Jacaylbaro Posted November 12, 2007 Laascaanood (Jam)- Munaasibad lagu maamuusayey ciidan boolis ah oo loo sameeyey Laascaanood, ayaa shalay lagu qabtay Qaybta Taliska Booliska Gobolka Sool ee magaaladaas, waxana askarta cusub la guddoonsiiyey dirayska ciidanka Booliska Somaliland. Sidaana waxa weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Sool, Cabdiqani Xasan Faarax (Gadari) u xaqiijiyey Taliye-xigeenka Hoggaanka Booliska Somaliland, Maxamed Xaaji Nuur. Waxaannu taliyuhu intaa ku daray inay tirada dhallinyarada ah ee hadda loo qarameeyey ammaanka magaalada Laascaanood dhan yihiin 138 (boqol iyo siddeed iyo soddon) askari oo bilow ah, kuwaas oo la guddoonsiiyey qalabkii, dirayskii iyo labmarkii ciidanka Booliska Somaliland, iyada oo sida uu Taliye-xigeenku sheegay tirada bilayska oo hadda la dhaariyey noqon doonaan kuwo si rasmi ah uga hawlgala nabadgelyada Laascaanood, isla markaana waxa uu xusay inay qorshaha ugu jirto in tiro intaa ka badan la qarameeyo, balse ay xilligan cutubka cusub si toos ah u shaqo geli doonaan, iyada oo la siin doono tababarro. Haddaba, si aan arrintaas warar dheeraada uga helo ayaa waxaan waraysi la yeelanay taliye-ku-xigeenka hoggaanka ciidanka booliska Somaliland, Maxamed Xaaji Nuur ayaa waraysi kooban oo weriye Gadari la yeeshay waxa uu u dhacay sidan: Su’aal. Taliye, ciidan intee le'eg ayay haatan qaramayseen? Jawaab. Way socdaan hawlaha ciidanka lagu qorayo ilaa hadda waxaanu qaramaynay askar booliis ah oo dhan 138 askari oo ah aasaaskii kowaad ee magaalada Laascaanood. Walina waa socota waana la qori doonaa. Hadda 138 ayaan hawlahoodi dhammaystirneen. Waxa kale oo aanu siinay askari walba lanbarkii dirayskii qalabkii ay ku hawlgali lahaayeen iyo wacyigalintii askartan cusub ayaa waxa ka muuqata in ay shaqo diyaar u yihiin oo waad aragtaa, laga bilaabo iminkana sidaas ayay ku hawlgaleen si ay u xasilliyaan nabagalyada magaalada. S. Ciidankani ma ciidan tababar loo dirayaa, mise waa ciidan tababaran oo haddeerba sida aad sheegtay hawlgalaya? J. Duruufo jira awgeed, horta marka hore ciidanku wuu hawlgalayaa marka tababarka la furana kolba qayb ayaa geli doonta ilaa iyo inta ay ka dhammaanayaan, waxaanan ku rajo waynahay in marka iminka dugsiga la furo in ay qaybi gasho tababarka. S: Ciidanka aad haatan qorteen imisa saldhig ayaad u kala qaybinaysaan oo magaalada ah mise waa hal saldhigga oo kaliya? J. Taa waanu ka fakari doonaa, magaaladana sahan guud ayaanu ku samaynaynaa waan isku jaan-gooynaynaa, sida ay u kala muhiimsan tahayna waan u kala qaybinaynaa rugaha jira ee saldhigyada . Kolley waa lagama maarmaan in meeshii boolis lahaaba in qayb la geeyo. Wariye C/qani xasan faarax (Gadari), Laascaanood. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites