Sign in to follow this  
SOO MAAL

Breaking news: Madaxweynaha oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Recommended Posts

SOO MAAL   

BBCSOMALI.COM

09 Abriil, 2005, 20:03 GMT; 23:03 SGA

 

madaxweyne.jpg

 

somspe.jpg

 

 

Madaxweynaha oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Magaalada Nairobi ayaa caawa waxaa ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheriif Xasan.

 

Kulankani wuxuu ahaa midkii ugu horreeyay tan iyo 17-kii bishii Maarso, markii mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay isu gacan qaadeen.

 

Dad kulankaas xog ogaal u ah ayaa sheegay in labada mas'uul ay isa soo hor fariisiyiin diblomaasiyiin shisheeye, hase yeeshee ay ayagu markii dambe fadhi keligood ah ay yeesheen.

 

Qof goob joog ka ahaa kulankaas ayaa ku tilmaamay in uu kulankoodu u ekaa mid jawi wanaagsan iyo is garad ku dhammaaday.

 

Berrito ayaa loo ballansan yahay martiqaad uu Madaxweynuhu u fidiyay dhammaanba xubnaha baarlamaabka Soomaalida.

 

Waxaa la filayaa in kulankaasi noqon doono mid wax ka tara xallinta khilaafka ay mudanayaasha baarlamaanka iyo xubnaha wasiirraduba ay ku kala qeybsan yihiin.

 

Maaddaama labada dhinac ee doodda ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu, in hadda ay berrito iyaga oo meel wax u isula wada ay isa soo garab fariistaan oo ay la hadlaaan mudanayaasha waxay noqon doontaa tallaabo horumar ah.

 

Labada qodob ee khilaafku ka taagan yahay waa in ciidammo dalalka la deriska ah Soomaaliya la oggolaado in ay dalka yimaadaan iyo in kale iyo in ay dowladdu u guurto Muqdisho iyo in ay ku sii hakato Baydhaba iyo Jowhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this