Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: More clan court members captured..

Recommended Posts

Muqdisho:Ciidamada La dagaalanka argagixisada oo howlgalo ay sameeyeen ku soo qabqabtay dad loogu shakisan yahay Argagixiso.

 

2.

Ciidamada la dagaalanka argagixisada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku soo qabqabtay rag lagu tuhunsan yahay iney xiriir la leeyihiin kooxaha falalka argagixiso ka wada magaalada Muqdisho.

 

Xubnahan oo horay ugu tirsanaa Maxkamaddihii Islaamiga ayaa laga soo qab qabtay guryahooda, iyadoo xubnaha gacanta lagu dhigay ay ka mid yihiin Ganacsato taageeri jiray kooxihii ka dagaalamayey magaalada Muqdisho.

 

Sh. Idiris oo ka tirsan xubnaha lagu soo qabtay howgal ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii maxkamadda Towfiiq gaar ahaan ku xigeenada taliyeyaasha ciidamada, waxaana sarkaalkan lagu qabtay hoygiisa oo ku yiilay degmada Kaaraan, sidoo kale labo xubnood oo kale ayey ciidamada dowladdu ka soo qabteen degmada Shibis kuwaasi oo ka mid ahaa taageerayaashii maxkamaddihii Islaamiga.

 

Nin ganacsade ah oo lagu naaneeso Majuujiye ayey ciidamada dowladdu ka qabteen deegaanka Suuq Bacaad, wuxuuna ganacsadahan uu gacan saar la lahaa maxkamadihii Islaamiga ee laga awood roonaaday, isagoo mudooyinkii danbe taageerayey kooxihii kacdoonka ka waday magaalada Muqdisho ee Muqaawamada ahaa.

 

Majuujiye ayaa sadax maalin ka hor dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka yimid magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu geystay caruurtiisa iyo xaaskiisa, waxaana lagu hayaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho oo danbi baaris ay ku socoto.

 

Magaalada Muqdisho ayaa howlgal xoogan uu ka socdaa iyadoo uu bilowday ugaarsiga lagu haayo kooxaha looga shakisan yahay iney ka danbeeyaan falalka amni xumo ee ka jira magaalada Muqdisho.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Muqdisho ayaa howlgal xoogan uu ka socdaa iyadoo uu bilowday ugaarsiga lagu haayo kooxaha looga shakisan yahay iney ka danbeeyaan falalka amni xumo ee ka jira magaalada Muqdisho.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this