Sign in to follow this  
General Duke

Reconciliation conference on track.

Recommended Posts

Muqdisho: "Shirka dib u heshiisiinta ma ahan mid lagu casilayo dowladda, dadka aaminsan in dowlad cusub lagu dhisayo niyadooda haka saaraan" Cali Mahdi

14. Maj 2007

 

mahdi.jpg

 

Muqdisho(AllPuntland)- Siyaasiga Cali Mahdi Maxamed oo ah shir guddoonka shirka dib u heshiisiinta Qaran ayaa ka dhawaajiyay in shirka uu qabsoomayo 14-ka bisha Juun, isagoo sheegay in ay ka soo qeybgeli doonaan dhamaan qabaa'ilada Soomaaliyeed.

 

Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in shirka qaab beeleed looga soo qeybgeli doono, wuxuuna meesha ka saaray in awooda shirka aysan laheyn dowladda KMG ah ee Soomaaliya balse wada tashi ay ku leeyihiin, wuxuuna Cali Mahdi uu tilmaamay in awooda shirka ay u madax bannaan yihiin.

 

Md. Cali Mahdi ayaa waxaa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta loo qabanayo beelaha Soomaaliyeed isla markaana uusan aheyn mid lagu casilayo ama lagu dooranayo dowlad kale, hase ahaatee wuxuu sheegay in beelaha Soomaaliyeed la isugu keenayo maadaama shirkii dib u heshiisiinta ee dowladda lagu soo dhisay ay ka qeybgaleen hoggaamiyeyaasha iminka dowladda ku jira.

 

"Shirka dib u heshiisiinta ma ahan mid lagu casilayo dowladda, dadka aaminsan in dowlad cusub lagu dhisayo niyadooda haka saaraan" ayuu yiri Md. Mahdi oo intaa raaciyay in cid kasta oo Soomaaliyeed uu shirka u furan yahay.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Mahdi Oo Faafaahin Ka Bixiyay Qaabka Shirka D/Heshiisiinta

 

Muqdisho(Calanka.com) 14-May-2007

 

Gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Somaliya mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa faafaahin ka bixiyay qaabka iyo sida uu u qabsoomayo shirka laasoo lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho 14-jun.

 

Mudane Cali Mahdi ayaa sheegay in shirka uu u furan yahay qabaailada Somalida oo dhan balse aanan looga soo qeyb galeynin qaab urur siyaasadeed iyo mid xisbiba.

 

Cali Mahdi ayaa sheegay in ey maalinta berito ah ey u kala dirayaan gobolada dalka oo dhan wufuud soo xusha odayaasha iyo wax garadka uga qeyb galaya gobol kasta shirka.

 

Waxaa iyana uu soo hadal qaaday Mahdi in beesha caalamka oo dhan ey kasoo qeyb galayaan shirkan eyna aad u daneynayaan, iyaguna ey ku casuumayaan beesha caalamka inta dhiman.

 

Mar wax laga weydiiyay gudoomiyaha shirka in Maxkamadihii Islaamka ey kasoo qeyb gali karaan shirka dib u heshiisiinta ayaa waxa uu sheegay in shaqsiyaadka ku jira maxkamadaha ey yihiin Somali eyna kasoo jeedaan qabiil eyna u furan tahay in ey uga soo qeyb galaan shirka qaab qabiil oo kaliya.

 

Mudane Cali Mahdi ayaa sheegay in abaabulka shirka iyo howlihiisaba ey ugu socdaan si habsami leh, wuxuuna sheegay goobta lagu qabanayo in ey tahay goobtii ahaan jirtay gaadiidka Boliska ee magaalada Muqdisho.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo codsi u dirtey DFKMG ah

15 May 15, 2007 - 3:15:25 AM

 

Ergo ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland ayaa la soo xiriiray wasaaradda dib u heshiisiinta dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyadoo ergadaasi codsatay in laga qeybgeliyo shirka dib u heshiisiinta Qaran.

 

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Jaaliyaddaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa saxaafada u sheegey in ergadaan ay codsi u soo gudbiyeen.

 

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha ayaa sheegay in shirka nabadeed ee dib u heshiisiinta uu u madax bannaan yahay guddiga dib u heshiisiinta Qaran ee Cali Mahdi Madaxda ka yahay, wuxuuna tilmaamay in qabaa'ilada Soomaaliyeed la isugu keenayo shirkaan.

 

Shirka ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho 14-ka bisha Juun ee soo socota.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Qaran

 

Mogadishu 15, May.07 ( Sh.M.Network) Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegay in ergo ka tirsan maamulka Somaliland ay la soo xiriireen dowladda KMG ah si ay uga qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta Qaran oo dhowaan lagu wado in uu ka dhaco caasimadda Somalia.

 

 

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha, Max'ed Cabdi Xayir Maareeye

Wasiirka oo wareysi siiyay idaacadda shabelle, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaabka shirka dib u heshiisiinta qaran uu ku bilaabanayo iyo ergooyinka lagu casuumay, waxaana uu sheegay in xiriiro ay la soo sameeyeen isimada iyo boqorro ka soo jeeda W/galbeed isla markaana ay ka codsadeen in ay ka soo qeybgalayaan shirka.

 

Maareeye waxa uu sheegay in dowladda KMG ah aan lagu fara galin doonin shirweynaha dib u heshiisiinta, isla markaana ujeedka uu yahay in ay isku yimaadaan qabaa'ilada Somalia.

 

Waxa uu sheegay in guddiga dib u heshiisiinta qaran ay u madax banaan yihiin shirka dib u heshiisiinta isla markaana aan lagu fara galin doonin.

 

Maareeye waxa uu sheegay in ergada ka soo qeybgaleysa kulanka ay soo xuli doonaan qabaa'ilada isla markaana kulanka uu ahaan doono mid lagu dhameeyo khilaafaadka soo kala dhex galay qabaa'ilka 16 kii sano ee la soo dhaafay.

 

Shirka dib u heshiisiinta qaran ee kal hore uu iclaamiyay Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo bartamaha bisha June ee soo socota.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Location of June meeting revealed

Tue. May 15, 2007 08:00 pm.- By Mohamed Abdi Farah. - Send this news article

 

(SomaliNet) The chairman of the Somali reconciliation conference Ali Mahdi Mohamed revealed on Tuesday the location where the June meeting will be held.

 

Mr. Mahdi said the former compound of police transport maintenance in Mogadishu will host the national reconciliation meeting which is due to take place in mid June.

 

“There are now preparations in the compound which is enough to accommodate the delegations,” added Mahdi.

 

He said his reconciliation committee will send delegations to all regions in Somalia to invite the traditional leaders into the conference.

 

Mr. Mahdi noted that international delegates will observe the meeting but he declined to clarify whether representatives from Puntland and Somaliland would participate in June conference.

 

He said the meeting will be inclusive and aimed to end the clan conflict in Somalia.

 

Ali Mahdi, former president in Somalia, said the Islamic leaders can attend the meeting if they are representing their clans. He indicated that the reconciliation committee will guarantee the safety of all attendees.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siyaasiyiin iyo wax garad reer Somaliland ah oo xukuumadda federalka ka dalbaday in ay kasooq eybgalaan kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran (Dowladda Soomaaliya oo arrinkaa oggolaatay)

 

Xukuumadda federalka dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa ay ka dhawaajisay in kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee bisha dambe dhici doona ay kasoo qeyb geli doonaan siyaasiyiin ka socda gobalalda waqooyi galbeed Soomaaliya ee la baxay Somaliland

 

Xukuumadda federalka dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa ay ka dhawaajisay in kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee bisha dambe dhici doona ay kasoo qeyb geli doonaan siyaasiyiin ka socda gobalalda waqooyi galbeed Soomaaliya ee la baxay Somaliland

 

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaaa sheegay in mamulayaasha Somaliland ay xiriir la sameeyeen dowladda federalka Soomaaliya,islamarkaana ay dalbadeen in ay kulan weynahaa kasoo qeyb galaan,si ay kaalin ugu yeeshaan talaabada lagu soo dhameynayo hanaankii dib uheshiisiinta Soomaaliya ee Kenya kasoo bilwoday.

 

Waxaa wasiirku uu intaa ku daray in dowaldda federalka dalka Soomaaliya ay kulankaa ku casuuntay in badan oo ka mida siyaasiyiinta Somaliland iyo wax garad intabada.

“Hogaamiye dhaqameedyo iyo siyasiyiin reer Somaliland ah intuba way lasoo xiriireen madaxda dowladda waxaana ay dalbadeen in ay kulankaa kasoo qeyb galaan oo kaalintooda beel ahaaneed ay qaataan,waaana laga oggolaaday"ayuu yiri Maxamed cabdi xayir Maareye.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka oo sheegtay inay shirka dib u heshiisiinta u dhisayso meel lagu qabto, ayna dhawaan...

 

MAY 15. 2007 Radiofreesomalia.com

 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka dhacaya Muqdisho halkii lagu qaban lahaa la dhisayo, waxaana ay sheegeen inay soo bandhigi doonaan Qandaraaska dhismaha goobtaas.

Wasiirka dib u hesiisiinta iyo Jaaliyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in Enginer-rada Soomaaliyeed ay u soo bandhigi doonaan qorshaha dhismaha goobtaas, waxaana uu sheegay in dhawaan la soo bandhigayo arrintaas.

 

 

Maareeye ayaa wuxuu sheegay in Dowladdu ay dhameystirtay howlaha shirka dib u heshiisiinta laguna wado in laga dhiso Muqdisho, balse wasiirku ma sheegin goobta la dhisayo halka ay noqon doonto.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay horay u sheegtay in goobo badan oo lagu qaban karo shirka ay ku yaallaan Muqdisho, ayna ka mid yihiin Tiyaatarkii hore, Garoonka Kubadda Cagta, Xarunta Xisbiga iyo qaybo kale oo ku yaalla, Muqdisho, waxaase la garan karin sababta keentay in dowladdu ay ku baaqdo in shirkaas loo dhiso goob cusub.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in howlaha shirka ay yihiin kuwo u gaar ah Madaxda Shirka loo magacaabay inay hoggaamiyeen ee uu hoggaaminayo Cali Mahdi Maxamed, iyadoo mar uu ka hadlay shirka dib u heshiisiinta Mudane Cali Mahdi Maxamed uu sheegay in shirka uu qabsoomayo ayna howlihiisa wadaan.

 

Mudane Mahdi wuxuu sheegay dhankiisa in shirkaas ay ka qaybgeli doonaan odayaasha dhaqanka beelaha iyo cid walba oo kale oo nabadda Soomaaliya jecel, waxaana uu carrabka ku dhuftay in shirkaas uusan ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay mid dhaqameed.

 

 

 

 

 

Talaado, May 15, 2007

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Mahdi Oo Faafaahin Ka Bixiyay Qaabka Shirka D/Heshiisiinta

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho(Calanka.com) 14-May-2007

 

Gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Somaliya mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa faafaahin ka bixiyay qaabka iyo sida uu u qabsoomayo shirka laasoo lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho 14-jun.

 

Mudane Cali Mahdi ayaa sheegay in shirka uu u furan yahay qabaailada Somalida oo dhan balse aanan looga soo qeyb galeynin qaab urur siyaasadeed iyo mid xisbiba.

 

Cali Mahdi ayaa sheegay in ey maalinta berito ah ey u kala dirayaan gobolada dalka oo dhan wufuud soo xusha odayaasha iyo wax garadka uga qeyb galaya gobol kasta shirka.

 

Waxaa iyana uu soo hadal qaaday Mahdi in beesha caalamka oo dhan ey kasoo qeyb galayaan shirkan eyna aad u daneynayaan, iyaguna ey ku casuumayaan beesha caalamka inta dhiman.

 

Mar wax laga weydiiyay gudoomiyaha shirka in Maxkamadihii Islaamka ey kasoo qeyb gali karaan shirka dib u heshiisiinta ayaa waxa uu sheegay in shaqsiyaadka ku jira maxkamadaha ey yihiin Somali eyna kasoo jeedaan qabiil eyna u furan tahay in ey uga soo qeyb galaan shirka qaab qabiil oo kaliya.

 

Mudane Cali Mahdi ayaa sheegay in abaabulka shirka iyo howlihiisaba ey ugu socdaan si habsami leh, wuxuuna sheegay goobta lagu qabanayo in ey tahay goobtii ahaan jirtay gaadiidka Boliska ee magaalada Muqdisho.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Cali Mahdi Maxamed: "Ciddii diida inay shirka dib u heshiisiinta Qaran ka soo qaybgasho waa cid aan doonayn nabadda Soomaaliya"

Posted to the Web May 18, 13:53

 

 

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaailya Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Qaran ee lagu wado in bartamaha bisha soo socota lagu qabto Muqdisho ciddii diida ay tahay mid diidan dowladnimo Soomaaliyeed.

 

Mudane Mahdi oo wareysi siiyay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in shirka Qaran uu yahay mid lagu dhemeynayo khilaafaad soo jiray muddo 16-sano ah oo dagaallo sokeeye ay socdeen, ayna cid walba oo Soomaali ah ay uu u furan yahay inay ka soo qaybgasho shirka lagu wado in 14-ka bisha soo socota uu ka dhaco Muqdisho, wuxuuna sheegay in ciddii isku dayda inaysan shirkaas imaan loo aqoonsanayo inay tahay mid aan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya.

 

"Waxaan caddeynayaa in cid walba oo Soomaali ah ay ka soo qaybgeli karto shirka, mana jirto inaan kala soocayno dadka, waxaanse u sheegaynaa cid walba inay kaga soo qaybgalayso qoraal ay ka sidato cuqaasha beeshooda" ayuu yiri Cali Mahdi oo sheegay in aanay u kala saarayn dadka mabda'a ay aamisan yihiin.

 

Mudane Mahdi ayaa wuxuu sheegay in cuqaasha Soomaaliyeed ay u gudbinayaan qoraallo ay ku caddeynayaan ergada ay shirka u soo dirsan karaan iyo qaabka ay noqonayaan, wuxuuna sheegay in ciddii ay cuqaasha soo wakiilato uu shirkaas ka qaybgali doono.

 

"Cid aanay cuqaasho beelaha Soomaaliyeed u soo wakiilan kama qayblayso shirka dib u heshiisiinta qaran, mana dhacayso in cid walba oo socoto ah ay shirkaas ka soo qaybgasho" ayuu yiri Mar kale Cali Mahdi Maxamed.

 

Mar la weydiiyay Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha Shirka Qaran ee Soomaaliya in Sheekh Shariif uu sheegay inaysan Maxkamado ahaan ka qaybgalayn shirkaas, wuxuuse sheegay Mudane Cali Mahdi in Maxkamadaha haddii aysan shirkaas ka qaybgalayn ay yihiin kuwo u muuqda nabad diid, waxaana uu sheegay in Maxkamad ahaan aan shirkaas looga qaybgalinayn, balse ciddii ka tirsan oo doonaysa inay shirka ka soo qaybgasho ay soo maraan Beelahooda oo ay magac beeleed ku yimaadaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol...u gotta be voilating some sort of sol law here!! 10 posts all by yourself! aint that trollying to the max! where is the law here! sleeping... or this a country coz deal...!

 

i guess laws r 4 fools!! word.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Keep counting

Muqdisho:Gudoomiyaha gudiga diyaarinta Shirweynaha qaran oo ka hadlay qaabka shirka dibuheshiisiinta qaranka Cali Mahdi Maxamed.

19. maj 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-.Gudoomiyaha diyaarinta Shirweynaha qaranka Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa wuxuu maanta ka hadlay arimo ku aadan qabanqaabada shirka dibu heshiisiinta qaran ee dhawaan ka furmaya caasumada Soomaaliya ee Muqdisho

 

Mudane Cali Mahdi Maxamed wuxuu sheegay in shirka ay ka qeybgalayaan dad gaaraya 1,325 xubnood oo ka kala socda beelaha kala duwan ee Somaaliyeed.

 

Waxa uu xusay Gudoomiyuhu in maalmaha talaadada iyo Arbacada ay magaalada muqdisho ka ambabaxayaan ergo gaaraysa 28 xubnood kuwaas oo kala beegidoono gobalada Soomaaliyeed.

 

Xubnahaasi 28 gaaraya waxaa lasheegay in ay deegaanada ay booqanayaan ay gaarsiidoonaan caasumadaada shirka dibuheshiisiinta qaran ee ka furmaya Magaalada Muqdisho bisha June oo ay naga xigaan maalmo kooban.

 

Cali Mahdi Maxamed oo wax laga weydiiyay in ay Somaliland shirkaasi ka qeybgalayso iyo inkale ayaa wuxuu sheegay in ergo ka socota Somaliland ay shirka ka qeybgalayaan.

 

Gudoomiyaha shirka dibuheshiisiinta qaranka ayaa wuxu sheegay in dadka ka qeybgalaya shirkan ay soo xulayaan madaxda dhaqanka, salaadiinta iyo dubabka oo loo madax banaaneeynayo soo xulitaanka ergooyinka ka qeybgalaya kulankan,isagoo sheegay in xubnaha dibada ka imaanaya ee ka qeybgalaya shir in aysan ahaan doonin kuwa qaab beeleed lugu soo xulo.

 

Md.Cali Mahdi wuxuu sheegay in shirka lugu qaban doono xaruntii hore ee gaadiidka Booliska ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

 

Hadalka Cali Mahdi Maxamed ayaa soo baxaya xili guud ahaan Magaalada Muqdisho tahay meel ay gacanta ku heyso dawlada Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Cali Mahdi oo ka warbixiyay maanta halka shirka Qaran lagu qabanayo, ergada ka qaybgalaysa iyo Qabsoomidda shirka

Posted to the Web May 19, 15:32

 

 

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Qaran ee lagu wado in dhawaan lagu qabto Muqdisho Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay shirka goobta lagu qabanayo, tirada ergada ka soo qaybgalaysa iyo halka ay qabanqaabada shirka marayso.

 

Mudane Mahdi oo shirkaan jaraa'id qabtay kaddib markii uu kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka Talyaaniga haweeneyda lagu magacaabo Partizio Santinelli oo Muqdisho soo gaartay ayaa sheegay in lagu qaban doono shirka xarunta gaadiidka Booliiska, wuxuuna sheegay in indho-indheyn badan oo ay sameeyeen kaddib ay halkaas u qorsheeyeen.

 

Wuxuu sheegay Mudane Mahdi in shirka aysan kasoo qaybgeli karin 3-kun oo ergo sidii horay loo sheegay balse ay tashiyo badan oo ay sameeyeen kaddib uu go'aan ku gaaray guddigu in shirkaas ay ka soo qaybgalaan 1325-ergo oo ka socda beelaha Soomaaliyeed oo dhan.

 

Cali Mahdi Maxamed ayaa wuxuu sheegay in maalinta Arbacada ah ee soo socota ay u dirayaan Gobollada dalka oo dhan xubno ka tirsan guddiga si ay ergooyinka ka imaanaya gobolladaas ugu geeyaan warqadihii casuumaadda shirka oo uu sheegay inay diyaariyeen.

 

Wuxuu sheegay Mudane Mahdi in shirkaas uu qabsoomayo ayna u ogol yihiin inuu ka soo qaybgalo cid walba oo aysan u fiirinayn qofka shirkaas loo soo wakiisho inuu ka qaybgalo halkii uu ka tirsaan jiray haddii uu ahaa xisbi iyo haddii uu ahaa koox mucaarad ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this