Emperor Posted December 6, 2007 Wadamada Khaliijka oo taageeray ciidamo UN-ka kasocda oo Soomaaliya la geeyo. Last Updated::2007-12-06 08:52:41 Doxa(HRNet):-Wadamada kamid ah Iskaashiga Khaliijka ayaa shirkoodii 28aad kusoo gaba gabeeyey magaalada Doxa ee dalka Qatar. Shirkan oo ay muddadiidba mar ay yeeshaan dalalka Khaliijka ayaa waxaa arrimaha ugu waaweyn oo looga hadlay kamid ahaa arrimaha Darfur, Iran iyo Soomaaliya. Baaq shirkan laga soo saaray ayaa lagu sheegay in dalalka ka qeyb galay shirkaasi ay si buuxda u taageersan yihiin ciidamo nabad sugid ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo la geeyo dalka Soomaaliya. Waxayna wadamada Khaliijka ku baaqeen in la joojiyo dagaalada ka socda dalka Soomaaliya, ayagoo sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin dhibaatooyinka ku habsaday in badan oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed oo barakacay qaarna dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen dagaalada khaasatan ka socda magaalada Muqdisho. Khaliijka ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan dhinacyada Soomaalida in ay meel mariyaan dib u heshiisiintii lagu soo saxiixay Shirkii dalka kenya iyo waliba shirkii kale ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Agoosto ee sanadkan isla markaana lagu saxiixay dalka Sucuudiga. Khaliif M Xaashi HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites