Sign in to follow this  
Jacaylbaro

WFP Brings Military Equipments ?

Recommended Posts

Ciidamada ammaanka ee Gobolka Mudug gaar ahaana Degmada Gaalkacyo ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari ay ku rarnaayeen qalab Meleteri kaasi oo sida laxaqiijiyey u rarnaa hay'ada cunadda Adduunka ee WFP, Gaarigan oo ahaa nooca loo yaqaan waaraadka ayaa waxaa lagu qabtay kantroolka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Gaarigan ayaa waxaa ku cabaysnaa in kabadan 50 kartoon oo ay kjiran jaakadaha xabadda celiya ee Bullet Proof waxaana uu dareewalka gaarigan uu Booliska u sheegay in alaabtan laga soo saaray Dekedda Bossaso ayna soo saareen qaar kamid ah shaqaalaha hay'adda WFP.

 

Dareewalka waday gaariga ayaa waxa uu ku andacooday in dadkii soo saaray ay u sheegeen wakhtigii ay gaariga kasoo kiraysanaayeen in ay saari doonaan deeq mucaawinaha oo ku wajahan Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

 

Ciidamada Booliska ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Gaariga geeyey saldhiga Booliska waxaana lagu wadaa baritaan ku aadan qalabka Meleteri oo uu Gaarigu wado iyo meesha uu ka keenay iyo sidoo kale meesha uu ku wajahnaa qalabkan.

 

Arrintani ayaa waxa ay noqotay mid aa ad ula yaabeen dadweynaha reer Gaalkacyo iyo dhamaana kuwa reer Puntland iyadoo tan ugu weyn ee laga kafajaceenna ay ahayd waxa keenay in dad sheeganaaya magaca hay'adaha gar gaarka laga helo qalab Meleteri.

 

Sikastaba waa markii ugu horaysay oo hay'ad gar gaar lagu helo qalab Meleeri lamana oga sida ay uga jawaabi doono Hay'adda WFP iyo waxa ay ka yeeli doonto haddii ay arrintani ku caddaato iyadoo uu horay u jiray khilaaf u dhexeeya Dawladda Puntland iyo hay'adda WFP.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this