General Duke Posted September 5, 2009 After every afur or Iftar break there is news o a new battle un the capital of death. Mogadishu today led by the happless Sharif Ahmed is experiencing some of it's worst fighting which targets civilians. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 5, 2009 Muqdisho:Xoogaga mucaaradka oo caawa dagaal ku soo koray wadada Maka Al-Mukarama madaxtooyadana u jeestay (warbixin dagaaladi caawa) 5. september 2009 APL Muqdisho(AllPuntland )Xoogaga mucaaradka ayaa caawa dagaal xoogan oo saf balaaran ah waxa ay ku soo qaadeen wadada Maka Al-Mukarama oo ah wadada laga difaaco qasriga madaxtoyada. Dagaalka caawa oo ahaa mid loo itaal sheegtay ciidamada dawladda , waxaan xoogaga mucaaradka ay isku soo dhiririyeen wadadaas o muhiim ah difaaca madaxtoyada kadib markii ay ka so galeen dhawr jiho. Ciidamada dawladda markii lagu soo durqay waxaa ciidamada Amisom ay bilaabeen in madaaficda Taangiga ay kaga dajiyaan xoogaga mucaaradka wadadaas hal bawlaha ah. Madiific aan loo meel dayin aya kadib ay ciidamada Amisom bilaabeen ay ka soo ridaan talisyada ay ka joogaan Muqdisho sida madaxtoyada , garoonka Aadan Cadde , Dekeda iyo Xalane ,waxaana madaaficdaas ay noqdeen kuwa ku hoobta degmooyinka Hodan iyo Waabari. weerarada Muqdisho ee xoogaga mucaaradka ayaa noqday kuwo ay ku soo beegaan xiliyada afurka , waxaana dad badan oo Soomaliyed ay aad uga cawdeen in xoogaga mucaaradka ay madaafic shacabka ku afuriyaan . Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites