Che -Guevara Posted March 29, 2008 iidamada ethopianka oo gaadhay Tukaraq.xagay ku socdaan? Wararka naga soo gaadhaya Caasimadda dawlad Goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in Hal-guuto oo ciidamada Ethopianka ah ay soo gaadheen maamul goboleedka puntland,kuwaasoo ayaamahanba ku sugnaa Deegaanka uu ka taliyo maamulku,iyadoo la caddeeyey inay gaadheen ilaa iyo magaalada xeebta ah ee Boosaaso. Mar aan xidhiidh la sameeyey mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee daraawiishta ee ku sugan jiida hore ayaa waxa uu ii xaqiijiyey in ciidamadani soo gaadheen Tukaraq iyagoo intii aanay iman tukaraq salaan sharaf kaga soo qaatay taliska ciidamada ee garoowe.ciidamdan oo uu sarkaalku sheegay inay yihiin {Hal guuto}oo aad u hubaysan, ayaa Janaralaakii watay waxa uu la soo kulmay Saraakiil sar sare iyo Madaxweynaha maamulgoboleedka Puntland {Janaral Cadde Muuse}iyagoo aan la garanayn ila hadda waxa ay kawada hadleen labada janaraal. Sarkaalka ayaa waxaa uu caddeeyey inay ciidamadu indha indhayn ku sameeyeen meelaha ay fadhiyaan ciidamda daraawiishtu iyo jiidaha hore oo ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee puntland iyo somaliland. Mar aan wax ka waydiiyey in ay dagaal si wadajir ah ula gali doonaan ciidanka daraawiishta iyo ciidamada ethopianka ah {ciidamda riyaale} ee ay is hor fadhiyaan ciidankiina daraawiishtu ayaa waxaa uu ku sheegay waxba kamajiraan inay tahay arintaasi macquulna aanay noqonkarin. QIIMEYNTA CIIDA Warar hordhac oo ay ka heshay shabakadda boocame ilo xogogaala ayaa waxay sheegayaan in ciidamadani ay gaadhi doonaan ilaa iyo magaalada hargeysa iyagoo ka gudbaya jiidaha ay isku horfadhiyaan ee aagagga Laas caanood ciidamada daraawiishta iyo ciidanka maamulka riyaale.inkastoo dadka qaar ay leeyihiin waxaa macquula inay kala dhexgalaan si ay u sii haystaan maamulka riyaale Laas caanood,warar aan caddeyn ayaa waxay sheegayaan in ciidamadini ay u yimaaddeen ceelka badroolka oo ayaamaahan saxaafaddu ka qoraysay inay Ethopianka la siiyey 10% hase ahaatee aan wali caddeyn. ciidamadan Ethopianka ah ayaa waxay ku soo beegmeen xili uu maamulka cadde muuse qarka u saaran yahay inuu burburo ka dib markay soo wajahday kalsooni daro soo kala dhexgashay shacabka Puntland iyo maamulka cadde muuse,waxay kaloo ku soo beegmeen xili ay bil ka hor yimaaddeen saraakiil sar sare oo Ethopian ah magaalooda Garoowe ayna u sheegeen saraakiisha iyo maamulka cadde inay u tababaraan ciidomo beeleedyada tirada badan ee lagu ururiyey Tukaraq iyo ciidamda puntland, halkaasoo ay diiden sarakiisha ciidamda iyo isimada sscda oo qaadacay inaan wax ciidan ah loo tababarayn ee ay tahay mashquulin.iyadoo ay ku eedeeyeen in Ethopianku ay gacan lexaadleh kulahaayeen qabsashada laascaanood.hase ahaatee ay sheegeen inay ciidamo uun u tababareen maamulka Hargeysa iyagana doonayaan inay u tababaraan ciidamo hoosyimaadda dawladda fadaraalka ah, waxaa jira ayaamahan buuq siyaasadeed oo soo kala dhexgalay