Sign in to follow this  
General Duke

Reconciliation conference on track.

Recommended Posts

Cali mahdi Maxamed: “1325 ergo ayaa ka qayb gali doonta shirka dib u heshiisiinta”

Posted to the MOL May 19, 2007, 12:48 pm

 

 

Cali Mahdi Max'ed oo ah Gudoomiyaha dib u heshiinta qaran awalna horey mar loogu doortay madaxweynaha Somaliya xiligii dagaalka sokooye ayaa shir jaraa’id uu oo qabtay ka dib markuu la kulmay Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga Patrizia Sentinelli ayaa sheegay in aan waxba laga badalin qoshihii shirkii dib u heshiisiinta oo lagu balansan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdishu bisha fooda inagu soo haysa.

 

Gudoomiyaha dib u heshiinta qaran Cali Mahdi Max’ed ayaa maanta markii ugu horeysay shaaca ka qaaday tirade ergada ka qayb gali doonta shirka dib u heshiisiinta. Cali mahdi ayaa sheegay in maalmaha talaadada iyo arabaca ee innagu soo aadan guddi ka kooban 28 xubnood loo kala diri doono gobollada dalka si ay casuumaad u gaarsiiyaan ergooyinka ka imanay gobollada dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Gudoomiyahu wuxuu sheegay dhamaan beelaha Somalidu lagu casumay shirkaas oo aysan jirin cid ka maqnaan doonta. Cali Mahdi ayaa intaas ku daray in Somaliland ergo ka socota sidoo kale shirka lagu casumay wallow aysan xukuumada Somaliland aqoonsanyn shirka dib u heshiisiinta.

 

Waxuu kaloo sheegay in ergooyinka ka qeybgalay shirka ay soo xulayaan oo kaliya madaxda dhaqanka, salaadiinta iyo dubabka. Waxa uu sheegay in shirka lagu casumay 1325 ergo, Tiradaas oo aad uga yar tii awal la filayay oo ahayd illaa 3000 oo ergo. Cali mahdi ayaa taas ku macneeyay dhaqaalo la’aan soo wajacdahay gudiga oo aysan casumaad u diri Karin ergo intaas ka badan.

 

Haddii shirkaani qabsoomo aya waxaa la filayaa inuu wax weyn ka tiri doono isku soo dhaweynta beelo ay wax kala gaareen intii lagu jiray dagaaladii sokeeye. Waxaa la filayaa in shirkaasn sidoo kale ka soo qayb galaan goobjoogayaal ka socda beesha caalamka si loo hubsado dhexdhexaadnimada shirkaan.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Is this a case of 'Desperate times call for desperate countless Calacal posts' ...

 

If the whole world failed to sell them blood-suckers Yeey vampires to us I don't think few posts will change minds either....how many more do u get???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this