Cowke Posted July 2, 2010 Wasiirka Cadaaladda Puntland oo Xariga Ka Jaray Xarun Carruurta Lagu Xannaaneeyo oo Laga Furay Garowe (Garowe)RBC: Waxaa lugu qabtay shalay galinedii danbe xarunta Xanaanada Caruuta ee Mishkat Munaasabad xariga looga jarayay Xarun cusub oo loogu talagaly in lugu xanaaneeyo caruurta Xaruntaa ayaa ah xarun ku cusub Magaalada Garowe ee aasimada Puntland waxaana furitaankeeda ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Maamulka Puntland iyo waalidiin kala duwan. Wasiira wasaaradda Cadaalada Puntland Cabdi Khaliif Xaaji Xusaan oo munaasabadaa xariga ka jaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xarun lugu xanaaneeyo caruurta si loo tarbiyayo . Waxuuna tilmaamay in ay aad u soo dhawaynayan howlahaan lugu doonayo in caruurta lugu xanaaneeyo si caruutaa loo tarbiyayo waxuuna sheegay in loo baahan yahay in caruurta laga taxadiro. Wasiira caadaalada ayaa sheegay in loo baahan yahay in waalidiinta qudhooda ay gacan siiyaan Maamulka xaruntaa si kor loogu qaaado howlahaa hor yaala waxuuna sheegay hadii maamulka la shaqeeyo in caruurtu ay noqon karaan kuwa tarbiyaooda toosto. Munaasabadaa uu xariga ka jaray wasiira cadaalada ayaa daah fur u aheed xarunta xaanada caruuta ee MISHAAT taas oo xaruntii labaad ee laga hirgaliyo Puntland waxana xarunta wayn ay ku taala Magalada Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Caasho axmed Yacquub oo ah madxa xaruntaa xaanada caruurta ee MISHKAAT ayaa RBC u sheegtay in ay wadaan qorshaaayl kala duwan oo ay doonayaan in caruutaa tarbiyo loogu helo . Waxa ayna tilmaamtay in xruntaan aay ka aas aasen Magaalada Bosaaso 2004 tii kidib markii ay ragtay baahida dadku u qabaan in loo furo xarun caruuta lugu xanaaneeyo si caruuta loo tababaro . Waxa ayna tilmaamtay in dadaalaan aysan ka caajisi doonin oo aay sii laba jibaari doonaan sidoo kale ayay sheegtay in arintaan ay u tahay bulshada muhiim inkastoo ay sheegtay in ay jiraan dad aan fahan sanayn barnaamijkaan waxa uu yahay. Caasho ayaa sheegtay in xaruntaan ay si toos ah dhawaan duruusta uga bilaabi doonaan waxa ayna ugu yeertay Waalidiinta in caruutooda keenaan si loo tarbiyayo mana jirto cid gacan siinaysa Xaruntaan xanaada caruuta oo ah xarun ka diinwaan gashay Wasaaradda waxbarashada Puntland. Waa markii ugu horaysay ee xarun nuucaan oo kale ah laga furo Magaalada Garowe ee xarunta Puntland RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted July 2, 2010 Somaliland is boosting completing successful democratic elections, while certain areas are reporting about day care centers lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Malika Posted July 3, 2010 Is it a day care or is it a nursery school,either way its a good thing. Early years education is important. A good idea. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted July 3, 2010 Cowke, why exactly is this in the politics section? Quote Share this post Link to post Share on other sites