Sign in to follow this  
Emperor

Somali President tour London + meets with the Somali communities

Recommended Posts

Emperor   

Madaxweyne Yuusuf Oo Booqday Goobo Badan Oo Ku Yaalla Magaalada London Daawo Sawirrada

 

 

Jan 17, 2008 By:

 

 

London(Jidbaale.com):-Madaweyne Dawlada Federalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, oo 2 Asbuuc ka hor kasoo baxay Cusbitaalka uu Ku jiray, Caafimaadkiisuna Aad u fiican yahay

 

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya C/lahi yusuf Axmed Ayaa Caafimadkiisu Aad u fiican, isaga oo inta Badan lagu Arko Meelaha Soomaalida ku badan tahay, isla markaana Soomaalidu kusoo booqdaan Hotelke Uu Ka deggan yahay Magaalada London.

 

Qaar kamid Ah Webabka Soomaalida Ayaa Faafiyay In Madaxweynuhu Xanuunsan yahay isla Markaasna Uu Cusbiytaal Kujiro.

 

Madaxweynaha Ayaa Sheegay in uu Caafimadkiisu wanaagsan yahay, isla markasna uu ku jiro nasasho, isaga oo Ay sugayan hawlo badan, kuna Laabanay Soomaaliya sida ugu Dhakhsaha badan.

 

Madaxweynaha Yusuf iyo Marwadiisa Xaawo Cabdi Samatar Ayaa soo booqday Maanta meelo badan oo Magaalad London ku yaal, isla markaasna Waraysi siiyayay Idaacado badan, oo Ay ka mid yihiin Aljazeera TV, Universal Tv iyo Webside-ka Boocame.com.

 

IskuSoo wada duuboo dad badan Ayaa marka Ay arkaan Sawirrada Madaxweynaha, Qiyaasi kara sida Ay xaaladdiisu tahay, in uu sariir jiifo iyo In Uu Soconayo .....

 

Daawasho Wacan oo Wanagsan Sawirrada Madaxweynaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

London: Madaxweynaha Soomaaliya oo Socdaal ku dhexmaray London lana kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee London.

17. januar 2008

 

 

London(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo hada booqanaya Magaalada London ,una joogo nasiino ka dib markii uu dhameystay Baaritaano caafimaad oo ku joogey Magaalada London.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay ku dhex lugeeyey Magaalada London ,isagoo socdaalkiisa ay ku wahelisay Marwo Xaawo Cabdi Samatar ayaa socdaal dalxiis ahaan ku tagey goobo kuyaala London ,isagoo si gaar ah ubooqanayay goobaha ay Joogaan dadka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa caafimaadkiisu ahaa mid wanaagsan mana jirin wax caafimaad daro oo ka muuqaneyso ,wuxuuna bilaabay la kulmida Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada London ,isagoo kala hadlaya sidii Soomaaliya loo mideyn lahaa loona taageeri lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Md. Yuusuf ayaa la kulmay Jaaliyadaha Soomaaliyeed wuxuuna kala hadlay sidii ay wax uga qaban lahaayeen arimaha Soomaaliya ,una gacan siin lahaayeen dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo dadkii day dagaaladu sameeynta ku yeesheen.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaal dheer ku soo dhexmaray Dukaamada ay Soomalidu leedahay ee Magaalada London ,isagoo booqanayay goobahaasi sida ay ucamiran yihiin waxaana socdaal walba ku waheliyay qaar ka mid ah Xogheymihiisa gaarka ah.

 

Wuxuu Madaxweynuhu joogi doonaa 2 todobaad ee soo socota sida uu kula taliyaya Dhaqtarkiisa gaarka ah ,waxa ayna sheegayaan wararku in markaasi ka dib Madaxweynuhu Soomaaliya tagayo Magaalada Baydhabo ee dalka Soomaaliya halkaasi oo uu ka bilaabayo Howlaha Qaranka Soomaaliyeed.

 

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Yuusuf socdaal dhulka ku maro goobo taariikhi ah oo kuyaala Magaalada London ,isagoo sidoo kale booqday Dukaamada ay Soomaalidu leedahay ee ku yaala Magaalada London.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha Yusuf iyo Marwadiisa Xaawo Cabdi Samatar Ayaa soo booqday Maanta meelo badan oo Magaalad London ku yaal, isla markaasna Waraysi siiyayay Idaacado badan, oo Ay ka mid yihiin Aljazeera TV, Universal Tv iyo Webside-ka Boocame.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Walee Adeerkeey still got game...Xaajida suu ulalugeyno iyo scenery ga aaba i dishay...Caafimaad kiisa allaha u siyaadsho...Aamiin...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this