Jacaylbaro Posted June 7, 2008 Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta xukun min 11-sano ah dul dhigtay eedeysanayaan loo haysto inay ka dambeeyeen afduub 4-bilood ka hor loogu geystay gobolka Sanaag nin Jarmal ah. Garsooraha Maxkamadda Hargeysa Faysal C/laahi Ismaaciil ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in eedeysanayaasha kala ah: 1. C/raxmaan Warsame Xayd 2. Maxamed Yuusuf Xirsi 3. Xasan Salaad Faarax 4. C/raxmaan Maxamed Nuur 5. C/risaaq C/llaahi Cali Eedaha loo haysto ay marqaatiyaal ka caddeeyeen maxkamadda horteeda, kuwaasoo laga keenay Gobolka Sanaag, goobjoogna ahaa xiligii uu afduubku dhacayay. Sarkaalka Jarmalka ah ee la afduubtay oo lagu magacaabo Mr. Daniel Brokel ayaa howlo ugu socday deegaanno ka tirsan Gobolkaas, waxaana lala qafaashay haweeney caddaan ahayd, iyadoo darawalkiisiina ay kooxahaani lugta xabbad kaga dhufteen. Xeer ilaaliyaha Somaliland Xuseen Cabdi Qaalib oo saxaafadda la hadlay markii uu xukunkaan dhacay ayaa sheegay inay u cuskadeen xukunta eedeynsayaashaan qodobka 486 ee xeerka ciqaabta Somaliland. Afduubayaashaan la xukumay ayaa waxay sarkaalkaas Jarmalka ah la aadeen dhul buuraley ah oo ku yaala bariga Sanaag, halkaasoo ay kasoo qabteen ciidamada Somaliland. Qareennada difaacayay maxbuusiintaan ayaa waxay sheegeen in xukunkaan uu yahay mid baal-marsan sharciga, isla markaana ay rafcaan ka qaateen, waxaana hadalkaan maxkamadda ka horsheegay Avv. Bashiir Xuseen Cabdi. Quote Share this post Link to post Share on other sites