Sign in to follow this  
General Duke

Baydhabo: Parliment meeting to bring into law NRC recommendations

Recommended Posts

Baydhabo: Golaha Baarlamaanka oo maanta la horgeynayo qodobadii ka soo baxay shirkii dib u

31. Oktober 2007

 

Baydhabo(AllPuntland)- Waxaa maanta la filayaa in xubnaha Baarlamaanka ay kulan ku yeeshaan xarunta ADC ee magaalada Baydhabo iyadoo kulankaasina looga doodi doono meel marinta qodobadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha Baarlamaanka ayaa la filayaa in loo qeybiyo Documentiyo ay ku qoran yihiin qodobada ugu muhiimsan ee laga soo saaray shirkii dib u heshiisiinta beelaha, waxaana qodobadaasi ka mid ah in xubin ka baxsan dowladda lagu soo dari karo Dowladda gaar ahaan wasiirada.

 

Xildhibaanada dowladda KMG ayaa la ogeyn go'aankan qaabka ay u meel marin doonaan hase ahaatee waxaa jira in qorshahan uu yahay mid culus oo laga soo shaqeeyay kaasoo la filayo in la meel mariyo.

 

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dadaal ugu jira sidii loo meel marin lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta, isagoo ka dhawaajiyay maalinadii Isniinta oo Baarlamaanka hortiisa uu ku aqbalay istiqaaladii uu soo gudbiyay Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi in Baarlamaanka laga doonayo in uu ku dhaqaaqo balanqaadkii iyo heshiisyadii ay galeen Madaxda dowladda lagana doonayo in ay meel mariyaan qodobka ugu muhiimsan ee ah in xubin ka baxsan dowladda lagu soo dari karo Dowladda.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanayaasha baarlamakna oo maanta kulamadoodii caadiga ahaa bilaabaya.

 

Mudanayaasha baarlamaanka dowladda feeralka Soomaaliya ayaa maanta dib usii ambaqadaya kulamadoodii caadiga ahaa, kadib muddo ku dhow laba todobaad oo ay hakad ku jireen,waxaana kulanka maanta looga doodayaa dhowr qodob oo xasasi ah.

 

Mudanayaasha baarlamaanka dowladda feeralka Soomaaliya ayaa maanta dib usii ambaqadaya kulamadoodii caadiga ahaa, kadib muddo ku dhow laba todobaad oo ay hakad ku jireen,waxaana kulanka maanta looga doodayaa dhowr qodob oo xasasi ah.

 

Warar ku dhow dhow xafiiska xogheynta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulanka maanta looga hadli doono halka uu ka imaanayo ra’isulwsaaraha xiga ee lasoo magacaabi doono oo la isla eegayo in ay tahay in laga dhex magacaabo baarlamaanka ama dibada laga keeno.

 

Iyadoo horay baarlamaanka Soomaaliya intii uu dibad joogga ahaa uu ansixiyay in gudaha barlamaanka oo keliya laga magacaabikaro wasiirrada iyo wasiirka 1-aad ayaa hadana waxaa socda qorsheyaal ku aadan in la meelmariyo dibada iyo gudahaba in laga magacabi karo.

 

Waxaa kaloo xafiiska xogheynta baarlamaanka aanu ka ogaanay in mudanayaasha loo qeybin doono nuqullo ku saabsan heshiiskii ay odayaasha Soomaalidu ku saxiixeen kulan weynihii dib u heshiisinta qaran ee Soomaaliya,si ay ugasoo baaran dagaamn kaddibna u ansixiyaan.

 

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee mudanayaashu ay yeeshaan tan iyo intii uu si casilay ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cali maxamed Geeddi.

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this