Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Bakara market shelling kills 17

Recommended Posts

Duqeyn Bakaaro loo Geystay oo Dhimahso iyo Dhaawac Keentay

 

Saturday, 24 January 2009 16:28 BXM

Duqeyn xooggan ayaa maanta loo geystay Suuqa Bakaaraha ka dib markii Dagaalka iyo weerarka ismiidaaminta uu ka dhacay Agagaarka goob ay Ciidamada Amisom ku lahaayeen Wadada makka Almukarrama.

 

Madaafiicda lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay isugu jireen Taangi iyo sidoo kale Hoobiye, waxaana ay ku dhaceen qeybo kamid ah Degmada Hawlwadaag iyo Gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

Dad badan ayaa ku waxyeeloobay duqeynta Ciidamada Amisom ay u geysteen Suuqa Bakaaraha, waxaana uu kudhacay qeybta Suuqa Badarka oo haween galleey ka ganacsanayay uu ku dhacay.

 

Gawaarida Ambulance-ka ee gargaarka deg degga ah ayaa u sheegay GOOBJOOG in ay ka qaadeen Suuqa Bakaaraha 17-ruux oo 4-ruux ay ku geeriyoodeen gudaha Isbitaladii loo qaaday.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay maanta in dhaawacyadii ugu badnaa ay kasoo uruuriyeen wadada Makka Almukarrama maantana ay tahay maalin madow oo taariikhda Muqdisho u gashay.

 

Dhinaca kale Axmed Diiriye Cali oo kamid ah odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado duqeynta ay mar waliba Ciidamada Amisom ay kula dhaqaaqaan Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay maanta in lagu weeraray KM4 laakiin ay soo duqeeyeen Suuqa Bakaaraha.

 

Dhiigga shacabka Soomalaiyeed ayaa qolooyin ajandayaal siyaasadeed leh muddo dheer u adeegsanayeen dano gaar ah, waana mid haatan Ciidamada AMISOM iyo kuwa la dagaallamaya ay isku dayayaan si arxan la'aan ah in dhanba dhanka kale shacabka nacsiiyo, waxaase shacabku aysan wax rabitaan ah u ahayn cid kasta oo aan dhiigeeda beekhaaminaynin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this