Sign in to follow this  
Liibaan

Somaliland.Org: Dawlada Riyaale Oo Qarsoodi U Qorsheenaysa Dilal Iyo Qaraxyo

Recommended Posts

Liibaan   

Somaliland.Org: " Dawlada Riyaale Oo Qarsoodi U Qorsheenaysa Dilal Iyo Qaraxyo Ay Ku Suntayso Ururka Al Shabaab"

 

Dawlada Riyaale Oo Qarsoodi U Qorsheenaysa Dilal Iyo Qaraxyo Ay Ku Suntayso Ururka Al Shabaab

December 11th, 2009 Comments Off

 

Dawlada Riyaale Oo Qarsoodi U Qorsheenaysa Dilal Iyo Qaraxyo Ay Ku Suntayso Ururka Al Shabaab

 

Waxay Bartilmaameed Ka Dhiganaysaa Shakhsiyaad ay ka mid yihiin Gudooyiayaasha Golaha Baarlamaanka iyo Gud Xisbiga Mucaaridka Kulmiye Si ay Ugu Ekaysiiso in Xoogaga Alshabaab Soo Maleegeen

 

Hargeysa, Somaliland December 12, 2009 (Somaliland.Org) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa dhawaan Dawlada Rayaale ku eedeeyay in uu ka dambeeyay isku-day dil oo horraantii bishan lala beegsaday Mudanaha.

 

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in isku-day dil oo 4-tii bisha Nov 2209 ay saddex Nin isku dayeen in ay goor habeenimo ah toogasho ku dilaan, balse uu ka badbaaday. Dilkaas oo uu ka dambeeyay Madaxweyne Rayaale, ka dib markii sida uu sheegay uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in la sii daayo Taliyihii Dembi-baadhista ee Berbera. http://www.somaliland.org/wp-admin/post.php?action=edit&post=11664

 

Sidoo kale ayaa Bishii November 1, 2009 : Waxaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Rabi haw naxariiste Gaashaanle Sare Cismaan Yuusuf Nuur isaga oo maraya magaalada Laas Caanood dhexdeeda.

 

Waxa kale oo bishii July 11 2009 wadada u dhaxeesa Hargeisa iyo Awdal lagu dilay dad rayid ah, oo u socdaygobolka Awdal. Dadkaas oo ilaa iminka cidii dishay aan la horkeenin sharciga. Balse qaarkamid ahaa dadkii iyagu ka bad baaday shirqoolkaa, ayaa sheegay in ciidankii laayay wateen gawaadhi watay number plate ka dawlada Somaliland.

 

Hadaba iyada oo waxaasi oo dhami dhaceen lixdii bilood ee ugu danbeesay, ayaa waxaa kale oo iminka soo ifbaxay in Xukumada Riyaale ay ku gudo jirto hawlagalo gabaabis ku dhow, oo ay dalka Somaliland kaga fulinayso qaraxyo cusub oo uu la beegsanayo goobo caanka ah, oo ay ka mid yihiin guryaha qaarkamida Madaxda dalka Somaliland i.e. Gud Guurtida Mr Saleebaan Maxamoud Aadan, Gud Baarlamaanka Mr Cabdiraxmaan Ciro, Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Mr Ahmed Silanyo iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin Xafiisyada Wasaaradaha Dawlada oo iyagana la daadraaciyo.

 

Xukumada Riyaale ayaa isu tustay in hadii dalka ka dhacaan doorasho, aanay marnaba suurtoobeen in shacabka maanta joogaa mar danbe soo dooranayaan. Sidaa darteed, hadii qarax baaxada caynkan lihi dhaco, oo keeni kara dhimasho iyo dhaawac waxa ay adkaanaysaa in dalka ka qabsoomaan doorasho. Isla markaana falkani waxa uu wadanka u horseedi karaa in dalku galo waji tacsiyadeed iyo khalkhal mudo dheer sii jiitama.

 

Hadalkan dhawaan kasoo yeedhay Gudoomiyaha Olalaha Xibiga UDUB Cismaan Cabdilahi Cigaal (Cismaan Hindi), ee uu ku sheegay Xisbiga Kulmiye mid gacansaar la leeyahay Al Shabaab. Hadalkaasi ma ahayd mid si fudud ku yimid, balse waxa uu ahaa hadal si weyn looga soo shaqeeyay, ujeedadiisuna ahayd sidii loo abuuri lahaa jawi baqdineed iyo dareemo hoose oo la galiyo shacabka Somaliland. Ku waas oo loogu sii diyaarinayo shicibka falkan argaxisadeed ee Xukumada Riyaale maleegayso wakhtiga doorashada ka hor.

 

Dhawaan ayaa waxaa soo if baxay dareemo xukumadu soo galisay suuqa oo tibaaxaya in ay jireen dhaqdhaqaaqyo ay ciidanka bilayska Somaliland todobaadkan ku hawlanaayeen. Kuwaas oo tibaaxayay dabagal ugu jireen shan nin oo ka mid ah masuuliyiinta sare-sare ee ururka Al-shabaab, oo dalka u yimid inay ka fuliyaan hawl-gallo Argagixsanimo ah, oo muddaba u qorshaysnaa ururka Al-shabaab inay qaraxyo Somaliland ka samaynayaan ka hor intaanay dalka ka qabsoomin doorashada madaxtooyada Somaliland ee dhawrka goor dibu dhacu ku yimi.

 

Xogo lagu kalsoon yahay oo arrintan ku saabsan ayaa sheegay in Xukumada Riyaale qorshaheedu yahay in qaraxyadan isdaba jooga ku beegto wakhti yar ka hor marka mudada doorashada ka hadhsan yahay.

 

Wararka hoose ee laga helay cida maleegaysa falalkan argagaxisnimo ayaa sheegaya in ay adeegsanayaan tabo iyo xeelado casriyaysan oo u eg kuwa kooxaha Al shabaab isticmaalaan, waxaana doorkan ku wajahan yahay, qaraxyo laga samaynayo goobo istaraatiji ah iyo dilal gaadmo ah oo lala beegsanyo shakhsiyaad ka midda masuliyiinta Xukuumadda iyo Mucaaridkaba.

 

Daba gallada ku aadan baadhitaanka qoshaha hawl-gallkan ayaa waxa lagu ogaaday in Xukumada Riyaale ka faa’iidaysanayo xidhiidho dahsoon oo ay la samaysteen shakhsiyaad iyagu lagu dhextuuray Ururka AlShabaab. Kuwaa oo iyagu noqon doona kuwa hirgalinta amuurahan loo adeegsado.

 

Hargeisa, Somaliland

 

Somaliland.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Sooyaal.com: " Madaxweyne Daahir Riyaale Oo Maleegaya Falal Argagixiso Lagu Wanjalo Doorashada"

 

Kadib markii Ummadda Somaliland iyo Beesha Caalamku ku sandulleeyeen madaxweyne Daahir Riyaale iyo kooxdiisa in dalka dhawaan laga qabto doorashada madaxweynaha si loo ilaasho deganaanshaha iyo nidaamka dimoqaraadiga ah ee dalka ayaa waxa uu madaxweyne Daahir Riyaale dalka ka bilaabay falal argagixiso oo qarsoon si loo wanjalo doorashada madaxweynaha. Falalkan argagixiso waxaa lagu ugaadhsanayaa saraakiisha iyo mas`uuliyiinka Axsaabta Mucaaradka, Xubnaha Golayaasha Qaranka, saraakiisha Sare ee Ciidanka Qaranka iyo culimada dalka caanka ka ah ee caadiga ah ee ka soo horjeeda Maamulka Daahir Riyaale dabadeedna waxaa lagu masabidayaa in dilalka qorshaysan iyo nabadgelyo-xumada dalka uu ka dambeeyo ururka argagixisada ka dagaallama Somalia ee lagu maagacaabo Al-Shabaab si ummadda loo majara-habaabiyo. Daahir Riyaale oo ka rajo-dhigay muddo-kordhin dambe oo Golaha Guurtidu u sameeyo waxaa uu falalkan argagixisada ku rabaa inuu ku khalkhaliyo nabadgelyada dalka, ku wiiqo Axsaabta Mucaaradka iskana horkeeno Beelaha Somaliland si markaas uu sabab ama cudurdaar ugu helo inuu ku baajiyo doorashada madaxweynaha nabadgelyo-xumo awgeed.

 

 

 

Falalkan argagixiso ee dalka hadda ka socda oo qaar lagu tuhunsanyahay qaarna ku cadyihiin inuu ka dambeeyo Maamulka Daahir Riyaale waxaa ka mid ah:

 

 

 

November 1, 2009 : Waxaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Eebbe haw naxariiste Gaashaanle Sare Cismaan Yuusuf Nuur isaga oo maraya magaalada Laas Caanood dhexdeeda. Dilkan qarsoon waxaa la aaminsanyahay in loola jeeday sidii la iskaga horkeenilahaa Beelaha kala dega Togdheer iyo Sool (Habarjeclo iyo ***********). Dilkan argagixiso waxa uu salka dhigay madaxtooyada Daahir Riyaale Kaahin.

2. November 4, 2009 : Waxaa dil gaadmo ah ka baxsaday Xildhibaan Moxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Baarlamaanka

 

Somaliland isaga oo ay weerarkaas ku soo qaadeen laba nin oo afka ka xidhan goor uu sii gelayay gurigiisa. Mudane

 

Qabille waxa uu ummadda iyo saxaafaddaba u sheegay in madaxweyne Daahir Riyaale ka dambeeyo isku dayga dilkiisa.

 

 

 

3. November 24, 2009 : Ninka lagu magacaabo Cismaan Cabdullahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ah mas`uul ka tirsan Xisbiga

 

talada dalka haya ee UDUB waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisu ay ka tirsanyihiin ururka

 

argagixisada ee Al-Shabaab. Dhawaaqaas oo gef weyn ku ah Xisbiga iyo ummaddaba salkana ku haya qaran-dumisnimo

 

waa arrin uu ka dambeeyo Daahir Riyaale si madaxda iyo saraakiisha Xisbiga Kulmiye (Rayid iyo ciidanba), ummadda

 

taageerta iyo culimada Diinta dalka ee caadiga ah loogu qaado wax lagu magacaabo : La dagaallanka Aragagixisada oo

 

ah dhagartii uu Cabdullahi Yuusuf u adeegsanjiray Beesha Hawiyaha ee Muqdisho si uu ciidan, hub iyo maalba uga helo

 

dunida uu ku baaba`sho beeshaas. Malaha Daahir Riyaale iyo Cismaan Hindi ismaweydiin inay ka soconayso beenta

 

intaas le`eg iyo inay leeyihiin awood ay ku fushaan beentaas.

 

 

 

December 2, 2009: Waxaa Ciidanka Qaranka ee aagga Sool xabsiga dhigeen Cabdifataax Muuse Yuusuf oo ah sarkaalka sirta ugu sarreeya Gobolka Sool ee Maamulka Riyaale. Cabdifataax waxaa Ciidanka Qaranku xidheen markii uu qirtay inuu ka dambeeyay dhigidda laba ka mid ah miinada qaraxda oo la dhigay meherada laba nin oo ganacsato ah oo arrintaas awgeed loogu xidhay labadaas nin Laas Caanood si loogu eedeeyo looguna wanjalo dilkii Taliyihii Qaybta 12 aad. Miinooyinka qarxa ee uu qirtay inuu ka dambeeyay dhigidooda Sarkaalka sirta ee Daahir Riyaale, Cabdifataax Muuse Yuusuf, waxay isku noocyihiin miinadii lagu dilay G/Sare Cismaan Yuusuf Nuur. Dawladda ayaa arrintu salka dhigtay. Markii sirta dilka Taliyihii Qaybta 12aad ay ka fashilantay Madaxeyne Riyaale ayaa waxa uu xoogsaaray in xukunka Cabdifataax loo soo wareejiyo Hargeysa si keligii loogu eedeeyo dilkii G/Sare Cismaan Yuusuf isna ka badbaado fadeexadda weyn ee soo food-saartay halkii maxkamad lagu saarilahaa magaalada Laas Caanood oo ah meeshii falka dembigu ka dhcay.

5. December 7, 2009 : Mr. Yuusuf Ciise Tallaabo oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, booqashana ku

 

jooga Gobolka Sanaag waxaa uu sheegay in Qabriyadda Eebbe haw naxariistee Muuse Ismaaciil iyo Mataanaha Ilma

 

Daawuud ay dhawaan argagixiso burburisay iyo inuu hayo oo la soo qabtay waxyaabaha qarxa ee argagixisadu

 

isticmaasho, waxaa kale oo uu sheegay in Gobolka Sanaag ay ka buuxdo argagixisada Al-Shabaab. Madaxda Gobolka

 

Sanaag waxay caddeeyeen in aanay argagixiso waxyeellin qabriyada balse carruuri ku ciyaartay, waxay kale oo ay

 

caddeeyeen in Gobolka Sanaag aanay joogin wax argagixiso ah. Arrintanu waxay muujinaysaa in Daahir Riyaale uu

 

Yuusuf Tallaabo ugu diray Gobolka Sanaag inuu ka soo abaabulo shirqoollo lagu ugaadhsanayo madaxda gobolka,

 

madaxda ciidamada, madaxda Axsaabtaa Mucaaradka iyo culimada Diinta ee ka soo horjeeda Maamulka Daahir Riyaale

 

dababdeedna lagu eedeeyo ururka argagixisada ee Al-Shabaab ee Gobolka lagaga sii been abuuray.

 

 

 

6. December 8, 2009: Waxay Maxkamadda Sool sii deysay oo xorriyadoodii u soo celisay labadii ganacsato ee

 

Laas Caanood lagu xidhay dhawaan kuwaas oo uu Maamulka Daahir Riyaale rabay inuu ku wanjalo dilkii Taliyaha Qaybta

 

12aad ee Ciidanka Qaranka G/Sare Cismaan Yuusuf Nuur. Labadan ganacsato waxay kala yihiin Cabdiraxmaan Ibrahim

 

Muuse iyo Mustafe Daahir Axmed.

 

 

 

7. Falalkii argagixisada ahaa ee dalka ka dhacay falalkan kor ku xusan ka hor wax raad ah lagama hayo taasuna waxay

 

dhalisay tuhun weyn oo ah inuu ka dambeeyay Maamulka Daahir Riyaale. Waxaa muuqata in Maamulka Daahir Riyaale isu

 

bedalay nooc la mid ah ururka argagixisada ee Al- Shabaab si loo wanjalo doorashada madaxweynaha loona burburiyo

 

qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland, shirqoolkaas oo ay kula jiraan Maamulada Somalia iyo Jabuuti .

 

 

 

Waxaa kale oo iyadana xusid mudan in dhallinyaro ku biirtay Xisbiga Udub kana tegay Xisbiga Kulmiye haddana dib ugu

 

soo laabtay dhawaan Xisbiga Kulmiye ay 6dii December, 2009 ummadda Somaliland ku baraarujiyeen in nabadgelyada

 

laga ilaashado dawladda taas oo caddaynaysa inay hayaan sir weyn oo Maamulka Riyaale wax ku ugaadhsanayo.

 

 

 

Maamulka Daahir Riyaale waxaa qorshahan qaran-dumisnimada ah ee ku salaysan argagixisada kula jira Maamulada Jabuuti iyo Somalia oo si weyn iyagu uga soo horjeeda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, fal kasta oo fool xumo ahna la maleegaya Daahir Riyaale si aan doorasho dalka uga dhicin loona aqoonsan. November 28dii, 2009 waxaa magaalada Laas Caanood lagu xidhay xubin ka tirsan baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabo Indha-Buur isaga oo lagu eedaynayo inuu gacan ku lahaa dilkii Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Cismaan Yuusuf Nuur taasuna waxay caddaynaysaa in loo wadajiro la dagaallanka qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland. Saddexdan (3) Maamulba waxay aaminsanyihiin in haddii doorasho dalka laga qabto uu xukunka dalku gelayo gacanta madax daacad u ah qaranimada iyo madxbanaanida Somaliland dabadeedna la aqoonsandoono muddo aan fogeyn.

 

 

 

Sida lala wada socdo waxaa Daahir Riyaale hore u laalay Dastuurka dalka, waxa uu wiiqay dhaqaalaha dalka, waxa uu dhawr jeer horjoogsaday doorashada madaxweynaha, waxa uu dil, dhaawac iyo xadhigba u geystay dad rayid ah oo si salmiya u banaanbaxayey, waxaa uu sabab la`aan xabsi ku tuuray siyaasiyiin can ah iyo weriyaal, waxa uu waxbadan isku dayay inuu iska horkeeno beelaha Somaliland, waxa uu horjoogsaday shaqada qaranka Golaha Wakiilada ee sharci-dejinta, waxa uu khalkhaliyay nabadgelyada dalka, waxa uu jebiyay heshiisyo heer qaran iyo heer caalamba ahaa, waxaana uu si hoose ula dagaallamay welina ula dagaallamaa aqoonsiga dalka si aanay u hanaqaadin dawladnimada iyo qaranimada Somaliland loona helin aqoonsiga Beesha Caalamka. Dhammaan arrimahanu waa dembiyo khiyaamo qaran lagu mijaxaabinayo jiritaanka Somaliland. Waxaa qaran-dumisnimada kula jira Daahir Riyaale cadow sokeeye iyo cadow shisheeye.

 

 

 

Nabadgelyada oo hirgasha iyo doorashada madaxweynaha oo si nadiif ah waqtigeeda loo qabto waa labada arrimood ee ugu muhiimsan oo aqoonsi dhakhso leh u keenaya Somaliland waana labada ay Daahir Riyaale iyo cadowga la safan ay rabaan inaan midna hirgelin oo ay ka hortagaan markasta waana sababta Daahir Riyaale u jebiyo markasta heshiisyada uu galo. Safiirka Masar u jooga Somalia, Saciid Moxamed Morsy, oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland waxa uu si cad u inkiray jiritaanka Jamhuriyadda Somaliland kadib markii uu kulan la yeeshay Daahir Riyaale waxaana la sheegayaa inuu kula dardaarmay Daahir Riyaale inaan Somalida la kala goyn. Safiirku waxa uu iska-indhatiraya in Masar iyo Suuriya oo ah laba dal oo carbeed ay ku heshiinwaayeen kuna kala tageen midnimadii ka dhaxaysay maantana midnimo ay Masar hore u diiday ayuu ku wacdiyayaa ummadda Somaliland.

 

 

 

Waxaa lagama maarmaan ah in aad looga fejignaado shirqoolada, dhagarta iyo qaran-dumisnimada ay maleegayaan Maamulka Daahir Riyaale iyo cadowga sokeeye iyo shisheeye ee la safan isaga lalana socodsiiyo ummadda markasta xaaladda dalku meesha ay marayso isla markaana la adkeeyo nabadgelyada xafladaha iyo kulamada. Haddii Daahir Riyaale iyo kooxdiisu ku wanjalaan doorashada madaxweynaha falal argagixiso iyo khalkhalin nabadgelyada dalka ama inta doorashada la qabto ay qas iyo musuqmaasuq ku boobaan, waxaa markaas khasab iyo waajibba noqondoonta in dulmiga iyo qaran-dumisnimada loogu galo daaraha si loo samata-bixiyo dadka, dalka iyo qaranimada.

 

 

 

Somaliland xaq aan la duudsiyikarin ayey u leedahay aqoonsiga Beesha Caalamka sida loo aqoonsaday dalal badan oo kala noqday kadib markii ay heshiinwaayeen. Somaliland waa la aqoonsan lahaa mar hore laakiin kuwii xukunka lagu aaminay ay dhagar iyo khiyaamo qaran u maleegay aqoonsiga. Qofkii shaki kagajiro xaqnimada ay Somaliland u leedahay dawladnimo, qaranimo, iyo aqoonsi fadlan akhriso labada maqaal ee kala ah: Xuduudaha Afrika Waa Xuduudihii Isticmaarka iyo All African Borders Rose from Colonial Borders (Just Google these titles of the two articles).

 

 

 

Ibrahim Hassan Gagale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this