beelaha sscda iyo Puntland ka dibmarkii ay arki waayeen waxtaageera ah oo uu ka gaysanayo maamulka cadde arinta lascaanood,hase ahaatee waxaa jira culus aan cidina ogayn oo cadde muuse ka haysta xagga dawaladda Ethopianka oo diiday ama kula taliyey inuu san wax dagaala qaadin. waxaa jirtay isballaadhin baaxadleh oo ay wadaan ciidamada Ethopianku iyagoo beryahanba ay isku ballaadhinayaa dhamaan gobolada soomaliya oo dhan,iyagoo sidoo kale maanta gaadhay magaalada Baraawe ee gobolka shabeelada hoose,halka ay ciidankale oo Ethopian ah ay ka gudbeen magaalada luuq ee gobolka gedo.ciidamo kale oo tiro badan iyo ciidamada dawladda ayaa waxay fadhiyaan meel u jirta 40km magaalada Bu-aale arinta oo ay ka danbayso dawladda fadaraalka ahi. mar aan wax ka waydiiyey hadaba dubli maasi sare oo Ethopian ah oo ku sugan dalka maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in dawladda Ethopia ay sxb dhaw latahay labada maamul ee Puntland iyo somalilandba iyo dawladda fadaraalka ah,hase ahaatee iyagu ay dawlad ahaan ku shaqeeyaan siyaasadda dawladda fadaraalka ah,ee aanay ku shaqayn siyaasadda maamulada Hargeysa iyo Garoowe ayna tagi karaan ciidamada ethopianku meelkasta oo Dawallada fadaraalka ahi ay codsato inay ciidamo u dirto isagoo ka gaabsaday halka ay ku socdaan iyo sababta ay u yimaaddeen. ILAHA DAWLADDA wararka xaqiiqda ah ee aan ka hello ilaha masuuliyiinta dawladda u dhuun daloola ayaa waxay sheegayaan iyagoo kalsooni muujinaya inay qaban doonaan ciidamda dawladdaiyo kuwa ethopianku dhamaan koonfurta soomaliya bilaha foodda inagu soo haya ugu danbayna bisha juun2008ka iyadoo dhawaan la filayo inay soo galaan ciidamo farabadan oo horle hoo Ethopian ah. kala soco wararkale oo badan boocame.com suxufi harun xiinfiniin1@hotmail.com Boocame Online news warbaahinta Qarniga Cusub!! Boocame@hotmail.com or Boocame@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 29, 2008 Originally posted by Che -Guevara: iidamada ethopianka oo gaadhay Tukaraq.xagay ku socdaan? loool...xaggee kale ma ogeyn miyaa Cadde iyo C/llaahi inay dhulkii Itoobiyaan ka iibiyeen? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 29, 2008 Warar hordhac oo ay ka heshay shabakadda boocame ilo xogogaala ayaa waxay sheegayaan in ciidamadani ay gaadhi doonaan ilaa iyo magaalada Hargeysa iyagoo ka gudbaya jiidaha ay isku horfadhiyaan ee aagagga Laascaanood ciidamada Daraawiishta iyo ciidanka maamulka Riyaale. Mala fajacaa, mala qoslaa, qosol rumeys la'aan ku imaado. Ma yaabaa, ma amakaagaagaa. Laba cadow isku sheegaayo, iskugu maleeyo isku horfadhiyo duur banaan, ayaa isla markaasna cadowgii Soomaaliyeed imaaday, kana gudbaayo, meeshuu rabana aadi karo, laakiin kuwii Soomaaliga isku sheegaaye isfiirinaayo, xabbad ka dhaxeyso kii soo gudbo xariijin. Maxaa la dhihi jiray horta? Doqon 12 indhood buu leedahay, mid cadowguu ku arkaa, kow iyo tobonka kalena sokeeyaha. How unbelievably true. Quote Share this post Link to post Share on other sites