SOO MAAL Posted April 9, 2005 BBCSOMALI.COM 09 Abriil, 2005, 20:03 GMT; 23:03 SGA Madaxweynaha oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Magaalada Nairobi ayaa caawa waxaa ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheriif Xasan. Kulankani wuxuu ahaa midkii ugu horreeyay tan iyo 17-kii bishii Maarso, markii mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay isu gacan qaadeen. Dad kulankaas xog ogaal u ah ayaa sheegay in labada mas'uul ay isa soo hor fariisiyiin diblomaasiyiin shisheeye, hase yeeshee ay ayagu markii dambe fadhi keligood ah ay yeesheen. Qof goob joog ka ahaa kulankaas ayaa ku tilmaamay in uu kulankoodu u ekaa mid jawi wanaagsan iyo is garad ku dhammaaday. Berrito ayaa loo ballansan yahay martiqaad uu Madaxweynuhu u fidiyay dhammaanba xubnaha baarlamaabka Soomaalida. Waxaa la filayaa in kulankaasi noqon doono mid wax ka tara xallinta khilaafka ay mudanayaasha baarlamaanka iyo xubnaha wasiirraduba ay ku kala qeybsan yihiin. Maaddaama labada dhinac ee doodda ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu, in hadda ay berrito iyaga oo meel wax u isula wada ay isa soo garab fariistaan oo ay la hadlaaan mudanayaasha waxay noqon doontaa tallaabo horumar ah. Labada qodob ee khilaafku ka taagan yahay waa in ciidammo dalalka la deriska ah Soomaaliya la oggolaado in ay dalka yimaadaan iyo in kale iyo in ay dowladdu u guurto Muqdisho iyo in ay ku sii hakato Baydhaba iyo Jowhar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted April 9, 2005 Good progress!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites