga tiknikada culus ku hubaysan ee xukuumaddu dhoobtay degaannada Gobolka Togdheer, kuwaas oo isweydiinaya sababaha waqtigan keenay in ciidamo la soo dul-dhigo maadaama dalka nabadgelyo iyo xasillooni ka jirto.

 

 

Haddaba, marka laysku soo xooriyoo ciidammada xooggan iyo tiknikada gaashaaman ee xukuumaddu ku taxday degaannada gobollada bariga dalka, dhaqdhaqaaqyada halkaa ka socda iyo cabsida haysata dadweynaha, ayaa u muuqda kuwo si fudud u horseedi kara tallaabooyin wax u dhima nabadgelyada guud ee dalka oo ah shayga qudha ee Somaliland beesha caalamka sumcadda iyo ammaanta kaga mutaysatay haddii ciidammadu qaadaan qorshayaal aan ka fiirsasho lahayn oo ay kula kacaan dadweynaha caadiga ah.

 

 

Sidoo kale, waxa dhici karta in dad dano shisheeya u adeegaya oo ka soo horjeeda qarannimada Somaliland iyo xasilloonida dalka ka jirta ay iyagoo ka faa’iidaysanaya jewiga kacsan iyo xiisadda ka aloosan gobollada bari iyo weliba isku dhacyo si sahlan uga dhex dillaaci kara ciidammada iyo shacbiga degaankaas, waxana hubaal ah in dhaqdhaqaaqyada millateri ee xukuumaddu ka wado Gobolka Togdheer halis ku yihiin nabadgelyada dalka Somaliland, sidaa darteed waxa waajib ku ah xukuumadda in ka noqoto qorshayaasha mugdigu ku jiro ee damacsan tahay, kuwaas oo wax u dhimi kara amniga guud ee dalka, haddiise ku sii socoto xumaan kasta oo ka timaad waxa masuuliyadeeda tuurta u ridanaya oo lagala xisaabtami doonaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

2 Baabuur iyo rag la qabtay, Boolis dhaawacmay iyo xasaasiyadda xaaladaha kacsan ee ka oogan Togdheer

 

 

Burco (Jam)- Ciidammada Booliska ee Gobolka Togdheer, ayaa subaxnimadii hore ee shalay gacanta ku dhigay laba baabuur iyo 8 nin oo watay, kuwaasoo oo hadda ku xidhan magaalada Burco.

 

 

Ragga iyo labada baabuur oo midkood yahay Toyota xaajiyad uu saarnaa mishiinka laxaamadda iyo ka kale oo MarkII, ayaa saraakiisha bilaysku sheegeen in laga qabtay inta u dhexaysa xaafadda Sii-bakhti iyo hoteelka City Plaza ee magaalada Burco, waxaanay qabashadooda ku macnaayeen shaki laga qabo in ka mid ahaayeen kooxo lagu tuhunsan yahay inay gaadiid qoryo ku saarayeen degaanka Ceel-dheer ee oo ka tirsan Gobolka Togdheer.

 

 

Ma jiraan wara madaxbannaan oo xaqiijinaya in ragga iyo gaadiidka boolisku qabteen ka mid ahaayeen kooxaha xukuumaddu ku tuhunsan tahay qorshe lagu abuurayo malleeshiyooyin hubaysan oo abaabulkoodu ka socdo degaanno ka tirsan Togdheer, arrintaas oo keentay dareen cabsiyeed oo ka dhashay dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ciiddammada dawladdu dhawrkii maalmood ee la soo dhaafan ka wadeen degaannada bariga gobolkaas.

 

 

Geesta kale, waxa xalay magaalada Burco la gaadhsiiyey la jiidayo oo baabuur tikniko ah iyo laba askari oo boolis ah oo dhaawacyo fudud soo gaadheen, kuwaasoo la sheegay inay ku dhaawacmeen kadib markii uu gaadhigu bohol kula dhacay xilli ku gudo-jireen hawlgal ay shalay ku baadi-goobayeen lagu baadi-goobayey kooxo hubaysan oo la sheegay inay dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey ku dhuumaalaysanayeen degaannada u dhexeeya Saraar iyo Ceel-dheer.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

'Al Shabaab' gathering outside Somaliland town, says Minister

10 Aug 10, 2008 - 1:36:59 PM

 

HARGEISA, Somalia Aug 10 (Garowe Online) - Al Shabaab militants who are spearheading an Islamist insurgency in southern Somalia are gathering outside of Burao, a key town in the northern breakaway region of Somaliland, a government minister has said.

 

Abdullahi "Irro" Ismail, Somaliland's interior minister, told the BBC Somali Service on Saturday that the militants organizing in the outskirts of eastern Burao are loyal to Mr. Hersi Ali Haji Hassan, a businessman who was arrested by local police last week.

 

"Hersi Ali has links to al Shabaab," Interior Minister Irro said, adding that he will be brought to court after Somaliland police found "telecommunications evidence" during an investigation.

 

Mr. Hersi Ali, who recently resigned from the Somaliland Election Commission, has openly opposed a trade agreement the Somaliland administration signed with Saudi Arabian company Al Jabberi, sources said.

 

Somaliland's Livestock Traders Union, for which Mr. Hersi Ali was deputy chairman, has opposed the Al Jabberi deal on grounds that the agreement gives the Saudi company a "monopoly" over rights to export Somaliland livestock aboard.

 

Dahir Riyale, the Somaliland leader, issued a directive last week allowing the export of livestock already on the grounds of the Port of Berbera, but effectively banning any export thereafter as part of the Al Jabberi deal.

 

Somaliland has deployed extra troops in and around Burao, where the government says its searching for the 'al Shabaab' fighters and armed trucks.

 

But a local analyst speaking on the condition of anonymity told Garowe Online that Mr. Hersi Ali's arrest is "political," saying that he was opposition party Kulmiye's hand-picked man for the Election Commission.

 

The militia gathering in the outskirts of Burao belong to the clan of the arrested trader, the source added.

 

Al Shabaab, which the U.S. government considers a terrorist organization, is very active in much of southern Somalia, especially in Mogadishu where the insurgents have claimed responsibility for attacks on government troops and allied Ethiopian forces.

 

Somaliland, in Somalia's northwestern regions, unilaterally declared independence from the rest of the country in 1991 but has not gained international recognition.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mucaradka oo u jawaabey Riyale

11 Aug 11, 2008 - 8:06:28 AM

 

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn uu dhawaan u jeediyay wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland gudoomiye ku xigeenkii ganacsatada xoolaha Xirsi Cali X. Xasan oo haatan xabsi ku jira.

 

KULMIYE iyo UCID ayaa ku dhaleeceeyay war-murtiyeedyo ay soo saareen maanta hadalkii wasiirka, waxayna ku tilmaameen mid ceeb ku ah shacabka, maamulka iyo nabadgalyada Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaas C/llaahi Ismaaciil Cirro oo dhawaan kula hadlay warbaahinta Hargeysa ayaa ku eedeeyay Xirsi Cali X. Xasan inuu xiriir toos ah la leeyahay kooxda Al-shabaab, uuna ciidamo ku urursanayo duleedka bari ee Magaalada Burco.

 

"Hadalka Cirro wuxuu dhaawacay Qaranimada Somaliland, wuxuuna muujinayaa in SL aysan nabadi ka jirin" ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray xisbiga KULMIYE.

 

Gudomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE C/raxmaan C/qaadir Faarax ayaa sheegay inaysan jirin wax xiriir ah oo u dhexeeya ganacsadaha xiran iyo ururka Al-shabaab, isagoo ku tilmaamay hadalka wasiirka mid been ah oo laga badbadiyay.

 

War-saxaafadeedka uu soo saaray UCID ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay hadalka Cirro waxaana lagu tilmaamay mid sharaf-dil ku ah xukuumada Somaliland, uuna dhaawacayo nabad, xasiloonida iyo aragtida caalamka ee SL.

 

"Wasiirku wuxu ku hadlay hadal aanu hubsan, wuxuna waxyelo u geystay Somaliland, kooxaha tiknikada ku urursanaya Burco iyaguna waxay khatar ku yihiin jiritaanka Somaliland" ayuu yiri Faysal Cali waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

 

Gudoomiyaha UCID wuxuu ku dhaleceeyay xukuumada Somaliland fadhiidnimo, isagoo yiri: "xukuumadu waa mid fadhiid ah oo aan u muuqan mid wax qabanaysa, taas ayaana keenaysa inay kooxo isku hubeeyaan dalka gudihiisa".

 

Somaliland oo sheegtay inay ka go'day Somalia inteeda kale 1992-kii ayaa waxaa ka jiray xiisado ku aadan kooxo la sheegay inay isku hubeynayaan bariga degmada Burco, kuwaasoo gadiid jaray saarayna qoryaha dagaalka.

 

Garowe Online, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
unknown1   

dude why do you keep thinking about somaliland. they embarrased you in the fighting of sool. they always say we will retake it. poor poor puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this