Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Commemorates 21st anniversary of the massacre in Jazeerra

Recommended Posts

Sannad-guuradda 21-naad ee ka soo wareegtay Xasuusqii xeebta Jasiira (1989)

Warbixin murugo badan xambaarsan oo uu diyaariyey Khadar Xasan Cali Jamhuuriya London

 

 

Maalinta Sabtida ah ee 17-ka July, 2005 waxay ku beegan tahay sanadguuradii 21-naad ee ka soo wareegtay xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho sannadkii 1989.

 

 

Maalinimadii Jimce ee 15-ka July, 1989kii, waxay noqotay mid nolosha dadka reer Muqdisho wax weyn ka beddeshay, kadib markii ay foodda isla galeen dad mudahraadayay oo ka soo baxay salaaddii Jimcaha (Masjidka Sheekh Cali Suufi) iyo ciidamadii koofiyad casta ah ee ka amar qaaday jiray talsikii dhiigyacabka ahaa ee Siyaad Barre, halkaas oo askartii Siyaad Barre ay si arxan-darro ah rasaas ugu fureen, waxana lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidammada booliska, taas sababatay in bandoo lagu soo rogo Xamar.

 

 

Kacdoonka dadka reer Muqdisho oo ka dhacay xaafadda Hodan oo degaan u ahayd dad badan oo asalkoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa waxay bartilmaameed u noqotay ciidamadii Koofiyad casta ahaa ee ka amar qaadan jiray wiilka uu Siyaad Barre dhalay ee Maslax, kuwaas oo saqdii dhexe habeenkii bishu ahayd 17-ka 1989kii weerarro ku qaaday xaafado ka mid ah degaanka Medina iyo Hodan.

 

 

Askartaasi waxay kala soo baxeen guryihii ay ku noolaayeen dad ilaa dhawr iyo konton ruux gaadhaya oo aan waxba galabsan oo isir ahaan ka soo jeeda beelaha Isaaqa. Dadkaas oo isugu jiray caruur dhigata dugsiga, dhakhaatiir, shaqaale, aqoonyahanno, ardayda jaamacadda, waxgarad, odayaal iyo ganacsato, waxana sida la sheegay ciidankaas qabqabtay nin ay isku hayb ahaayeen Siyaad Barre oo la yidhaa Col. Canjeex. Dadkaas ayaa markii la ururiyay loo qaaday dhanka xeebta Jasiira, halkaas oo inta la isku xidhxidhay rasaasta qoriga baroonka ka dhacda lagu furay.

 

 

Haddaba, waxa mucjiso noqtotay, kadib markii uu xasuuqan daah furay Cumar Muuse oo Illaahay ka badbaadiyay falkan arxan-darrada ahaa, taas oo ka yaabisay taliskii Siyaad Barre, waxana ka dhashay khilaaf soo dhex galay taliyihii ciidanka booliska iyo xukuumaddii Afweyne. Waxa kaloo ay dhacdadani fajaciso ku abuurtay diblomaasiyiintii ku sugnaa magaalada Muqdisho oo dareen adag ka muujiyay dhacdadan aragagax leh.

 

 

Cumar oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen habeenkaas, ayaa yidhi; “Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 tallaabo u jirtay, halkaas oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Waxaan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaas oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan iyo midkale oo Toyota ah, kaasoo uu saaran yahay qori baroonka ah.

 

 

Waxa uu intaa ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii la geeyay xeebta Jasiira koox koox la isugu xidhay ka dibna si arxan-darro ah rasaas loogu furay, waxaannu isagoo arrimahaas sharraxayey yidhi; “Waxa amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox-koox ayaa nalooga daadajiyey carrada tuulan korkeeda iyadoo shan-shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo. Haseyeeshee, maanaan maqal wax dhawaaq ah. Waxaan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu, Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaah'."!!! "Si isdabajoog ah ayaa naloogu caga-juglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeysey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta."

 

 

"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabbo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabka bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudo galeen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhammaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabbo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo ag-joogay ayaa yidhi 'waar ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen Cumar oo wakhtigaa 25 jir ahaa waxna ka baranayay magaalada Muqdisho, waxaannu ka mid ahaa 47 kaas ruux ee ay askartii ******tu ku xasuuqeen xeebta Jasiira, nasiib wanaagse uu isaga Illaahay ka badbaadiyay, inkastoo gebi ahaanba intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin,” ayuu yidhi Mr. Cumar oo wejigiisa laga dareemayey murugo aad u weyn.

 

 

Illaahay ha u naxariisto dadkaas la gumaaday waxa kaliya ee loo aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo xukuumaddii xilligaasi ugu talogashay in ay tirtirto, balse dhanka Illaahay aan laga aqblin oo ay ku guuldarraysatay, kuwii falkaa geystayna inta ka hadhay maanta ay ku nool yihiin werwer iyo walaac markay dib u eegeen dhiiggii iyo dhagartii ay galeen, waxana hubaal ah in sida dhagarqabe Gen. Cali Samater dacwadda loogu soo oogay maalin maalaha ka mid ah iyagana lagu soo oogi doono xadgudubyada xuquuqda insaanka ah ee ay geystee.

 

 

Haddaba, xasuuqani wuxuu qayb ka ahaa fallalkii isir nacaybka iyo aargoosiga ahaa ee ay xukuumadii Muqdisho ka amar ku taaglayn jirtay sida joogtada ah ugula kici jirtay shacbiweynaha reer Somaliland marka ay ciidamdkoodii naf la caaridka ahaa u babac dhigiwaayaan xabbadda kulul ee mujaahidintii SNM. Dhammaanba intii ku geeriyootay xasuuqyadaasna waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Dadka reer Somaliland iyo inta danaysa damiirka dadnimada iyo Islaanimadana waxa la gudboon in ay u hawlgalaan sidii maxkamad cadli ah loo keeni lahaa kuwii ka dambeeyay fallkan arxan-darrada ah.

 

 

Maadaama ay tahay sannadguuradii ka 21-naad ee ka soo wareegtay habeenkaas madow waxaynu xasuusan doonaa magacyada Allah ha u naxariistee dadkii ciidammada Siyaad Barre ku xasuuqeen xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho:

 

 

1.Ibrahim Hasan Gelle US-OMC-Somali Republic

 

 

2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie Businessman

 

 

3.Mohamed Ismail Ahmed Businessman

 

 

4.Yusuf Mohame Handulle

5.Saeed mohamed Muminpro.Lafole S.N.U

 

 

6.Musa Abdi Gaas Businessman

 

 

7.Hussein Ali AdenBusinessman

 

 

8.Saeed Nur Musa businesman

 

 

9.Abdirahman Mohamed Bihi Businessman

 

 

10.Abiwahab Farah Ahmed Student

 

 

11.Abdifatah Ahmed Jiir Student

 

 

12.Matan Abdi HabashiStudent

 

 

13.Mohamed mohamud Abdi Businessman

 

 

14.Ali Mohamed Abdi Student

 

 

15.Hassan Aw Nur Barud Businessman

 

 

16.Abdi Mohamed Abdi Technician

 

 

17.Ahmed Yassin Omar Jama( Businessman

 

 

18.Mohamed Abdi Hassan )Businessman

 

 

19.Ibrahim Hassan Ege Technician

 

 

20.Abdi Muhumed Daud Businessman

 

 

21.Hassan Abdi Muhumed Businessman

 

 

22.Ali Mohamed Dirie C.Serv

 

 

23.Jama Mohamed Abdi Trader

 

 

24.Abdi Osman Dubad Trader

 

 

25.Husein Omar Husein Trader

 

 

26.Mohamed Musa Mohamed Trader

 

 

27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) Sportsman

 

 

28.Muhumed Abdillahi Warsame Trader

 

 

29.Mohamed-Bashe Abdillahi HebaanTrader

 

 

30.Abdirahman Ahmed Dhimbil Civil servent

 

 

31.Hussein Muhumed Farah Civil servent

 

 

32.Mohamoud Bacadle Civil servent

 

 

33.Jama Aden (barosin) Civil servent

 

 

34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)Trader

 

 

35.Warsame Dugsiye Reydal Trader

 

 

36.Barre Osman Abdi Trader

 

 

37.Abdirizaq Aydiid Mohamed Student

 

 

38.Hussein Osman Jama student

 

 

39.Khadar Mohamed Ahmed Student

 

 

40.Bihi Ibrahim Ahmed Student

 

 

41.Hassan Nur Hersi Student

 

 

42.Abokor Mohamed Yousuf Trader

 

 

43.Hassan Guure Abdi Trader

 

 

44.Khadar nuur Jama Trader

 

 

45.Ahmed Yusuf Ibrahim Trader

 

 

46.Mohamed Osman Jama Trader

 

 

47.Farah Ismail Awale student

 

 

48.Yusuf Abdillahi Roble graduate Dr.

 

 

49.Dayib Abdi Burale Trader

 

 

50.Dahir Mohamed Jama Warfaa Trader

 

 

51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale Trader

 

 

52.Muhidin Macalin Ahmed

 

 

53.Saadiq SH. Ahmed

 

 

54.Bahyaal Muhumud Jiri

 

 

55.Fuad Abdillahi Ibrahim

 

 

56.Daud SH. Ibrahim (H.Y).

 

 

57.Hussein Kheyre Abdi (H.J)

 

 

58.Rashid Mohamed Osman (H.A)

 

 

59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this