Sign in to follow this  
General Duke

Galgala: Puntland VP and delegation visit Village

Recommended Posts

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo booqday deegaanka Galgala (Sawiro Goordhow!)

November 4, 20102 comments| leave your own! Share

 

Waxaa maanta kormeer ku aaday deegaanka Galgala ee ka tirsan gobalka Bari wafdi balaaran oo uu horkacayo Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

 

Wafdigan oo ka kooban 7 xubnood oo wasiiro ah ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen.Cabdullahi Ilkajiir iyo Wasiirka Amniga Gen.Yusuf Axmed Khayr iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumada Puntland.

 

Xubnahan oo saaka ka baxay magaalada Bosaaso ayaa safarkooda ku tagay deegaanadii ay dagaalada ku dhexmareen Ciidamada Dowlada Puntland iyo kooxda uu hogaamiyo Shiikh Maxamed Siciid Attam.

 

Wararka horudhaca ah ee soo gaaraya Horseed Media ayaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenka iyo xubnaha wehliya ay booqasho kormeer ah ku mareen xarumaha ciidamada ay ku sugan yihiin ee ku yaal buuraleyda Galgala iyo deegaanka Madarshoon oo dhanka galbeed kaga beegan Galgala.

 

Dowlada Puntland ayaa 20kii bishii hore ee Oktoober ku dhawaaqday inay soo afjartay dagaaladii deegaanadaasii ay kula galeen kooxihii saldhiyada halkaasi ku lahaa ee uu hogaaminayey Wadaadka Maxamed Siciid Attam. Waa markii ugu horeysay oo wafdi noocaan ah booqdo deegaankaasi tan iyo intii dowlada Puntland sheegtay in dagaaladii buuraha Galgala iyo Madarshoon la soo gaba gabeeyey.

 

Warbixinta Wafdigan oo dhameystiran iyo sawirada goobaha ay booqdeen wafdigan goor dhow baanu idiin soo bandhigi doonaa haduu eebo idmo.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nabad iyo Guul shacbiga Puntland!

 

Road leading to Galgala

 

b.jpg

 

Galgala Town

 

Mglada-Glgala.jpg

 

General Abdullahi Ahmed Ilkajiir Maakhiri heavyweight and Puntland Minister for the Interior, Rural Development and Local governments

 

ilkojiir.jpg

 

General Saciid dheere, Commander of the Darawiish Armed Forces of Puntland

 

shshada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this