General Duke Posted November 4, 2010 Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo booqday deegaanka Galgala (Sawiro Goordhow!) November 4, 20102 comments| leave your own! Share Waxaa maanta kormeer ku aaday deegaanka Galgala ee ka tirsan gobalka Bari wafdi balaaran oo uu horkacayo Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire. Wafdigan oo ka kooban 7 xubnood oo wasiiro ah ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen.Cabdullahi Ilkajiir iyo Wasiirka Amniga Gen.Yusuf Axmed Khayr iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumada Puntland. Xubnahan oo saaka ka baxay magaalada Bosaaso ayaa safarkooda ku tagay deegaanadii ay dagaalada ku dhexmareen Ciidamada Dowlada Puntland iyo kooxda uu hogaamiyo Shiikh Maxamed Siciid Attam. Wararka horudhaca ah ee soo gaaraya Horseed Media ayaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenka iyo xubnaha wehliya ay booqasho kormeer ah ku mareen xarumaha ciidamada ay ku sugan yihiin ee ku yaal buuraleyda Galgala iyo deegaanka Madarshoon oo dhanka galbeed kaga beegan Galgala. Dowlada Puntland ayaa 20kii bishii hore ee Oktoober ku dhawaaqday inay soo afjartay dagaaladii deegaanadaasii ay kula galeen kooxihii saldhiyada halkaasi ku lahaa ee uu hogaaminayey Wadaadka Maxamed Siciid Attam. Waa markii ugu horeysay oo wafdi noocaan ah booqdo deegaankaasi tan iyo intii dowlada Puntland sheegtay in dagaaladii buuraha Galgala iyo Madarshoon la soo gaba gabeeyey. Warbixinta Wafdigan oo dhameystiran iyo sawirada goobaha ay booqdeen wafdigan goor dhow baanu idiin soo bandhigi doonaa haduu eebo idmo. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted November 4, 2010 Good development. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted November 4, 2010 This is a good step taken by the government. They should hear the locals' grievances and address those issue at hand. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted November 4, 2010 More Pics - Horseednet Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted November 4, 2010 Nabad iyo Guul shacbiga Puntland! Road leading to Galgala Galgala Town General Abdullahi Ahmed Ilkajiir Maakhiri heavyweight and Puntland Minister for the Interior, Rural Development and Local governments General Saciid dheere, Commander of the Darawiish Armed Forces of Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites